Xildhibaan Xasan Ogaal Oo Cambaareeyay Xadhiga Wiil dhalinyaro ah oo hargeysa lagu xidhay

0
“Koox wadatay laba Gaadhi oo lagu sheegay Ciidanka Sirdoonka Somaliland, ayaa maanta abaaro 2:30 duhurnimo ka qafaashay Hotel Maansoor dhexdiisa Cadnaan Dhagaxkariye oo ka soo baxay hoolka weyn ee Hotel Maansoor, halkaas oo Beel ka mid ah Beelaha Somaliland ay ku casuumeen Xisbiga Waddani.
Runtii waan ka xumay in dadka muwaadiniinta ah, gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani in dhalinyaradooda taageerta sidan loo galo, tanina waxay ceeb iyo sumcad dil ku tahay Ciidanka, gaar ahaan Sirdoonka oo ay ahayd in qofka si sharafi ku jirto loo qabto hadii uu dambi leeyahay, waa hadii kooxdaas Cadnaan qafaaaladay ka socoday Ciidanka Sirdoonka Qaranka JSL.
Cadnaan intii aanu hoolka debeda uga soo bixin, waxaanu miridho ka hor wada fadhinay miis lagu cunteeyo, waase yara kacay oo xataa cuntadii waa u taalay miiska markii debeda lagu qabta, waxaanu doonayay inuu soo tukado”.
W/Q: Xildhibaan Xasan Ogaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here