Waa Kuma Heesaaga Iyo Majaajilaystaha Mu’adinka ah?

0
Abwaan Maki Xaaji Banaadir

Masrax laga heeso illaa Masaajid laga Aadaammo iyo maalmihii Abwaan Maki Xaaji Banaadir. Waa Abwaan hal-abuura suuggaanta, marna waa hoobal ku luuqaya heesaha, kolna waa majaajilayste u maaddeya dadka oo riwaayadaha dhiga. Dhanka kale waa mu’adanka masaajid Muqdisho ku yaal muddo soddon sanno ah.

intaa keliya kuma koobna ee xitaa waa xirfadle yaqaan habka loo tolo dharka, isaga oo ku barramoosay hanaanka loo tolo dharka Alliindiga ah (dharka banaadiriga ah) oo uu 8 jir ku bartay.

Maki Xaaji Banaadir wax uu ku dhashay tuulada Jilib-marka oo dhacda Badda Hindiya kana tirsan Shabeellaha hoose; tuuladaasi waxay degmadda MARKACADDEY u jirtaa 20KM. Caasimadda Soomaaliya ee Muqdishona 60KM ayeey uga beeganta dhanka koonfureed. Deegaanka ayuu ku soo qaatay barbaarintiisii ugu horraysay, wuxuuna ku bartay Quraanka Kariimka ah, isla Jilib-marka ayuu ku barta xirfada dhar tolidda.

”Anniga xirfadle ayaan ahay waxaan injineer ku ahay dharka alliindiga ah dharka banaadiriga ayaa u taqaanaan idinku, 8 jirkaygii ayaan bartay Jilib waa , xarunta dharka alliindiga ah,” ayuu yiri Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo u warramaye BBC-da.

Isla waayadaasi Maki Xaaji Banaadir waxa uu u wareegey magaalada MarkaCaddey oo uu ku soo qaatay barbaarintiisii kale, isaga oo kadibna u soo gudbey caasimadda dalka ee Muqdisho halkaa oo uu deegaan ka dhigtay mudadii u damaysey.

Markii ugu horreysey oo uu yimi caasimadda dalka waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah, xilliganna waa qoys ballaaran oo gaaraya illa 30 qof sida uu BBC-da u sheegay Abwaanku.

”markii aan Xamar soo galay waxaan ahaa keligay maantana Alxamdullilaahi rabbil caalamiin, waxaan dhalay iyo waxay dhaleen soddonneeyo waaye” ayuu yiri.

Geeddiga Suuggaanta Abwaan Maki

Xamar ayuu kaga biiray kooxihii suugaanta, waxa uuna Maki la soo baxay hal-abuur isugu jira dhawr dhinac, isaga oo sameeyey Riwaayado, Allifey heeso dhawr ah, noqday mullaxamiista, muujiyey in uu yahay jilaa’ iyo hoobal ku luuqayn kara heesaha, oo uu si weyn ugu soo baxay.

Muxuu ka wadaa heesaha kun ayaa u yar/kun ayaa u weyn?

Qoraalka Muuqaalka,Maki Xaaji Banaadir: Heesta bacdaa dhuuqso iyo sheekadeeda

Waa badweyn oo lagama geyoon karo Suuggaanta Maki Xaaji Banaadir, waxanna uu sheegay in dhammaan currintiisa iyo wax kasta oo uu hal-abuuray xanbaarsanyihiin farriimo uu bulshada Soomaaliyeed u diray.

Kuwa ugu caansan oo uu curriyey waxaa ka mid ah heestii aadka u caanbaxday ee ”BACDA DHUQSO” oo isugu jirtay, hees laxan iyo muusig wadata oo majaajilona ku larantahay, waxaana ku luuqayey Abwaanka qudhiisa.

Mar uu ka warramayay qisada ka damayse BACDA DHUQSO waxa uu sheegay, in markii uu curinaayeyba uu oggaa, in dadku gadaal ka fahmi doonaan qidasada ku duugan arrintan, laakiin isagu xilligaa uu odorosay halka uu ku damaynaayo shillinka Soomaaliga, kadibna inta uu ta-liif ka sameyey bulshada la wadaagey.

Haddii aannu tuducyo ka mid ah soo qaadanno maasadaasi oo dheerayd waxaa ka mid ahaa ..

”Bisniska nuur malee

Ganacsigu biyo cabbaal malee

Beesadaa sarrif malee

Baaqi soo celin malee

AABAABOO ABABO

warkaasan u mogaa anniga

AABAABOO ABABO

waa buubaa baddaan galaa

bacda dhuuqso

baalla weynta yaan lagaa boojanne

bacda dhuqso”

Waxaa xasuusin mudan sida hadda maansada ka muuqata, innuu shillin Soomaaligii kabasii liita oo aan gobollada qaarna lagaba adeegsan oo lacaggo qalaad ka shaqayaan.

Waxaan kale oo ka soo qaadan karnaa heesaha Abwaan Maki Xaaji Banaadir, middii waddaniga ahayd oo uu kaga hadlaayey Calanka Soomaaliya magaceeduna ahaa ”CALANKAYGIIYO CAWAALE” sida uu sheegay abwaanku wax uu curiyey isaga oo jooga wadanka Jabuuti xilligaa oo ay fooda ku soo haysey bisha luuliyo oo loo dabaaldego xorriyaddii Soomaaliya iyo Jabuutiba.

Inkasto hoobalada Jabuuti u jiibinayaan, haddan Heestaas oo fannaaniin kale gadaal ka qaadeen markii ugu horraysay abwaanka ayaa ku qaaday Dalka Jabuuti, mireheedana waxaa ka mid ah

” Calankeenniyow Cawaale

waanna ciiltirtee Cawaale

Caafimaad ku waar Cawaale

Cimrigaa ha jiro Cawaale

Kuu ciidnayee

kuu cayaarnayee

kuu Caweyneyee Cawaale

Cawaale Cawaale Cawaale”

Maki Xaaji Banaadir waxa uu ka mid ahaa Abwaannada faro ku tiriska ah ee aan dalka ka haajirin markii Dawladdii Soomaaliya burburtay, isaga oo ka mid ahaa dadkii lagu casumey shirarkii dub-u-heshiisiinta ee lagu qabtay wadamada deriska ah sida shirkii Jabuuti ee ka dhacay Carta, halkaa oo uu ka tiriyey maanso duco u badnay oo ka sheekayneysay dhibaatada haysatey dadkii Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ahaa wadamada adduunka.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir

Jacburka Maki Xaaji Banaadir

Marka laga hadlaayo suugaanta Soomaalida oo isugu jirta dhawr nooc sida Gabay, geeraar, maanso iyo wixii la mid ahba wax ay leeyihiin qaafiyad lagu socdo oo la illaaliyo haddii laga leexdona suugaantaasi burayso, oo loo aqoonsanayo in ay tahay mid jaban, oo aan buuxin mustawihii laga rabey.

Haddaba iyada oo taasi taagantahay ayaa waxaa jira nooc kale oo hal-abuurka Soomaaliyeed adeegsado marka uu wax curinaayo, waa hab aan la ilaalin qaafiyada oo jaantaa rogan ah, haddana loo dhigo qaab soo jiidasho leh, waxaanna noocaa loogu yeeraa JACBUR.

Abwaan Maki Xaaji Banaadirna waxa uu ka mid ahaa Abwaannadii Soomaaliyeed ee adeegsada jacburka, wax uu samayey mid magaciisu ahaa ‘MAANA IISHA AFGOOYE MAKA TIMI” oo uu uga hadlaayey sheeko dhex maraysa wiil iyo gabadha sida ka muuqata jacbur oo xitaa habkii heesaha oo kale Abwaanku ugu luuqayey iyada oo ay hooriska kadaba jiibinayeen Kooxdii Waaberi.

Miraha Jacburkaasi waxaan ka soo qaadan karnaa dhawrka tuduc oo aan Abwaanka afkiisa ka qornay

”Maana iisha Afgooye ma ka timi?

guriga Seyid Cali ma tagtay?

Albaabkoo furan ma aragtay?

Kadib mayska gashay ayada?

Seyid Cali yaa weeye ma yiri?

Maana iisha ani waaye ma tiri?

Seyid Cali fadhiiso ma yiri?

Seyid Cali kawaanka ma tegey?

Rubac hilbo ceeriin ma gatay?

Nus kiilo bariidna ma gatay?

Gasac shiid-shiid ahna ma gatay?

Kadib bac ma gatay asaga?

Alaabta guriga mageeyey?

Jikada agteeda ma dhigay?

Hilibkii mukulaal ma cuntay?

Seyid Cali garuun ma u qaatay?”

Waa uu ka dheeraa intaasi Jacburku waxaan dhextaal u ahaa oo Abwaanku ku soo celcelinaayey ”Ku heesayee walaal ila hoori” iyada oo fannaaniita waaberina ugu jiibinayeen ”Kula hoorinee, hoorinee hobey hobey”

Mar wax laga weydiiyey Abwaan Maki Xaaji Banaadir isbedelka fanka iyo fannaaniinta Soomaalida ayaa ku tilmaamay fanka xilligan 1+1 isaga oo sheegay in xilligii hore fanku ku dhisnaa isbiirsasho, haddase uu iska soo gaagaabtay.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir waxa uu hal-abuurkiisa ku mutaystay abaalmarino meelo kala duwan lagu gudoonsiiyey,

Waxaa ka mid ah mid ay gudoonsiiyeen ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga oo munaasabad soo dhoweyn u samayey xilli uu dalkaasi tegey.

Isla waagaasi waxaa Jaaliyada wadankaasi gudoon siiyeen shahaado sharaf muujineysa dedaalkiisa suuggaanta.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir wax uu ka midyahay Abwaanada joogtada uga qaybqaata munaasabadaha qaran ee caasimadda lagu qabto, waxan joogto wasaaradda warfaafintu u gudoonsiisaa shahaado sharaf kadib marka munaasabadahaasi dhammaadaan.

Abwaan Maki iyo sheekadiisa Mu’adannimo

Sidaan horrayba u sheegnay Abwaan Maki waa yartahay inta uu dalka banaanka uga baxay, wakhtigiisa ugu badnaa waxa uu ku qaatay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya isaga oo mu’adan ka noqday Masaajid ku yaal Xaafadda Xamar weyne oo uu ka Adamayey muddo 28 sanno ah.

Maki

XIGASHADA SAWIRKA,MAKI

Subax Arbaca ah 11:00 ayaa BBC-du ugu tagtay Maki Masaajidka isaga oo markaa Quraan akhrisanayey, waxaanna salaaddii duhur kadib isu raacnay gurigiisa oo uu noogu warramay

”hawshan wax bani’aadan qofka ugu deeqi karo maaha laakiin hadiyadaha Ilaahay adoomadiisa siiyo bay ka midtahay, qofna kuma dhahaayo kaalay masaajidkaan mu’adan ka noqo haddii aan ilaahay kuu qadarin” ayuu yiri Abwaan Maki Xaaji Banaadir

Sidoo kale waxa uu sheegay in mararka qaar uu masaajidka muddo ku jiro oo uu Quraanka nakhtiimo, isaga oo intaa ku daray in uu nafta xarrig adag ku xiray si aaney iyadu u hoggaamin.

Xilligii uu billaabay in uu masaajidka ka Mu’adan ka noqdo, Xamar waxa ay ku jirtey xaalad colaadeed waan horraantii burburkii Dawladnimadda Soomaaliya laakiin Abwaan Maki ma uu sheegin caqabad xooggan oo iskaga gudubtey hawshiisa waxana uu yiri

”Wixii aan soo maray dadkaas ayaan la qabaa, Abwaanku ma calaacalo, qofka igu qaldami karaa waa walaalkay marka wixii dhacay dadkaan la qabaa anniga” sidaa ayuu sheegay Abwaan Maki Xaaji Banaadir.

Ugu damayan Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo xilligan ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxa uu sheegay in uu jecelyahay inta noloshiisa ka dhiman uu ku sii noolaado Xamar oo isaga oo isku wata waajibaadkiisa Cibaado iyo hal-abuurkiisa Alle hibada u siiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here