Waa Imisa Da’da Ugu Weyn Ee Cimrigi Qofku Uu Gaadhi Karaa.? W/Q; Kamaal Marjaan.!!

0

WAA IMISA DA’DA UGU WEYN EE UU CIMRIGA QOFKU GAADHI KARAA?!!
============

Jeanne Calment oo sannadkii 1997 kii dhimatay iyada oo jirtay 122 sano iyo 164 maalmood, ayaa loo diiwaangeliyey in ay tahay qofkii ugu da’da weynaa ee soo mara bani aadamka intii la bilaabay nolosha casriga ah iyo shahaadooyinka caddaynta taariikhda dhalashada.

Sida lagu caddeeyey diiwaanka Arrimaha la yaabka leh lagu qoro ee Guinness World Records, gabadh oo u dhalatay Faransiiska dabadeed, weli dunida lagama diiwaangelin qof ku geeriyooday da’ ka weyn 120 sano,

HADDABA SU’AALAHA MUHIIMKA AHI WAXA AY YIHIIN:
– Waa imisa da’da ugu weyn ee uu qofka bani’aadamka ahi gaadhi karaa?!
– Maxaa sabab u ah in qofku aanu noolaan karin da’ intaas ka sii badan, xitaa haddii uu haysto daryeel caafimaad oo horumarsan?

Cilmibaadhis cusub oo ay faafisay majaladda ‘Nature’ oo Arrimaha cilmiga ka faalloota ayaa sheegtay in xadka bayooloji ahaan ugu fog ee uu jidhka bani’aadamku noolaan karaa uu yahay 150 sano.

Xeeldheereyaasha arrintan baadhay, waxa ay adeegsadeen nidaam xisaabeed ay ku saadaaliyeen, in marka uu qofku dhaafo 120 sano inta aanu gaadhin 150 ka uu jidhku lumiyo gebi ahaanba awoodda uu u lahaa ka soo kabashada iyo ka bogsashada cadaadisyada ku yimaadda sida xanuunka iyo dhaawaca, xitaa haddii ay fudud yihiin, taasina ay keento in uu geeriyoodo. Waxa ay sheegeen in da’daas aanay waxba ka tari karin daweynta lagula dagaalamo gabowga, xitaa haddii aanu qofku qabin xanuuno kale oo looga baqo in ay cimrigiisa soo gaabiyaan.
Sidaas awgeed waxa ay ku go’aan qaateen in aanu cimriga aadamuhu waqtigan dhaafi karin 150 sano.

Si kastaba ha ahaato ee Stuart Jay Olshansky oo ah bare-sare oo ka tirsan jaamacadda Illinois ee magaalada Chicago, balse aan ka tirsanayn xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay, in cimri dheeraanta macnaheedu aanu ahayn caafimaad qab buuxa, sidaas awgeed halka xoogga laga saari lahaa in muddo dheer la noolaado, ay ka fiican tahay in caafimaad lagu noolaado.

FG: Sawirka hoose waa Jeanne Calment markii ay 121 sano jirsatay sannadkii 1996.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here