Waa Sidee Nolosha Qofka Bilaa Walaalka ahi?

0
Muna Cumar, qoraa

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA OMAR

Qoraalka sawirka,Muna Axmed oo ku so kortay madinnimo

Barbaarinta carruurnimo qofka kaalin wayn bay ku yeelataa dabcigiisa iyo dhaqankiisa kolka uu waynaado. Khibradaha kala duwan ee dhallaannimo waxa ay saameeyaan hab-fikirkiisa, dhaqankiisa, dabeecaddiisa iyo weliba sida uu dunida u arko.

Waxa jira khibrado qofka ku sababa in uu noqdo mid macangag ah. Tusaale ahaan, qof yaraantiisii aad loo dhibaatayn jiray ama soo maray korniin tacaddi wata waxa suurogal ah in isaguna tacaddiyo maskaxeed ama jidheed gaysto marka uu waynaado.

Xaaladaha kala duwan ee qofku ku koro waxa ay saamayn taban iyo toganba ku yeeshaan noloshiisa: agoonnimada, rajannimada, madinnimada, ayeeyo-korisnimada, iskoriska iwm. Haddii aad qofka dabeecaddiisa u fiirsato si fudud baad u garan kartaa hannaanka uu u soo koray. Xaaladahani waxa ay saameeyaan maskaxdiisa iyo tabta uu u fikirayo.

Xaaladahaa ta ugu qallafsan ee uu ilme ku barbaari karaa waa ta hooyo la’aanta ah (rajannimada). Waxa ay sababtaa in qofkaas noloshiisa ay ka maqnaato kaalin wayn oo maskaxdiisa koboceeda qayb laxaad leh ku yeelan lahayd, gaar ahaan qaybta naxariista iyo dad la dhaqanka wanaagsan.

Madinnimada ayaa iyaduna ka mid ah xaaladaha qallafsan ee uu qofku ku kori karo. In kasta oo aanay dad badan aaminsanayn in ay leedahay saamayn taban oo qofka keli ahi kaba nasiib badan yahay kuwa kale, waxa se xaqiiqo ah in si la mid ah ubadka kale ee kaalmaha waalidku ka maqan yahay isna ka maqan tahay kaalinta walaalnimadu.

Walaalnimadu waxa ay kaalin wayn ka qaadataa korniinka qofka. In ilmuhu helo qof la mid ah si uu u fahmo dabeecado badan oo carruureed waa muhiim. Haddii uu cid la mid ah guriga ka dhex waayo waxa adkaanaysa in uu fahmo doorkiisa iyo waxa ay tahay in uu qabto.

Maadaama uu guriga keligii joogo, dadka kale ee guriga la joogaana ay yihiin dad waawayn, ilmaha keliga ahi waxa uu is waydiiyaa had iyo jeer su’aalo badan. Waayo ilmuhu marka uu yar yahay ee uu arko ilmo kale ayuu gartaa cidda uu yahay iyo kaalintiisa. Laakiin haddii uu cidba waayo, maskaxdiisa su’aalo badan baa ku furma waana ta keenta in carruuraha madiyada ahi ay noqdaan marar badan dad aamusan oo aan hadal, ama goonisocod ah, oo ay adag tahay in ay dadka la dhaqmaan oo soo soo dhex galaan.

bb

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA OMAR

Qoraalka sawirka,Madinnimada ayaa iyaduna ka mid ah xaaladaha qallafsan ee uu qofku ku kori karo

Iskuulka iyo xaaladdii iga qabsatay

Maalintii u horraysay ee dugsiga la i geeyay, markii aan soo fadhiistay fasalkii koowaad (Uulo), waxa la i fadhiisiyay kursi ay fadhido gabadh yari. Dabadeed kolkii aan soo barbar fadhiistay, inta ay hareeraha eegtay sidii ay cid kale raadinayso oo kale ayay igu tidhi, “Oo walaalladaa miyaanay kula socon?”

Wax aan ku jawaabo ayaan garan waayay, waayo marnaba ma filayn su’aashan. Aniga oo ogsoon in aanan walaalo lahayn, ayaad haddana moodaysay in su’aashani igu noqotay nabar cusub oo igu dhacay.

In kasta oo aan yaraa, fahankayguna koobnaa, haddana su’aashaasi waxa ay noqotay wax aan dhibsado ama ka anfariiro mar kasta oo la i su’aalo. Waxa kale oo fajac ahayd, in su’aashani aniga ii ahayd naxdin iyo argagax balse dadku marka ay i waydiiyaan, ee aan ugu jawaabo “Walaalo lamaan dhalan”, in ay iigu warcelin jireen jawaab aad mooddo in ay hal meel ka soo wada akhristeen: “Cawadaada adigaaba keligaa lagu dhalay!”, iyaga oo ka aaminsan in qofka keligii la dhalo ka nasiib badan yahay ubadka kale. Ta kale ee laga aamisan yahay ayaa ah in uu madigu yahay qof kibir badan, laakiin xaqiiqadu intaa way ka sal dheer tahay.

In aad korto adiga oo aan lahayn carruur aad la ciyaarto, la sheekaysato, dugsigana aad isku raacdaan ma ay ahayn wax sahlan oo la dhayalsan karo. Si kasta oo aan waalidka uga helo koolkoolin iyo xannaano, haddana qayb wayn ayaa noloshayda ka maqan oo aan si joogto ah u tabaa.

In aad korto adiga oo aan lahayn carruur aad la ciyaarto, la sheekaysato, dugsigana aad isku raacdaan ma ay ahayn wax sahlan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,In aad korto adiga oo aan lahayn carruur aad la ciyaarto, la sheekaysato, dugsigana aad isku raacdaan ma ay ahayn wax sahlan

Kelinnimo

Koritaankaygii, caqabadaha aan madinnimada kala kulmay waxaa ka mid ahaa in aan waqti badan ku qaatay kelinnimo, taas oo sababtay in ay igu adkaatay la qabsiga, la sheekaysiga iyo la xidhiidhka dadka. Maadaama aanay jirin cid ii da’ dhow oo aan la sheekaysan jiray yaraantaydii, waxa aan noqday qof goonisocod ah oo aamusan.

Qoysaska Soomaalidu had iyo jeer waa qoysas balballaadhan oo ka kooban dhawr ama in ka badan tobaneeyo qof. Laakiin qoyskayagu sidaa wuu ka duwanaa maadaama aanu ahayn qoys ka kooban saddex qof oo qudha.

Tani waxa ay sababtay in aan ka duwanaanno qoysaska kale, si aan ula mid noqonnana waxa caado noqotay in aabbahay lagu dhiirigalin jiray in uu guursado gabadh kale, si uu u dhalo carruur kale oo fara badan. Arrinkaasi ma uu ahayn mid mar iyo laba dhaca, balse waxa uu ahaa mid joogto ah kaas oo marar badan aniga, ama aniga iyo hooyaday, maqalkiisu dhagahayaga ku soo dhici jiray. Arrinkaas weligay hooyaday ma waydiin balse waxa aan dareemi jiray in ay dhibsan jirtay oo uu damqi jiray.

Madinnimadu ma ay ahayn wax aniga oo qudha i saamaysay. Waalidkay laftooda way saamaysay oo waxay u ahayd imtixaan nololeed oo ay ka gudbeen. Aabbahay laftiisu waxa uu kaga baxay dhabar’adayg caqabadaha hor yaallay. Nolosha kalgacalka ku dhisan ee ay igu koriyeen tu la mid ah ayaa iyagana ka dhaxaysay, taas oo sababtay in ay caqabad walba si wadajir ah uga gudbeen.

Abd

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Bulshada Soomaalida qaabdhismeedka qoyskeedu badanaa waa ballaadhanyahay.

Tilmaan gaar ah

Bulshada Soomaalida qaabdhismeedka qoyskeedu badanaa waa ballaadhanyahay. Sidaa daraaddeed, inaad qoyskiinna u tahay ilmaha kali ah waa tilmaam gaar ah. Sidaas oo ay tahay, in ay dareenkaaga gudeed fahmaan oo ilaaliyaan waa wax aan dhacayn. Taasi waxa ay keentay in aan ku qasbanaado in aan laabta ku haysto waayahayga oo aanan cidna la wadaagin waayaha kala duwan ee noloshayda, gaar ahaan bilawgii labaatan jirkayga.

In kasta oo aan hadda ka soo gudbay kalinnimadii carruurnimo, haddana dareenka kelinnimo ma aha mid kolnaba iga suulay, marar badanna wuu iga soo doogtaa, aniga oo aan ku baraarugsanayn. Waxa aan marmar dareemaa kelinnimo xad dhaaf ah aniga oo tabaya kaalintii walaalnimo. Waxa aan niyaystaa waxyaabaha ay iga caawin lahaayeen ama aan ka caawin lahaa haddii ay jiri lahaayeen. Waxa se aan ku qasbanahay in aan anigu toban qof noqdo—oo aniga oo u baahan cid i taageerta oo dareen walaalnimo ii muujisa, haddana waa in dhabar’adayg muujiyo si aan u daryeelo waalidkaygii i soo barbaariyay. Waa masuuliyad wayn oo garbaha ii saaran oo ay tahay in aan sida ugu fiican uga soo dhalaalo.

Xorriyad weyn

Marka laga yimaaddo caqabadaha iyo masuuliyadaha kala duwan, koritaankayga madinnimo waxa uu ii qaabeeyay oo iga dhigay qofka aan ahay. U adkaysiga iyo ka gudubka xaalado badan oo adkaa waxaa ku lammaanaa casharro nololeed oo fara badan. Marka laga tago aragtida guud oo bulsho ka haysato qofka madiga, taas oo ah in si gaar ah loo kolkooliyo ilmaha madiga, waxa ugu mudan ee aan ka dhaxlay madinnimadu waa in aan helay xorriyad wayn oo aan ku cabbiro aragtidayda, sidoo kalena ku qaato go’aammo.

Xorriyaddaasi wax ay ii horseedday in aan noqdo qof go’aan doorasho leh, iyo sidoo kale qof si madaxbannaan u maarayn kara noloshiisa iskuna filnaan kara.

Waxaan rumaysanahay in madinnimadaydu sidoo kale ii fududaysay in aan ku wanaagsanaado waxbarashada berigii aan dugsiga dhigan jiray, waayo waxa aan waqtigayga badankiisa la qaadan jiray buugta, taas oo ah faa’iido kale oo aan ka dhaxlay. Mararka qaar waxaan is idhaahdaa madinnimadu waa deeq xagga Rabbi kaaga timid.

Maadaama aanay jirin wax kale oo aan ku mashquulo, akhriska ayaa ii ahaa waxa aan ku madadaasho xilliyada aan fursadda hayo. Buug kasta oo aan heli karayay waan akhriyay. Akhriskii badnaa indhaha ayuu ii furay, waxaanu ii sahlay in aan yaraantaydiiba yeeshay hadafyo aan ka helay caalamkaas akhriska.

Ugu danbayn, in aan keli ahaado waxa ay ahayd wax aanan waxba ka beddeli karayn, si kasta oo ay u adagtahay madinnimaduna, khibrad badan oo noloshayda dhaxal u ah una noqon doonta ayaan ka guntaday!

Xuquuqda Qoraalka____ Muna Axmed Cumar (Mullaaxo) waa Qoraa iyo gabadh ka shaqaysa arrimaha bulshada gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka. Muna waxa ay deggan tahay Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here