UCID Oo Ka Digay In Dib loo Dhigo Fadhiga Golaha Deegaanka Cusub Ee Burco

0
Magaalada Burco waxaa caawa siweyn looga dareemaya doorashada duqa magaaladaasi oo sidii balantu ahayd lagu waday inay berri dhacdo , waxaana hadda soo baxaya warar sheegaya in xukuumadu dib udhigtay kadib markii laga qabsaday aqlabiyadii mudanayaashaasi .
Inkastoo aanu jirin war rasmiya oo kasoo baxay weli arintan hadana mucaaradka ayaa kahadlay .
“Burco Way tashatay ee Xukuumaddu ha ka Dayso Tashuushka ,waxaanu Leenahay Badhasaabka Xiligii loo Cayimay Fadhiga Golaha Deegaanka Burco ha loo daayo hadii aanay Jirin Sabab macquul ah oo Sharcigu ogol yahay
Hadii kale Waxaanu u arkaynaa in duulaan lagu yahay Midnimada Burco oo Xukuumaddu Ka Wado Waxeedii Xilka lahaa isla markaana Tashuush iyo Shaki la doonayo in lagu qaso wada-jirka iyo wax-wada lahaanshaha Burco
Sidaa daraadeed Waa in Xukuumadu Faraha kala Baxdaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka Ee Tashaday
Fadhigoodana Lagu qabtaa Xarunta Dawlada Hoose ee Burco Sida Sharcigu Dhigayo”.
Yusuf Keyse Cabdilaahi
Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here