Xildhibaano Mucaaraday Madaxweynaha Jubbaland Oo Maamuus Ka Xayuubin Lagu Sameeyay

0

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa fadhi uu maanta ku yeeshay magaalada Kismaayo, waxaa uu xasaanadii kala laabtay Labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulkaas.

Labada Xildhibaan ee laga saaray Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu kala magacaabaa C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf.

Xildhibaan Geelle Aadan Saciid oo ka mid ah Guddiga anshaxa ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa labadan xildhibaan ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka u yaala maamulkaas.

Waxaa uu ku eedeeyay in xadgudub ku sameeyeen qodobka 30aad ee dastuurka Jubbaland, isla markaana ay ku kaceen masโ€™uuliyad darro, iyagoo sabab laโ€™aan uga maqnaa kalfadhiyada baarlamaanka maamulkaas.

Labada Xildhibaan ayaa horay uga soo hor-jeestay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo caddeeyay in aanay jiri karin cid ka hor-imaan karta maamulka Axmed Madoobe, isla amrkaana qaab keli talisnimo ku dhaqmayo.

Waa markii u horeysay ee Baarlamaan Goboleed uu xil ka qaadis ku sameeyo Xildhibaano, waxaana arrintan ay tahay mid ku cusub siyaasada, maadaama la og yahay in xildhibaan aan xildhibaan kale xil ka qaadi karin, isla markaana xildhibaanka ay soo doortaan beeshiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here