Taariikh faneed kooban abwaan jilaa MEECAAD MIIGANE OBSIIYE AHN

0
Waxan soo galay fanka 1958-kii jabuuti ayaan ka soo bilaabey fanka oo kooxda walaalaha hargeysa markey yimaadaan la jili jirey riwaayadaha aniga iyo diiriye dacar iyo rag kale markii dambee ee u dhacay dagaalkii xabashida iyo somaalida ee 1964-kii ayaan ka soo baxay jabuuti anigo qori sita oo gurmad ahaa markii dambena waxaan isbaraney kooxdii xooga dalka la odhan jirey ay madax ka ahaayeen cismaan askri iyo cali gaab markey i arkeen hibada iyo hal abuurkayga markaa gabaya iska ahaa oo gabayo ka tiriyey dagaalka sida gabaygii ( adiga calanyahow) ayey igu yidhahdeen waxba ha noqon ee kooxda ka lamid ahow sidaas baan kaga mid noqdey xooga dalka aniga iyo qaar kaleba oo markii dambena dib u noqdeen inkasto koox markaa la yabyabayey ahayd oo markii dambe fanaaniin badan isku baraney oo hoobalo waaweyn isu badeley sida barkow bulow buur fuule oo biyaanayste ahaa iyo rooraaye iyo baxsan markii dambe kooxdo xoogaysatayna waxaanu samaynay riwaayado waaweyn sida gashaan qaad ma habaabo iyo, wed iyo wacad iyo qaar kaleba.
ilaa markii dambe isku darku yimi oo la isu keeney kooxihii oo dhan wax matali jirtey oo waaberi loo baxshey oo fankaygu ku sii dilaacay oo riwaayad ama bandhig ama wax kasto waaberi dhigto ka maan maqnaan jirin
riwaayadaha laygu bartey waxay ahayd
1-ama waa lay dooraan ama daadku i qaad oo aan ku matalyey raxleeye oo ninka u nacam leeya xildhibaanka ama dibutaatiga oo raaraaye ka ahaa xidiga
2- wed iyo wacad waxan ku matalayey aw maacaleesh ninka xidigta riwaayada dhalay oo baxsan ahayd oo nin dan iyo muraad toona ka lahayn ubadkiisa oo balwad ku foorara waana riwaayadii ee u iga raacay magaca maacaleesh
3- xuudba liqay jacaylkii waxan ku mataleyey furinle oo gabadha aabaheed baan ku matalayey seynab cige
4- dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga waxan ku matalayey bayloodka qaranka oo nin darjoyiin aanu gaadhin isisiiya oo faan badan
5- galbeed wa la xoreeyey waxan ku matalayey qaalib xidiga aabihii xasan adan oo nin miye degan oo beera leh
6- wadhaf iyo shimbiro war isuma hayaan waxan ku matalayey mooge oo ninka xidigta sahra axmed inaabtigeed oo rabay inu guursado
aun abwaanka la soo koobi karimaayo riwaayadaha u ka qayb qaatey waayo wuxu ahaa jilayaasha ugu cadcad farshaxanimo u dheertahay ka qoslinta dadka heeso badana wu sameeyey iyo riwaayadaba oo isagu gaar u lahaa sida
1-daa’in mahadii iyo dabaaldeg
2- ciidanka illaahay ha ciseeyo
3- ninba timo xamar
iyo qaar kale oo iminka ilowsanahay runtii anigu si gaar ah ayaan u jeclaa fankiisa nasiibna u yeeshey inan la kulmo marar badan aun waxu ku geeryoodey jabuuti hilaadii dhamaadkii 1999 meelaha illahay waxan uga baryeynaa janooyinkiisa inu ku casuumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here