Todoba Qodob Oo Wax Lagaga Qaban Karo Isbedelka Cimilada

0

.

Shirwaynaha cimilada ee COP26 ee Glasgow ka socda ayaa lagu sheegay inuu yahay fursadii ugu dambaysay ee lagu xakamayn lahaa heer kulka dunidu in aanu dhaafin 1.5C.

Laakiin heshiisyada iyo sawirrada la wada gelayo ka sokow maxay yihiin waxyaabaha muhiimka ah ee waddamadu u baahan yihiin inay sameeyaan si wax looga qabto isbeddelka cimilada?

1. In la iska daayo shidaalka dhulka laga qodo

Qoraalka Muuqaalka,Maxay yihiin dhibaatooyinka naga soo gaaray Isbadelada cimilada?

Shidaalka dhulka laga qodo sida baatroolka, gaaska iyo gaar ahaan dhuxul dhagaxda waxa ay hawada ku sii daysaa kaarboon laba ogsaydh (CO2) taas oo kulaylka kor u bixi lahaa qabta korna u qaadaysa heerkulka adduunka.

Waa arrin ay tahay in wax looga qabto heer dawladeed haddii la doonayo in aan heerkulku sare u dhaafin inta lagu xaddido 1.5C oo ah halka la rumaysan yahay in ay tahay bilowga halista.

Si kastaba ha ahaatee dalal badan oo waaweyn oo ku tiirsan dhuxul dhagaxda sida Australia, US, China iyo India ayaa diiday inay saxeexaan heshiis looga golleeyahay in lagu joojiyo adeegsiga dhuxul dhagaxda mudada tobannaan ka sano ee soo socda ah.

2. Xakamaynta neefta methane-ka

Warbixin dhowaan ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in yaraynta methane-ka ay gacan weyn ka geysan karto wax ka qabashada xaaladda halista ah ee dunida.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Xaddi badan oo methane ah ayaa laga sii daayaa hawada marka la qodayo gaasta dabiiciga ah iyo baatroolka waxa se lagu yarayn karaa qaab farsamo oo cusub. Sidoo kale in la helo qaab fiican oo xashiishka la iskaga nadiifyo ayaa iyadna muhiim ah maadaama oo meelaha gudaafadaha lagu daadiyaa ay sidoo kale yihiin meelo ay ka baxdo neefta methane-ka.

Shirka COP26 ku dhawaad 100 dal ayaa ku heshiiyey in la dhimo neefta methane-ka heshiiskaas oo ay gadh wadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Midowga Yurub. Ballanqaadka dunidu samaysay waa in neefta methane-ka lagu xadido 30% marka la barbar dhigo heerkii uu taagnaa 2020.

3. In loo wareego tamarta la cusboonaysiin karo.

Korontada iyo soo saarista kulaylku waxay wax ka taraan yaraynta neefaha lagu sii daayo hawada marka loo eego qayb kasta oo dhaqaale.

Beddelidda nidaamka tamarta adduunka oo laga beddelo mid ku tiirsan shidaalka la qodo oo loo beddelo mid ay maamusho tignoolajiyada nadiifta ah ayaa muhiim u ah gaadhidda yoolalka cimilada ee hadda jira.

.

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Qoraalka sawirka,

Tamarta dabaysha iyo cadceeddu waa in ay noqdaan tamarta keliya ee la adeegsado marka la gaadho 2050 haddii la doonayo in la gaadho yoolka ah in dunida hawadeedu noqoto nadiif. Hase ahaatee waxa jira caqbado taagaan.

Dabaysha yar waxay ka dhigan tahay koronto yar oo la dhaliyo, laakiin tignoolajiyada adeegsiga baytariyadu waay inaga caawin kartaa kaydinta tamarta dheeraadka ah ee dib loo cusboonaysiin karo, diyaarna u ah in la adeegsado daayo marka loo baahdo.

4. Baatroolka iyo naaftada oo la iska daayo

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Waxaan sidoo kale loo baahan doonaa ina la bedelno habka aan adeegsano baabuurta aan isticmaalno.

In la joojiyo isticmaalka baabuurta batroolka iyo naaftada iyo u beddelashada baabuurta korontada ayaa noqon doonta mid muhiim ah.

Gawaadhida xamuulka ah iyo basaska waxay ku shaqayn karaan shidaalka hydrogen, oo sida ugu habboon loo soo saaray iyadoo la isticmaalayo tamart la cusboonaysiin karo.

Waxayna saynis yahanadu ka shaqaynayaan shidaal cusub oo nadiif ah oo loogu talagalay diyaaradaha inkasta oo sidoo kale dadka ku boorinayaan inay yareeyaan tirada duulimaadyada.

5. In dhir badan la beero

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay 2018 ayaa lagu sheegay in si loo helo fursad macquul ah oo lagu xadidadayo in heerkulka caalamiga ah uu ka hooseeyo 1.5C waa in hawada aan ka saarno CO2.

Kaymaha ayaa aad ugu fiican arintan waana sabab ka mid ah sababta ay saynisyahannadu u xoojinayaan baahida loo qabo ilaalinta abuurta dabiiciga ah oo la yareeyo xaalufka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Barnaamijyada ballaadhan ee geed beerista ayaa loo arkaa inay yihiin hab lagu dhimi karo neefta CO2.

Geeduhu waxay muhiim u yihiin yoolka la doonayo ee ah in la gaadho in la joojiyo neefaha lagu sii daayo hawada sababt oo ah marka la yareeyo waxaa “la tirtiri kara” kaarboonka oo dhulka dib ugu noqon doona.

6. In hawada laga sifeeyo neefaha warshaduhu sii daayaan

Tignoolajiyada soo hadda uun soo baxaysa ee sida dad sameega ah ee CO2 ka saaraya jawiga ayay tahay in ahmiyad weyn la siiyo.

Goobo badan oo taas ku shaqeeya oo kaarboonka ka saari kara hawada oo laga dhisay Texas iyo Climeworks oo ku yaal Switzerland waxay ku shaqeeyaan iyagoo isticmaalaya marawaxadaha waaweyn si ay hawada ugu riixaan shaandhada kiimikaad ee nuugta CO2.

.

XIGASHADA SAWIRKA,CLIMEWORKS

Qoraalka sawirka,

Si kastaba ha ahaatee, tignoolajiyadu waa qaali khilaaf badanina waa ka taagan yaay sababtoo ah waxay u arkaan dadka dhaleeceeyaa inay caawinayso ku tiirsanaanta shidaalka dhulka laga qodo.

7. In la siiyo kaalmo dhaqaale lagu caawiyo dalalka saboolka ah

Shirkii Copenhagen ee Copenhagen ee 2009 wadamada qaniga ahi waxay ballan qaadeen inay bixinayaan 100 bilyan oo doolar oo maalgelin ah sanadka 2020, taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo wadamada soo koraya si ay ula dagaalamaan isbedelka cimilada iyo in ay ku bixyaan qabatinka isbedlka ka dhasha.

Taariikhdaas la beegsanayey ballan qaadkii lama fulin inkasta oo dawladda UK ee marti gelinaysa COP ay dhawaan soo bandhigtay qorshe lagu meel marinayo maalgelinta marka la gaadho 2023ka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Wadamo badan oo ku tiirsan dhuxul dhagaxda ayey haysataa tamar yari ba’an oo halis galinaysa ka soo kabashadooda Covid oo si aan qiyaas lahayn u saameeyey dadka saboolka ah. Arrimahan ayaa ka joojinaya inay ka guuraan warshadaha qiiqa badan sii daaya. .

Khubarada qaar ayaa aaminsan in wadamada saboolka ah ay u baahan doonaan taageero maaliyadeed oo joogto ah si ay uga caawiso inay u dhaqaaqaan dhanka tamarta cagaaran. Tusaale ahaan USA, EU iyo UK waxay dhawaan bixiyeen 8.5 bilyan oo doolar si ay Koonfur Afrika uga caawiyaan joojinta isticmaalka dhuxul Dhagaxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here