Waa Kuma Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Waddani?

0
Xirsi Xaaji Cali , qoraha buugga 'Miyiga illaa Madaxtooyada'
Xirsi Xaaji Cali , qoraha buugga ‘Miyiga illaa Madaxtooyada’

hirweynihii xisbiga Waddani oo maalintiisii labaad ka socda Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland, maanta Guddoomiyaha xisbigaas loogu doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka uu musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Xisbiga Waddani ayaa ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland.

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Hargeysa ka socday shirweynaha Xisbigaas, kaas oo ay ugu sii diyaar garoobayaan doorashada la filayo sannadka soo aaddan in ay ka dhacdo Somaliland.

Waa kuma Xirsi?

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu dhashay sannadkii 1966, waxaanu waxbarashadiisii ​​hoose-dhexe dhammaystay 1987-kii.

Markii uu dhamaystay waxbarashadiisii ​​sare, Xirsi waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM horraantii sagaashamaadkii.

Muddo ka dib, markii Somaliland gaar ugu dhawaaqday goonni isu taaggeeda, Xirsi waxa uu waxbarashadiisii dib uga bilaabay Somaliland, kaddibna wuxuu sii aaday India iyo UK, isaga oo xoogga saaray culuumta teknolojiyadda ICT iyo Maamulka.

Sidoo kale, wuxuu dhawaa Sharciga iyo Shareecada ka bartay labada jaamacadood ee Alpha iyo Beder.

Waxa uu ku bilaabay khibraddiisa shaqada mid iskaa wax u qabso ah ka dibna waxa uu ku biiray qaybta xawaaladaha ee Dahabshiil Group. Waxa uu noqday maamulaha guud ee shirkadda Somtel oo qayb ka ah shirkadda isgaadhsiinta ee Geeska Afrika.Xirsi waxa uu ka guuray ganacsigii wuxuuna u wareegay siyaasadda. Xilligii Xisbiga Kulmiye uu ahaa Mucaaridka, waxaa loo doortay in uu ku metelo komishanka, isaga oo noqday Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ka dib wuxuu xilkaas hayay muddo sannad ah, wuuna iska casilay markii dambe.

Qoraalka Codka,Xisbiga mucaaradka Wadani oo shir uu uga furmay Hargeysa

Markii xisbigiisa uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay talada Somaliland, sannadkii 2020, waxa uu Xirsi u magacaabay Madaxa Golaha Wasiirada, isaga kaddibna noqday Wasiirka Madaxtooyada, wuxuuna xilkaas iska casilay 2015.

Wuxuu muddo kaddib ku biiray Xisbiga Waddani. Wuxuu bilawgii xisbigaasi ka noqday Hoggaamiyaha. Iyada oo haddana uu noqday Guddoomiyaha cusub ee xisbigaas.

Xirsi waa qoraaga buugaag dhowr ah oo kala ah: Miyiga illaa Madaxtooyada & Hodanka Baahan iyo Himiladayda.

Sidee ayuu u arkaa xilkaa loo doortay?

Xirsi Cali Xaaji ayaa waraysi gaar ah oo BBC Somali uu siiyey ku sheegay in xisbigan uusan ku cusbayn horena uu hawlaha ka soday ula socday, hadddana uu halkii sii wadi doono.

“Runtii waxaan u arkayaa masuuliyad aan qadaay, ilaahay waxaan ka rejaynayaa in uu igu garab galo. Halkii uu joogay ayaan ka sii qaadi doonaa, wixii aan awoodana waan ku biirin doonaa, qorshena waannu lahaynoo kaas baan hirgelinayaa”, ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali Xasan.

Xisbiga Waddani ayaa ka mid ahaa ururradii 2012-kii u soo dallacay xisbinnimada Somaliland, waxaana tan iyo xilligaas guddoomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Cirro, halka uu sida oo kalena guddoomiyaha ku meel gaadhka ahaa Cabdiqaaddir Jirde.

Xirsi ayaa si weyn loogu xasuustaa markii uu ahaa wasiir ka tirsan dawladdii Madaxweyne Siilaanyo, waxaan algu tilmaami jirey mid ka mid ah wasiirradii ugu awoodda badnaa ee xilligaas.

Dhanka kale Xirsi oo ka jawaabayey in uu yahay qof adadag, oo badanaa aan tixgelin ra’yiga ka duwan ayaa eeddaasi iska fogeeyey isaga oo sheegay “in aanu halkan soo gaadheen haddii qofkaa yahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here