Suuqa Xorta Ah Iyo Somaliland

0

Maxamed Ismaciil (Baarlo)

Baryahan dambe waxaa aad social media-ha loogu hadal hayay arrimo ku sahabsan suuqa xorta ah ee Somaliland. Waxaa aad isku soo taraayey qaylo dhaan odhanaysa “suuqa xorta ah sidiisa ha loo dhaafo oo dawladda ha ka madax bananaado.

Horta bilowga dooddanni waa guul wayn oo waddanka u soo hotay sababta oo ah; waa mabaadiida ugu waawayn ee lagu kala doorto xusbiyada waddamada horumaray gaar ahaan Ingiriiska Iyo Maraykanka. Waa arrin aan odhan karo, waxaa inoo horseedi kartaa in aan helno xisbiyo ku kula duwan mabdi Iyo arragtiyo dhaqaale kana guurno kuwo ku dhisan qabyaalad. Sidda dawladda Iyo suuqa xorta ah ay u wada shaqayn lahayeen waa lagu kala aragti duwan yahay. Kala duwanaashani waxaa uu soo tagnaa dhowrkii qarni ee dambeeyey. Waa mabaadiida ama artigtiyaha dhaqaale ee igu waawayn ee ku kala duwan yihiin xisbi xaakimka waddanka Ingiriiska ( Conservative-ka) Iyo mucaaridka (Labour-ka). Waxaa sidoo kale ku kala duwan xisbi xaakimka waddan Maraykanka (Democratic Party) Iyo mucaaridka ( Republic Party). Waa faraqa u wayn ee u dhaxeeya capitalist society Iyo socialist society.

Falaqaynta suuqa xorta waxaa u baahan tahay fahan qoto-dheer oo ku sahabsan meelaha arragtiyahani ka soo jeedaan iyo farqiga u dhaxeeya… kana culus “suuqa xorta ah sidiisa ha loo dhaafo”.

Arragtida tibaaxaysa in suuqa xorta ah ayna dawladdu soo faro galin waxaa curiyey aabbihii dhaqaalaha ee waddamada Reer Galbeedka Adam Smith. Arragtidan waxaa udub-dhexaad u ah: The Trickle Down Theory. Nuxurka mabdani waxaa uu daaran yahay; marka inta lacagta lihi ay sii taajiraan ee ay faa’iido badan sameeyaan ayaa bulshada inteeda kale na wax u kordhaan. Waxa arragtidan ku sababeeyaan, marka ganacsatada maal qabeenada ahi ay faa’iido badan sameeyaan ee ay sii taajiraan waxaa ay keentaa in ay maal gashiyo ganacsi sameeyaan taasina ay keento in ay shaqaale cusub qataan, meherado cusub kiraystaan ama ay dhistaan Iyo in ay agabkii shaqada ay gataan. Waxa ay tani keenaysaa in hantidoodii dib waddanka u soo gasho. Tusaale ahaan, marka ay maal gashi sameeyaan ee ay qataan shaqaale cusub, waxaa ay keennaysaa in dhaqaale u kordho qoysaskii Iyo shaqsiyadii la shaqaalaysiiyey, iyaguna ay lacagtii ay heleen ay dib igu isticmaalaan in ay kaga adeegtaan tukaamada taasina ay dhaqaalaha waddanka oo dhan kor u qaado. Sababta oo ah; dukaamada ay ka adeegteen iyaguna shaqaale cusub ayay u bahanayaan marka ay helaan dad badan oo ka adeeganaaya.

Marka dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco, arragtidan waxay faraysaa in ayna dawladdu soo faro-galin sababta oo ah shirkadahu ganacsigu waxaa ay dib igu noqon donaan qaab-dhimeedka shirkadahooda waxa ayna meesha ka saari doonaan qaybahii aan wax soo saarka badan lahayn. Lacagtii ama kharashkii ku bixi jiray qaybahaa la dhimay waxaa loo leexin doonaa qaybaha wax soo saarka badan leh taasina waxay keeni doontaa in faa’iidada shirkaddu kor u kacdo taasina keento in shaqaale cusub qataan, maal gashina ay sameeyaan. Arragtidan waxa ay ku qotontaa in ganacsatada maal qabeenada ah ay ogyahiin waxaa bulshada u dan ah Iyo siddii dhaqaale looga abuuri lahaa taas oo ka madax banaan dawladda. Waa sababtaad u maqasho Conservative-ka Ingiriiska ama Repblic party-ga Maraykanka oo leh cashuur dhimis ayaan u samaynaynaa ganacsatada. U jeedada u wayn waa siddii tijaarta lacagtooda loo kobcin lahaa si ay bulshada inteeda kale na oga dabo faa’ido.

Dhibta u wayn ee laga dheefo arragtida kor ku xusan waxaa weeyi in bulshadu laba dabaq noqoto in aad u bahan Iyo in dharagtay. Fa’iidada igu wayn ee laga dhaxlaana waxaa weeyi in la helo shirkado badan oo xor ah oo tartamaaya oo isku dayaaya in ay macaamiisha ku soo kala jiitaan qiimo jaban Iyo adeeg hufan.

Arragtida ka soo horjeeda ta kor ku xusan waxay ay qeexaysaa in wada shaqaynta suuqa xorta ah Iyo dawladdu mihim yahay. Arragtidan dhaqaale waxaa curiyey John Maynard oo u dhashay waddanka Ingiriiska ahaana dhaqalo yahankii waddamada Reer Galbeedka ka saaray dhaqaale burburkii abid u waynaa ee soo maray 1930-kii. Arrigtidan waxaa la yidhaa Keynesian economics.

Arragtidan dhaqaale waxay faraysaa dawladda in ay maamusha suuqa xorta ah. Tusaale ahaan, marka dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco; waxay dawladda ku wajibinaysaa in ay maal gashi ku samayso adeegyadaa kala duwan ay bulshada u samayso ( dhismayaal wadooyin cusub, in ay amaahiso lacag shirkadaha waawayn siddii ay uga hortagi lahayeen shaqo la’aan baahsan, in ay hal abuuran mashruucyo cusub oo horumarineed). Hadafka igu wayn ee dawladdu waa in ay dhintaa shaqo la’aanta ka dhalata dhaqaalaha oo hoos u dhaca. Af-ka qalaad waxaa lagu yidhaa (expansionary fiscal policy). Dhinaca kale, marka dhaqaalaha waddanku aad u sareeyo taas oo sababi karta sixir barar, dawladdu waxay joojisaa lacagahii ay ku kharash garayn jirtey dhismayaasha wadooyinka Iyo waxii la hal-maala. Waxayna kor u qadaa macaashka la saaro lacagaha daynta ah ( Interest rate ) si ayna igu dhiiran shirkadahu in ay soo daynsadaan lacagyo maal gashi. Waxaa afka qalaad lagu yidhaa contractionary fiscal policy.

Waxaa kale oo arragtidani faraysaa dawladda in ay dajiso shuruucdii suuqa xort ahi ku shaqayn lahaa si ay u ilaaliso xuquuqda macamiisha si ayna ganacsatadu si baadil ah lacagtooda u lunsan. In ay sharciyo jiraan ilaalinaaya degaanka Iyo danta shirkadaha yaryar ee waddanka. Arragtidan waxa ay had iyo jeer dhiri galisaa in cashuur badan laga qaado shirkadaha waawayn Iyo maal qabeenada si loo daryeelo bulshada inta baahan. Siddaa awgeed ayaad had iyo jeer u maqashaa Labour-ka dalka Ingiriiska oo leh cashuurta shirkadaha waawayn ayaan kor u qadaynaa si aan horumarino adeegyada ay ku tiirsan yihiin bulshada inteeda jilicdasan.

Guntii Iyo gunaanadkii qoraalkan, akhriste ma kula tahay in suuqa Somalilaan xor yahay Iyo in kale ?

Ilahaybaa Mahad leh.

Maxamed Ismaciil (Baarlo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here