Waa Maxay Waxa Uu Ronaldo Ka Naxsanaa Kulankiisi U Horeeyey Ka Hor Intaanu Bilaabmin.?

0

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ‘aad u naxsanaa’ ka hor inta uusan dhalinin labo gool oo uu shabaqa ku hubsaday kulankii ugu horreeyay ee uu ciyaaray tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Waxa uu halyeey ka ahaa ciyaartii Sabtidii ka dhacday garoonka Old Trafford ee ay 4-1 uga badiyeen kooxda Newcastle.

Tababaraha United, Ole Gunnar Solskjaer, ayaa sheegay in Ronaldo uu taageerayaasha u sahlay inay mar kale “riyoodaan”.

Laacibka 36 jirka ah ayaa markii ugu horreysay kasoo muuqday Old Trafford isagoo xiran funaanadda Manchester United, taasoo ay ugu dambeysay 12 sano ka hor.

“Ma fileynin inaan dhaliyo labo gool,” ayuu yiri rugcaddaaga reer Portugal.

“Waxaan filayay hal balse ma fileynin labo. Waxay ahayd xaalad aan la rumeysan karin.”

Cristiano Ronaldo

XIGASHADA SAWIRKA, REX FEATURES

Qoraalka sawirka, Ronaldo’s goal was his 119th for United

Ronaldo ayaa United u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhaxeysay 2003-dii – oo uu kusoo biiray isagoo aan labaatan sano gaarin – ilaa 2009-kii, markaas kaddibna waxa uu aaday Real Madrid oo ku iibsatay £80m.

12-kii sano ee xigay waxa uu 551 gool u kala dhaliyay Rael iyo Juventus, ka hor inta uusan si lama filaan ah ugu soo laabanin United oo maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kusoo gadatay £12.8m.

Mid ka mid ah shanta koob ee Champions League-ga ee uu ku guuleystay iyo mid ka mid ah shanta abaal marin ee Ballons d’Or ee uu heysto waxa uu helay intii uu ku sugnaa England.

Taageerayaasha Manchester United ayaa aad u sugayay inay arkaan isagoo u ciyaaraya mar labaad, isaguna waxa uu tusay bandhig ka wanaagsan midkii ay filayeen.

Intii ay ciyaarta socotay oo dhan kumannaanka taageere ee ku sugnaa Old Trafford waxay ku heesayeen magaca Ronaldo, arrintaas oo uu aad uga mahad celiyay markii uu wareysiga siinayay qaybta ciyaaraha ee BBC-da.

‘Waan naxsanaa’

“Waxay ahayd xaalad cajiib ah. Markii aan billaabayay ciyaarta waan naxsanaa, i aamin,” ayuu yiri. “Ma aanan fileynin inay magaceyga ku heesi doonaan waqtigii ay ciyaarta socotay oo dhan. Sida la ii soo dhaweeyay waa cajiib, halkan waxaan u joogaa inaan guuleysto oo aan caawiyo kooxda,” yuu yiri Ronaldo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay; “Runtii aad iyo aad baan u cabsanayay, xalay waxaan ku fakarayay sida aan u rabo inaan bandhig wanaagsan lasoo shir tago iyo inaan muujiyo sida aan u awoodi karo inaan kooxda caawiyo. Kooxdan waa koox cajiib ah anigana waan ku faanayaa. Waxaan sameyn doonaa dadaal kasta oo suurtagalinaya inay igu faanaan.”

Ronaldo ayaa United labo jeer u sahlay inay gacan sarreyso, isagoo qaybtii hore ee ciyaarta ka dhigay 1-0, qaybtii dambeyna iyadoo 1-1 ah ayuu ka dhigay 2-1.

‘Waxay u muuqatay sida waagii hore’

Tababaraha Manchester United, Solskjaer, ayaa Ronaldo la ciyaarayay markii ugu horreysay ee uu u saflay United sanadkii 2003-dii.

Qoraalka Muuqaalka, ‘Ruthless’ Ronaldo has lifted everyone – Solskjaer

Ciyaartii Sabtida kaddib waxa uu sheegay inuu aad ula dhacay wax qabadka Ronaldo.

“Aad baan ugu faraxsanahay Cristiano,” ayuu ku yiri wareysi uu BBC Sport. “Waxaan aad ugu faraxsanahay kooxda iyo taageerayaasha. Waad fahmi kartaa dareenka garoonka agagaarkiisa ah tan iyo maalintii uu heshiiska saxiixay.”

“Waxay la mid ahayd sida maalmihii waagii hore. Waxay ahayd maalin khaas ah. Cristiano Ronaldo waa nin uusan noociisa jirin, waana ciyaartoy uusan jirin mid kale oo la mid ah marka la eego taariikhda kooxdeenna.”

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here