Xisbiga Wadani Waxaa La Gudboon Gobonimada Jirde In Tolkii Ugu Abaal Gudaan, Oo Aanay Hada Mansabyada Siyaasada Ka Qadin, Oo Aanay Talo Seegin, W/Q; Muuse X Cabaydh.

0

Laba qodob aan ka dhaho hadalka C.qaadir Jirde, Jirde waa shaqsiyada maanta S.land inta masraxa saaran ugu fahansan dawladnimada, waa shaqsi qiyam Sare leh, waraysigiisa uu siiyay HCtv waxa ila qurxoonayd in golayaasha reerka uu kula garnaqsado oo aanu si public ah uso gudbin, waayo taas ayaa beeshiisu ku niyad samaan lahayd, ma runbaa mise Waxba kama jiraan doodaydu ma ahan.

Degmada Axmed dhagax isna wa sheegay dadkuna way ogyihiin waxay garab istaageen Wadani, waxa tusaale Kugu filan dhawr jeer Biixi dibloomasiyiin shisheeye waxy ku dhaheen Hargaysa guushaadii hal xaafad baa ku dabaal degtay, taas oo sheegaysa in Degmada Axmed dhagax aanay u muujin so dhawayn, Biixi waxa uu dagaal ba, an ugu qaaday oo mansabyada dawladiisa uga ilaashay waa taageerada ay siiyeen xisbiga, xaqiiq maalinta nin reer Axmed dhagax ah hadlo Biixi kama seexdo.

Maxaa gudboon Jirde shaqsiyad aynu heli karno ma ahan umad ahaan, waxa wacan in laga dheeraado in laga Daba hadlo waayo Quruxdii uun baa si baabaysa, laakiin in talo la yeesho waa muhiim, oo aan fagaraayaasha laga wada hadal.

Xisbiga Wadani waxa la gudboon Gobonimada Jirde in tolkii ugu abaal gudaan, oo aanay hada mansabyada siyaasada ka qadin, oo aanay talo seegin.

Waxa qoray Muuse Xaaji Cabaydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here