WARBIXIN :- RI’DEYDU HA II CODEYSO.!!!

0
WARBIXIN :- RI’DEYDU HA II CODEYSO.!!!
Soomaaliya waxaa dhawaan la filayaa ineey ka dhacaan Doorashooyin Dadban oo dalka loogu dhisayo Dowlad Hogaamisa 4-ta Sano ee soo socota. Markase la raad raaco macnaha DOORASHADA DADBAN ee Sanadkan 2021-ka .waxaa kuu soo baxaya waa inaan sinaba loo filan karin iney qabsoonto Doorasho Cadaalad iyo Yaa mudan ku dhacda oo ay Odayaasha ama Xildhibaanadu ku soo xulaan hogaanka Dalka.
Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa ay sanadahaan dambe noqotay jaran jaro uu qofkii mar fuulaa ka tabcado dhaqaale, marka aad eegto isla xisaabtan la’aanta jirtana waxaadba moodaa in lagu wada balamay boobka hantida Qaranka iyo tan Umadda. waana sababtaas ayey dad badani qabaan in ay tahay midda keeneysa in Madaxda qaarkood ay noqdaan kuwa la moodo iney ku dhex nool yihiin caloosha Dowladda, maadaama ay Sanad walba soo taagan yihiin kuna qanacsan yihiin daraja kasta oo ay ka helaan dowladii timaadaba.
Si taas la mid ah Siyaasadda Soomaaliya waa mid u fudud inuu soo galo qof kasta oo dhaqaale u heysta una badheedha qamaarka ka socda dalka,waxaaba muuqda waqtigaan ineey ganacsatadii awal maalgalin jiray Siyaasiyiinta qaraabadooda ah in ay loolanka ku soo biireen maadaama ay arkeen la maal galiyayaashii 4 Sano ka hor iyaga hoos fadhiyay oo hada Sheerer waaweyn ku leh gabacsigooda. magaaladana ka dhistay daaro waaweyn,balse hadii ay Ganacsatadu awood ku yeelato Siyaasada dalka waxa ay dadka ka faalooda Siyaasadu qabaan in ay soo dagdagi doonto Geerida shacabku.
Hadda Waxaa weli Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba ka socda xod xodasho Siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo wajiya badan leh maadaama sanadkaan si loo yareeyo laaluushka ganacsatada darteed sare loo qaaday Qiimaha iibka, ayaa waxaa Suuqayada lagu soo kordhiyay Dilaaliin fara badan oo Qaarkood Seyladahooda ka soo xulay tiradii loo baahnaa lana soo dardaarmay kuwana laga sugayo iney si dag dag ah ku soo xulaan.halka kuwa kalena loo soo xuli doono si markaa ka dib la isugu geeyo hal suuq oo weyn oo ku wanaagsan Iibka iyo Baayaca Cododka shacabkuna ugala socon karaan Shaashadaha Xaraashka mustaqbal kooda. .
Dhanka kale, Mulkiilayaasha Reer Galbeedka ah ee Siyaasadda Soomaaliya maal gashada ayaa Seyladaha waa weyn ee EAU, ETHIOPIA, TURKEY, KENYA, UAE, QATAR, SAUDI ARABIA, iyaguna ka wada gorgortan xoogan maal mahaam Suuqyadooda iyo sidii ay ku kala xulan lahaayeen Ganacsatada Siyaasiyiinta ah ee ku haminaya ineey iibsadaan Soomaaliya 2021-ka . si ay u xukumaan.
Saadaal mooyee Wli ma cadda Musharaxa ama Kooxda ku guuleysan doonta Doorashada Sanadkaan 2021-ka loo madlan yahay, dhinaca kalena waxaa is dhex socda xargo badan oo Siyaasadeed oo lug jiidaya in Doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda, Xanta ugu weyna waa aragtida dalalka maal gashaday Soomaaliya oo weli ku midoobi la’ Musharixii ay dalka u dhiiban lahaayeen,si ay ugu rumowdo riyadooda ah “” QUUDI OO KA QAADO “”.
Si ay murankooda uga sii jeediyaan Dadka Soomaalyeed iyo dalalka qabaar moogga ahna waxa ay gudaha Soomaaliya ka curiyeen dagaalo Qabiil iyo Mid “DAACISH” oo heer Caalami ah, waxa ay sidoo kale soo saareen Digniino iyo dhaliilo is daba joog ah,si ay ugu qiil baneystaan hakinta dhaqaalihii Gudiyadii Doorashada ee ay shalay abuureen ay siinayeen, iyo caga jugleyn kaloo Siyaasadeed, dhamaan calaamada haasina waa kuwa loo sababeyn karo Habaca iyo kala daadsanaanta ka muuqata Doorashada Sanadkaan iyo Niyad jabka ku yimid Musharixiintii soo hamiyay Hogaanka Dalka oo Boodhadh koodu ku daaleen wadooyinka.
Hadaba Mar hadii aysan Doorashadu ku dhici dooinin Hanaan iyo hufnaan toosan oo ku yimaada rabitaanka dadka Soomaalyieed, si aaneey u dhicina taa badalkeeda loogu Wanqalay Doorasho Dadban oo dad gaar ahi maamulayaan soow hubaal maaha in Musharax waliba uu ku soo darsan doono Goobaha wax lagu Dooranayo koox ama Qof uu Suuqa ka soo iibsaday uma uu soo xushay oo kaliya si uu isaga ugu codeeyo ama ugu Codeeyaan. …….. xaalkana lama oran karo kama foga sanadkaan ….RI’DEYDU HA II CODEYSO.!!!
FG:-TANI WAA ARAGTIDEYDA.
===== DHAMAAD ======
WQ :-ABDULKADIR DULYAR
.. MOGADISHU

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here