Yalda Xakim: ‘Mustaqbal Ma laha Qoysaska Saboolka Ah Ee Dalka Afghanistan Ku Nooli’

0
Afghanistan
Qoraalka sawirka,

Weriyaha BBC-da, Yalda Xakim, waxay ku dhalatay dalka Afghanistaan.

Qoyskeeda waxay dalkaas ka qaxeen in sannadihii 1980-maadkii, xilligii Midowgii Soofiyeet, balse si joogto ah ayay dalka uga soo warami jirtay tan iyo xilligaas.

Hadda waxay dalka dib ugu soo laabatay markii ugu horreysay, tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen awoodda dalkaas, 100 maalmood ka hor.

Sheekada Yalda Xakim

Waan ogaa in ku laabashadaydii ugu horreysay ee waddankii aan ku dhashay tan iyo markii Taalibaanka ay xukunka qabsadeen bishii Ogoosto ay igu dhalin doonto su’aalo badan, ayey tiri.

Intee in la’eg ayay ummadda isku beddeshay tan iyo markii Taalibaan ay meesha ka saartay dawladdii ay reer galbeedka taageerayeen? Dadka Afghanistaan ma heli doonaan ugu dambeyntii nabadda ay ku taamayeen? Maxaa mustaqbal u noqon doona haweenka iyo gabdhaha ay markii horeba bulshada ka riixayeen nolosha maamulkooda cusub?

Waxaa jirtay hal su’aal, si kastaba ha ahaatee, maan fileyn in aan is weydiiyo; Awooddee bay tahay inaad isticmaasho si aad shaqada u timaaddo, maalinba maalinta ka dambaysa, toddobaadba kan ka dambeeya, bilba bisha ka danbeysa, adigoon mushahar helin?

Laakiin, taasi waa xaqiiqada aan ogaaday. Laga soo bilaabo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee Kandahar ilaa nadiifiyeyaasha isbitaallada Kabul, mid ka mid ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee Afgaanistaan, midna wax mushaar ah ma helin tan iyo markii ay dowladda dhacday oo gargaarka shisheeye uu istaagay.

In kastoo ay wax walba jiraan, haddana waxay u heelan yihiin in ay shaqeeyaan, iyaga oo daryeelaya dadka quusta ka taagan xaaladda ee sii kordheya ee qarka u saaran in ay naftooda halligaan.

Nasreen waxay ka shaqeysaa oo nadiifiye ka tahay Isbitaalka Carruurta Indira Gandhi ee ku yaalla caasimadda Kabul. Waxay tiri: “Haddii aanan imaan shaqada, dhallaankan way dhimanayaan, sidee baan uga tegi karnaa?”

Deegaanka waxa uu u baahan yahay in uu ahaado sida ugu macquulsan ee nadiifka ah, si loo hubiyo in bukaannada oo intooda badan ay tabar daran yihiin oo ay nafaqo darro hayso oo aanay qaadin wax caabuq ah.

Nasreen waxa ay sheegtay in aysan awoodin in ay gaadiid raacdo, sidaa awgeed waxay u soo lugeysaa shaqada, safar aad u dhib badan ayay u soo gashaa goobta shaqada, iyada oo 12 saacadood u soo lugeysa goobteeda shaqada.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo aad u liidata, ayaa haddana bukaannada ay daryeelaan waxay ku sugan yihiin meel aad u sii liidata.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 23 milyan oo reer Afgaanistaan ah ay wajahayaan macaluul. Boqolkiiba shan iyo sagaashan dadku ma haystaan cunto ku filan. Mustaqbal ma lahan dadka ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ee dalkan ku nool.

carruuta qaarkood waxay wajahayaan macluul
Qoraalka sawirka,

Goobta ay Nasreen ka shaqeyso, waxaad ku arkaysaa da’yar xalad adag ku jira. Gulnara, oo saddex jir ah, waxay ku sugan tahay xaalad aad u liidata, ma awooddo inay indhaheeda kala furto.

Indhaheedu way guntameen, marka ay u muuqato in ay soo kacday ayay xanuun la ooyaysaa. Tani waa waxa nafaqo-darrada ba’an ay ku hayso carruurta Afgaanistaan.

Afhayeenka Taalibaan Suhail Shaheen, ayaa farta ku fiiqaya beesha caalamka, wuxuuna ii sheegay in dhibaatada shacabka Afgaanistaan ay sabab u tahay ficillada reer galbeedka.

“Haddii ay leeyihiin dalkan wuxuu ku socdaa masiibo, gaajo, dhibaatooyin bini’aadantinimo, markaas waa mas’uuliyaddooda inay qaadaan tallaabo, tallaabo habboon oo looga hortagayo dhammaan masiibooyinkaas.

“Beesha caalamka iyo dalalka kale ee ka hadlaya xuquuqul insaanka, waa inay dib u eegaan tallaabooyinka u horseedaya qalalaasaha bini’aadantinimo ee Afgaanistaan,” ayuu raaciyay.

Haddii aad aqbasho falanqayntiisa cidda eedda leh iyo haddii kale – inta badan dadka odoroso waxay isku raacsan yihiin in xalka dhibaatadan uu ka imanayo maalgelin caalami ah.

Ma jirto meel tani ka sii muuqata marka ay timaaddo dhaqaalaha. Markii howlaha gargaarka caalamiga ah Meesha laga saaray, dhaqaalihii ayaa burburay.

“Waxaan ka shaqayn jiray foornada lebenka,” nin ayaa ii sheegay isagoo waddooyinka ku sugaya shaqo kasta.

“xilligii hore, mushaharkaygu wuxuu ahaa 25,000 oo lacagta afgaan ah, oo u dhiganta ($270) bishii, hadda xitaa ma samayn karo 2,000 ($22) bishii.

Dhammaan afartii carruur ah ee uu dhalay ayaa guriga ku xanuunsanaya, wax lacag ah oo uu ku daweeyna ma haysto.”Ma arko wax mustaqbal ah, qoysaska saboolka ah ma laha mustaqbal,” ayuu igu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here