“Waxaan Fariin U Dirayaa Goleyaasha Deegaanka Ee La Doortay” Cabdirashiid Baaxeer.

0
Ku: Golayaasha Deegaanka ee ladoortay.
Salaan iyo duco kadib, Waxaan idin xasuusinayaa dhawr qodob;
1. 1960 qalloocii galay seeska Dawladnimadda Ilaa iyo maanta ayuu inala socdaa ka digtoonaada in SEESKU idinka qaloocdo.
2. Taladda inteeda badan 90% dhexdiina haka soo baxdo, abuura kalsooni dhexdiinna ah.
3. La tashada dadka aad aqoonta iyo daacadnimada ku ogtihiin.
4. Ka fogaada halbeegga halkaa inna dhigay ee ah KURSIGA REER QUDHAC.
5. Mayor ka ama guddoomiyaha waa kursi keliya yaanu idinku keeni khilaaf talada waad wada leedihiin (maxaa diidaya in sanadkii walba 2 lagu dayo) waa qaab ay ku dhaqmaan wadamada qaar.
6. Ka shaqeeya midaynta gobolkiinna si aad u heshaan muruqa, maskaxda iyo maalka bulsho idin ogol.
7. Ka ambaqaada aqoon ku salaysan aragti, istiraatiijiyad iyo qorshe.
8. Ogaada kalsoonida iyo isku duubnaanta dhexdiina laga arko waxay abuuraysaa bulshada oo idin ixtiraamta iyaguna isku kalsoonaada, taa lidkeena khilaafka iyo muranka dhexdiinna ah wuxuu abuurayaa werwer bulsho iyo xasilloonidarro.
9. Ka fogaada asbaab walba oo keeni karta khilaaf iyo isqabsi ولا تنازعو فتفشلو .
Digniin: Qabyaaladdu waa waxa halkaa inna dhigay ee asaageen innaga reebay.
Aqoonyahan ka ladoortayow cod dheer ku dhaha Maya Maya Maya.
Fariin gaar ah Golaha Deegaanka ee Burco; ha illaawina hadaladii aqoonta iyo aragtida ku dhisnaa ee aad bulshada la wadaagteen maalmihii ololaha. Taladu yaanay idin seegin cidla isula baxa. Si deggan uga fiirsada SEESKA aad dhigaysaan.
Tawfiiqda Allah ha idin waafajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here