Tiyaatarka Qaranka: Sida Soomaalida ay ugu naaloodeen masraxiyaddii ugu horeeyay muddo 30 sano ah

0

Tiyaatarka qaranka ee Magaalada Muqdisho xalay waxaa lagu soo bandhigay 2 filin oo ah nooca gaagaaban oo ay soo bandhigeen koox dhalinyaro Soomaali ah.

Hoos iyo Jacaylkii qaloocday ayaa la kala yiraa filimada, waxaana u daawasho tagay qaar ka mid ah dadka ku nool Muqdisho oo inta badan haysan goobo maddadaalo oo ay aadaan. Dadkii daawanayay filimka waxay bixiyeen $ 10 doolar.

Waa Filimkii ugu horreeyey ee goobaha dadweynaha laga daawado muddo soddon sano ah ka dib. Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Tiyaatarka Cabdiqaadir Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in ay “habeen taariikhi ah u tahay ummadda Soomaaliyeed”.

“Waxay muujineysaa sida rajada loo soo nooleeyay… sanado badan oo ay caqabado taagnaayeen,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waa madal fursad siineysa… Qorayaasha heesaha Soomaaliyeed, sheekooyinka, agaasimayaasha filimada iyo jilayaasha in ay si cad u soo bandhigaan hibadooda,” ayuu raaciyay.

Daawadeyaasha waxay bixiyeen $10 dollar si ay filimka la soo bandhigay u daawadaan

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Daawadeyaasha waxay bixiyeen $10 dollar si ay filimka la soo bandhigay u daawadaan

Munaasabadda lagu soo bandhigay filimida ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Xassan Baydhabo oo muddo labaatan sannadood xiriiriye ka ahaa Tiyaatarka Qaranka xilligii barisamaadka. Xalay ayuu dib qabtay shaqadisii hore muddo soddon sannadood ka dib ah:

Xasan Baydhabo ayaa oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in muddadaasi uu ka maqnaa masaraxa Tiyaatarka uu bu-bursanaa.

“30 sannadod wuu burbursanaa Tiyaartarka, ruwaayaddii ugu dambeeysay markii uu dagaalka dhacayay Axmed Naaji Sacad baa lahaa, waxaana la oran jiray Socdaal iyo Sir JacayL anaga ayaana xiriirinaynay, waxaan xusuustaa waxay ahayd galab Axad ah oo ku beeganayd 30-kii bishii Diseembar 1990-kii markii xabaddii ugu horreysay ee bilaabatay.,” ayuu yiri Xassan Baydhabo

Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya, oo xarun ciidan ahaa xilligii dagaallada sokeeye, ka dib markii ay meesha ka baxeen shaneemooyiinkii tooska loo dawaan jiray.

1969-kii, sagaal sano ka dib xornimadii Soomaaliya, dawladdii dhexe waxay bilowday mashaariic badan oo horumarineed, Tiyaatarka Qaranaka waxaa uu ka mid ahaa mashaariicdaasi Qaran, waxaana la aasaasay sannadkii 1972-dii.

Ka hor dagaalkii sokeeye ee bilowgii 1990-yadii, Soomaaliya waxa ay xudun u ahayd dhaqanka – kaas oo ka imaanayey hidaha, dhaqanka iyo suugaanta dalku uu hodanka ku yahay iyo hannaanka sheeko sheegidda casriga ah oo  Soomaalida dheeri u aheyd, kuwaas oo lagu muujin jiray heeso, muusik, Qoob kaciyaarka, iyo ciyaaro kale oo ay Soomaalidu suuqaan ahaan ugu adeegsato goobaha lagu kulmo.

Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya
Qoraalka sawirka,Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya

Waxuu xirmay 1991, bilowgii dagaalkii sokeeye, waxaana loo adeegsaday saldhig ay isticmaalaan dagaal jabhadihii magaalada ka dagaallamayay.

Tiyaatarka ayaa si xun u waxyeeloobay,  waxa uuna  noqday mid aad u burburay. Markii ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay al-Shabaab ka saareen xarunta caasimada sanadkii 2012, goobta ayaa la hagaajiyay oo dib loo furay – si kastaba ha noqotee, Al-Shabaab ayaa burburiyey 15 maalmood kadib furitaankiisii iyagoo ku qaaday weerar ismiidaamin ah.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyayna, waxaa jiray hanaan dib loogu dhisayo goobta, iyada oo taageero laga helayo Masuuliyiinta Soomaaliya, ganacsato iyo bah-wadaagta caalamiga ah sida Shiinaha – iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed. Hadda, hoolka Tiyaatarka ee masraxa waxa uu qaadaa 1,270 qof.

.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

“Waxaan halkan ku daawan jiray xafladaha, ruwaayadaha, heesaha iyo filimada lagu soo bandhigi jiray Tiyaatarka Qaranka, xilligii wanaagsanaa ee nabadda,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii daawashada xalay halkaas u tagay Cusman Yusuf Cusman, oo la hadlay AFP.

“Murugo ayaan dareemaa marka aan arko Muqdisho oo aan lahayn caweysyo, sidii ay ahaan jirtay. Balse tani waa tallaabo bilow ah”.

Gabadh kale oo daawade ahayd ayaa walaac ka muujisay amniga.

Xakimo Maxamed waxay sheegtay in ay iskuul dhigan jirtay xilligii saaxiibbadeeda ay ruwaayadaha iyo bandhigyada ka daawan jireen tiyaatarka.

“Dadka habeenkii ayey banaanka u bixi jireen, illaa xilli dambeena way iska soo caweyn jireen, haddii ay rabaan,” ayey tiri.

Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya waxaa dhisay injineerro Shiinaha u dhashay, xilligaas oo hadiyad ahaan uu ugu sameeyay hoggaamiyihii Shiinaha ee 1967-dii Mao Zedong.

Waxaa loo arkaa in tiyaatarka uu ahaa meel muhiim u ahayd hormarinta dhaqanka Soomaalida, sanadihii 1970-maadkii iyo 1980-meeyadii.

Wuxuu xirmay 1991, bilowgii dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxayna marar kala duwan saldhigyo u ahayd dagaal oogeyaal ku hardamayay gacan ku haynta caasimadda. Taas waxay sababtay in tiyaatarka uu burburo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here