Xildhibaan Cambaareeyay Weerar la sheegay in xalay lagu qaaday Guriga Murashax Cabdiraxmaan Cirro

0
Weerarkii xalay laggu qaaday guriga Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, waa mid la mid ah oo xidhiidh la leh isku daygii dil ee hore looggu soo qaaday Musharax Cirro balse Alle waa ka badbaadiyey oo waxa dhacdadaas hor istaagay ciidamada ilaalada Musharaxa oo ka hor tagay, difaac adag na ka galay in aanay dhibbaato dhicin.
Runtii, waa dhacdo kale oo ugub ku ah Somaliland, waxaana wax laga xumaado ah Xukuumaddii mas’uulka ka ahayd amniga dalka oo iyadu si badheedha u gaysanaysa falal dhaawaci kari ama xumayn kara amniga dalka. Xukuumaddu, malaha waxay moogan tahay inay mas’uul ka tahay amniga muwaadiniinta gaar ahaan madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo waajib gaar ahi ka saaran yahay.
Falalka noocan ah ee lagu beegsanayo madaxda Mucaaradku waa kuwo soo noq-noqday, waxaana ay nooggu muuqdaan kuwo si cad u qorsheysan. Waxaan Xukuumadda iyo Madaxweynaha ugu baaqaynaa in aanay xaaladda uga sii darin oo haddii aad sharciga ka talaabsataan oo aad xabad adeegsataan ogaada nina faraha baruuryo kuma sito, jawaab cad na waa laga bixin doonaa.
Haddaba Madaxweyne, waxaan leeyahay ciil iyo cadho nabad-na wey kaa kaxeeyaan colaad-na wax-ba kaama taraan,shalay wixii aad diidanayd in aad maanta adigii wax ka daran ku kacayso wey muuqataa, waxaanse ku leeyahay Madaxweyne Somaliland wixii ka xumaada inta aad kursiga joogto diiwaanka ayey kuu galaysaa, wixii ka dhashana mas’uuliyaddeeda adiga ayaa qaadi doona.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Ogaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here