Waayihii Millateri Ee Abiy, Ma U Sahli Doonaan Guul?

0
Ethiopias Prime Minister Abiy Ahmed speaks during the launch of his green legacy initiative, the nationwide environmental campaign to plant billions of trees, at a hall of Prime Ministers office temporarily transformed into a green garden in Addis Ababa, Ethiopia, on May 18, 2021

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar si weyn loogu ammaanay meel ka baxsan dalka dibaddiisa xilli uu sameeyay isbedel la taaban karo, balse sawirkaas ayaa burburay ka dib markii uu dagaal sokeeye ka billaabay waqooyiga dalkaas bishii November 2020.

Socdaalkiisii uu ka soo bilaabay mid ay jecel yihiin beesha caalamka iyo in uu ku danbeeyey mid ay canbaareeyaan waxa uu ahaa mid si degdeg ah ku yimi.

Ku guuleysiga abaalmarinta nabadda ee Nobel Oktoobar 2019 ayaa uu ku helay ugu dambeyntii, kaddib markii uu soo afjaray 20-sano oo ismari-waa ah oo u dhaxeeyey Eritrea iyo dalkiisa ayaa xaqiijisay maqaamkiisa caalamiga ah.

Balse dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa la macno ah in uu si degdeg ah u fidayo.

Waxa uu ku guulaystey tijaabadii ugu horeysay ee doorasho bishii June goobaha codbixinta oo ay hadheeyeen qaaddacaada qayb ka mid ah mucaaradka iyo dib u dhigista qaybo ka mid ah dalka amni darro awgeed.

Dadweyne aad u xamaasadsan iyo madax badan oo Afrikaan ah oo booqasho ku yimid ayaa isugu soo baxay si ay ugu dabaaldegaan dhaarintiisa horraantii bishii Oktoobar. Laakiin taasi waxay qarisay kala qaybsanaan qotoda dheer oo dalka ka jirta.

Smiling Ethiopian women dressed in traditional clothing celebrating the swearing in of Prime Minister Abiy Ahmed. They are part of a much larger crowd it seems. They are wearing intricate head accessories. They all look very happy.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Markii ugu horeysay wuxuu noqday ra’iisul wasaare sanadkii 2018 isagoo 41 jir ah, isagoo shaqada qabtay xilligaas oo socdeen mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday. Tamartiisa dhallinyaranimo iyo dhoola cadeyntiisa ayaa rajo galisay dad badan waagaas.

Isbahaysiga talada haya ee EPRDF ee uu hogaamiyo Mr Abiy ayaa ahaa mid qoto dheer tobankii sano ee u dambeeyay ee uu xukunka hayay, waxaana soo maray eedaymo cadaadis iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka. Waxa ka mid ahaa in la xidho dadka ka soo horjeeda iyo in la aamusiyo suxufiyiinta.

EPRDF waxay maamuli jirtey kobac dhaqaale oo degdeg ah balse dad badan ayaa dareemayay in laga saaray faa’iidooyinkeeda.

Dareenkan takoorka ah, gaar ahaan qoomiyada ugu badan ee dalka, Oromada, ayaa kicisay mudaaharaadyo badan. Mr Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, ayaa loo dalacsiiyay jagada ugu sarreysa, wuxuuna isla markiiba bilaabay inuu wax ka qabto welwelka xilligaas ee jaahwareerka ah.

Waxa uu sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo u xidhnaa arrimo siyaasadeed, waxa uu ka qaaday xayiraaddii saarnayd warbaahinta madaxa-bannaan, waxana uu ku martiqaaday kooxaha mucaaradka ah ee dalkaas oo mar laga mamnuucay in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Waxa uu taageeray in haweeney ay noqoto madaxweyne, waxa uu ka dhex abuuray golaha wasiirada sinnaanta jinsiga, waxa uuna dhisay wasaarad nabadeed.

Khibraddiisa dhanka millateriga

Abiy waxa uu ku dhashay magaalada Beshasha ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya. Aabihii, Axmed Cali, wuxuu ahaa Muslim, hooyadiis, Tezeta Wolde, waxay ahayd Masiixi. Abiy waa Masiixi Pentecostal ah.

Abiy waxa uu la dagaalamay taliskii Dergiga (Dergiga) ee ka talinayay dalka Itoobiya sannadihii 1974-kii ilaa 1991-kii, ka dibna waxa uu ka mid noqday ciidamada difaaca qaranka Itoobiya, waxaanu ka gaadhay darajada sarreeye guuto. Intii uu ciidanka ku jiray, waxa uu 2001-dii shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay kulliyadda Microlink Information Technology College ee Addis Ababa.

Sannadkii 2007-dii waxa laga dhigay madaxa Hay’adda Ammaanka Shabakadda Warfaafinta, oo ah hay’adda dawladda Itoobiya u qaabilsan dhanka sirdoonka internetka.

Ethiopia's Prime Minister and Nobel Peace Prize Laureate Abiy Ahmed Ali poses after he was awarded the Nobel Peace Prize during a ceremony at the city hall in Oslo on December 10, 2019

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Abiy ayaa gaaray jiidda hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xooggaga fallaagada.

Abiy Axmed, ayaa sheegay in isaga uu shakhsiyan hogaamin doono dagaalka dalka loogaga difaacayo fallaagada u soo ruqaansatay dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Waxa uu intaasi ku daray in halis ay ku jirto jiritaanka Itoobiya walow dowladdiisa ay gaashaanka u daruurtay in fallaagadu ay horumar ka sameeyeen dagaalka.

Kooxda TPLF ayaa sidoo kale ku hawlan duullaan lagu doonayo in lagu go’doomiyo Addis Ababa oo ay ku nool yihiin in ka badan shan milyan.

“TPLF waxay doonaysaa inay cadaadis ku saarto xukuumadda si ay wadahadal ula gasho, uma malaynayo inay Addis Ababa geli doonaan, halkaas aad loogama jecla” ayuu yidhi Mr Samuel.

Prof De Waal ayaa sheegay in dowladda ay wajaheyso guul darro ciidan, balse kooxda TPLF ma sheegan karto guul waayo guushu waa siyaasad.

“Waxay u baahan yihiin taageero iyo iskaashi ku filan iyo jileyaal siyaasadeed ah, kuwaas oo aanay hadda haysan.”

“Marka waa in la wadahadlo, kooxda TPLF waxay diiradda saari doontaa sidii loo sugi lahaa mustaqbalka Tigrayga.”

Ma caasimadda ayaa khatar ku jirta?

Ka dib markii ay dhowr goor ay dagaalamayaasha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) ay ku ku soo siqeen waddooyinka ka yimaada Waqooyiga ee soo gala Addis Ababa, ayay xiisaddu cirka isku shareertay.

Mareykanka ayaa soo saaray baaqa daadguraynta muwaadiniintiisa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna codsaday in ciidamo dheeraad ah loo qoro.

Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka.

Jabhad kale oo gacan saar la leh kooxda TPLF ayaa sheegtay in ay sidoo kale ku sii dhawaanayaan caasimadda.

Balse ciidamada Tigreega ayaa wali in ka badan 300 oo kilomitir u jira magaalada taas oo ka dhigan inay joogaan agagaarka magaalada Kombolcha.Ma ahan sida Taalibaan oo marba magaalo qabsanaysay iyaga oo aan xabada ridin,” Tibor Nagy, kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika, ayaa sidaas u sheegay BBC-da.

“Meesha ay kooxda TPLF hadda ka hawlgasho, waxaa ka jira iska caabin wayn… waxayna Addis Ababa u noqon doontaa inay la kulmaan dagaal aad u xun oo uu dhiig badan ku daato.”

Waxa uu aaminsan yahay in qabsashada caasimadda ay aad u adagtahay isagoo la barbardhigay khatarka nukliyeerka.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in waxa dhabta ah ee ay doonayso ay tahay in mucaawinada in ay gaarto dadka ku tabaaleysan gobolka Tigrayga.

“Waan sii wadi doonnaa socdaalkena ku aaddan Addis Ababa‚Ķ laakiin maahan ujeedkeena inaan xukuumadda la wareegno ee waxaan rabnaa in Abiy meesha ka baxo,” afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sidaas u sheegay BBC Focus on Africa.

Dowladda Itoobiya ayaa kooxda TPLF u aqoonsatay urur argagixiso, wuxuuna ra’iisal wasaaraha wacad ku maray in uu la dagaalami doono.

“Waxaan cadawgan ku aasi doonaa dhiigeena iyo lafahayaga, waxaana mar kale sare u qaadi doonaa sharafta Itoobiya,” ayuu yiri Abiy horaantii bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here