Waa Kuma Ninka keli ah ee ku jira guddiga qoondada haweenka.?

0

Dhawaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu magacaabay guddi ka shaqayn doona hubinta matalaadda haweenka ee goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka kooban 13 xubnood.

Dhammaan xubnaha marka laga reebo hal nin oo kaliya waa dumar, waliba ninka ku jira waxa uu liiska uga jiraa meesha ugu dambeysa.

Dad badan ayaa su’aalo iska waydiiyay sababta halka nin loogu daray 12 gabdhood iyadoo waliba laga hadlayo qoondada haweenka.

Ninkaasi waa Xasan Axmed Sidiiq oo muddo dheer ka tirsanaa bulshada rayidka.

Xasan oo BBC u waramaya yaa sheegay in sababta loogu magacabay ay tahay in uu khibrad dheer u leeyahay arrimaha bulshada iyo waliba hormarinta xuquuqda dumarka.

“Howshan waa howl aan horey uga so shaqeyn jirnay aniga iyo rag badan oo ururada bulshada rayidka ka mid ah,” ayu yiri Mr Xasan.

Mr Xasan ayaa isaga oo qoslaya waxaa uu yiri” waa run 12 marwo ayaan aniga saddex tobon ku ahay inkastoo aan marwo la iigu qorin oo mudane la iigu qoray marka waa sida inaad ila socota intaas waa iga kaftan,”

Waxaa uu intaa ku daray in xilligii xukuumaddii madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamed uu sido kale ka mid ahaa guddi ka shaqeynayay arrimaha haweenka.

Balse waxaa uu sheegay in xilligaasi ay rag badan kula jireen islamarkana hadda ay ka duwan tahay oo uu isaga oo kali ah rag ka yahay guddiga uu magacaabay rai’sul awsare Rooble.

“Xilligii hore 2016 mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dig-reeto ku magacaabay 13 xubnood ayaan ahayn oo aan u xilsaarnayn inaan xaqiijino qoondada dumarka loogu talagalay ee 30% ah,” ayuu yiri Mr Xasan.

“Waagaas dhowr nin ayaan ku ahayn 7 gabdhood iyo 6 rag ah ayaan ku ahayn laakiin markan rai’sul wasaare Rooble marwooyiinka ayuu xoogga saaray anigana maadaama anan ka mid ahaa dadka aad ugu dhuun duloola oo ururada bulshada wax bada ka soo shaqeeyay saas darteed ayaa la iigu soo daray,” ayuu intaa ku daray.

Xasan Axmed Sidiiq oo tababar bixinaya
Qoraalka sawirka,Xasan Axmed Sidiiq oo tababar bixinaya

Xasan Axmed Sidiiq ayaa sheegay in wax dhib ah uusan u arkin inuu ka shaqeeyo sidii ay dumarka xaqooda u heli lahaayeen.

“Waxaba kama qabo aniga mar walba qaranka ayaan u shaqeynayaa waxbo dhib ah igu keeni mayso inaan hablaha Soomaaliyeed la shaqeeyo, hablahana waa hablihii howlkarka ahaa oo hormuudka ahaa oo gabigood-ba wada khubaro ah oo caan ah,” ayu yiri Mr .

Sidee dadka uga fal-celiyeen magacaabidiisa?

Xasan Axmed Sidiiq oo aan waydiinay sida ay asxaabtiisa uga falceliyeen guddiga qoonadada dumarka ee uu isaga kali ah ragga ka yahay ayaa sheegay in fal-celin badan ay soo gaartay.

“Qaar badan baa ila soo kaftamay oo igu yiri adigu ma naago shaqeeye ayaa tahay maxaa gabdhaha kugu daray,” ayuu yiri Mr Xasan.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in qaar kale oo asxaabtiisa ka mid ah ay ugu hambalyeeyeen guddiga lagu daray.

“Qaar-na way ii soo hambalyeeyeen oo waxay yiraahdeen ninyahow dumarka wax badan ayay cawdeen oo yiraahdeen waa nala dulmiyay (minority) ayay yiraahdeen nagala dhigay laakiin markan adigaa (minority) ah marka sidaa ula soco, haddii aad garab u baahatana waad na soo waydiin kartaa ayay igu yiraahdeen qaarkood saaxibadey,” ayuu inta aku daray.

Xasan Axmed Sidiiq ayaa sheegay in muhiimadu ay tahay in howsha la qabto islamarkana ay qabtaan dad khibrad u leh howlaha qoondada dumarka.

“Muhiimadu waxay tahay howsha la rabo in la qabto ayaa waxay u baahan tahay khibrad iyo waaya-aragnimo aniga dhinacaas waaya-aragnimada umbaa la igu soo xushay ayaan u maleynayaa wax kale ma jiro,” ayuu yiri

Waa kumaa Xasan Axmed Sidiiq?

Xasan Axmed Sidiiq waxaa uu muddo dheer ka tirsanaa ururada bulshada rayidka ee Soomaaliya.

Xasan waxaa uu shahaada kowaad ee cilmiga siyaasadda ka qaatay jaamacadda umadda, siaga oo ka qalinjabiyay sanaddii 1989-kii.

Waxaa uu sido kale sanaddii 2019 shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda St Clements University .

Xasan Axmed Sidiiq waxaa uu sidoo kale sanadihii intii u dhaxeysay June 2000 ilaa April 2004 uu ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii kumelgaar ee Soomaaliya.

Waxaa uu Xasan sidoo kale doorashadii 2016 uu ak tirsanaa guddigii ka shaqeynayay sidii lagu xaqiijin lahaa qoondada dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here