Xoogiisa markaad dhammeysataan ha xoorina!?. Waxa qoray Suxufi Khadar Horyaal

0

Xoogiisa markaad dhammeysataan ha xoorina!?.

Waxa qoray Suxufi Khadar Horyaal

Dameeruhu waxa ay kaalin mihiim ah kaga jireen hawl maalmeedka bulshada Soomaalida, iyada oo loo adeegsan jiray shaqooyin ay ka mid yihiin, dhaanka reerka, soo gurista xaabada, rarista reerka iyo waliba in mararka qaar lagu qodo beeraha.

Haddaba marka magaalada la joogo arrintu sidaasi waa ay ka duwan tahay, oo waxa loo adeegsada dhaaminta biyaha, in la saaro rar aanu tankiisa qaadi karin, iyada 20 xabbo oo Sibidh ah lagu raro ayaa waliba laga saaraa dalcad dheer oo ka bixisteeda xataa gaadiidka ku adag tahay iyo alaabooyin kale.

Inta badan waxa dhacda iyada oo foosto biyo ahi saaran tahay, haddana ninkii manafacaadsanayay uu dusha ka saaran yahay oo uu garaacayo, isaga oo gaadhsiinaya nabaro dhaxalsiiya in uu socon waayo.

Gaba-gabadii dameerkani ayaa ka mid ah mayeedhaanka marka xoogooda la dhammeysto magaalada lagu sii daayo.

Tallo:

Wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland, waxa aaan u soo jeedinayaa in ay qorshe ka sidii ay wax qaban karto Mayeedhaanka marka xoogooda la dhammeysto suuqa lagu sii daynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here