Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Waa Xul

0
Waxa aan Jeclaaday In Aan umada reer somaliland la wadago maqala aan cinwaan uga dhigay (Xirsi Xal maaha ee wa xul)

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay jirtay 25 Sano Waxa ay u baahantahay xoog iyo Aqoon la galiyo si ay uga mid noqoto beesha caalamka.

xirsi

Somaliland waxa ay u baahantahay niman ah sidii (Mohamed Mahatiir) dalka Malaysia (Nelson Mandela)South Africa. iyo Hogaamiyayaal kale oo u kaca ka dhabeeya Qadiyada iyo doonitaanka shacabka somaliland. Run Ahaantii Umada somaliland maanta waxa ay u baahantahay Shakhsi aynaan u arag in uu xal u yahay ee aynu u aragno in uu inoo yahay waxa afka qalaad lagu dhoho
(Role Model) oo inta aynu isu tagno aynu u aragno somaliland maanta in uu ka iibin karo beesha caalamka . waxa aynu u baahanahy shakhsi aynu qiimaynay Aqoontiisa, Aragtidiisa, Cadaaladiisa , iyo waliba sida uu samayn ugu yeelan karo caalamka.
Somaliland maanta uma baahna in aynu nidhaahno maanta beeshe ayaa u leh uma baahnin nin jeclaysi iyo koox dhawaysi
Qarankan Curdinka ahi waxa uu u baahanyahay daadihiye utudha u naxa kuna hogaamiya waxa ay rabaan.
Waxa jira dad badan oo ku haboon hogaaminta dalka .waxa jira dad badan oo aynu ka cabsi qabno in ay iibiyaan somaliland
Somaliland waxa ay u baahantahay hagaamiya ka shaqeeya danaheeda guud isku xidhnaanteeda midnimadeeda waxa ay u baahantahay hogaamiye aan ka aruursan ee u aruuriya, uma baahnin hogaamiye sita aragti ah ((Qaybi oo maamul)) uma baahnin kaligii taliye uma baahnin qof aynu ka dhigano in aynu u aragno in danta dadku ku jirto
Somalidu waxa ay u maahmaahda (waxa umusha u dan ah ayaa ubadkana u dana)) hada hogaamiyaha dalka u dan ah ayaa dadkana u dan ah . uma baahnin hogaamiye leh taariikh hore oo madow oo aynu ku kala qaybsano hogaamintiisa. uma baahnin hogaamiye ina kala wada ee waxa aynu baahanay hogaamiye isku keen wada.
Uma baahnin beere Qabyaaladeed ee waxa aynu u baahanay tirtire la dagaalame qabyaaladeed.
Guntii iyo gabagabadii Fakarkaygan waxa aan leeyahay In la hello hogaamiye xal ah waa Arin wanaagsan laakin waxa ka sii wanaagsan in la helo hogaamiye Xul ah oo aan Aragtidayda u arko in Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Ali X Xasan Ka Mid Yahay Raga Xulka ah ee aynu u dooran karno in ay inoo hogaamiyaan Dalka Mustaqbalkan Dhow…
Abdibaasid Adem Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here