Suunka madow: Ceebtii uu lugaha kula jiray wuxuu ka baxay isagoo 74 jir ah

0
MIKE MITCHELL

XIGASHADA SAWIRKA,MIKE MITCHELL

Mike Mitchell isagoo 69 jir ah ayuu billaabay tababarka xirfadda haraantida iyo lagdinta ee loo yaqaanno “karate”. Maadaama uu waayeel ahaa, xilli kasta oo uu goobta tartanka imaado waxaa hilfaha u qaadayay carruur isugu jira gabdho iyo wiilal.

Ardayda kale waxa uu ka weynaa tobannaan sano, mararka ay tartanka isaga hor imaadaanna waxa uu billaabi jiray inuu ka fikirio sidii uu isaga dhaafi lahaa barashada xirfaddan.

Wuxuu yiri: “Waxaa igu hareereysnaa carruur iga dhaadheer, 50 waalidiin ahna waxay naga daawanayeen darjiinka kore. Qalbiga waxaan ka rabay inaan cararo.”

Balse Mike waxa uu khasbay naftiisa, wuu dadaalay, wuxuuna ugu dambeyn ka baxay dhiiqadii uu lugaha kula jiray. Waxa uu noqday qofkii ugu da’da weynaa Scotland ee ku guuleysta billadda suunka madow ee ay bixiso shirkad laga leeyahay Japan.

Mike waxa uu horay u ahaan jiray macallin dadka bara jir dhiska.

“Ma jirin qof iga da’ wqeynaa oo ku jiray goobta. Waan ceebeysnaa, dadkuna way isoo eegayeen balse ma aysan garaneynin sababta aan halkaas u joogay.”

Laakiin, kaddib shan sano oo uu waday dadaal iyo saacado badan oo tababar ah, isagoo 74 sano jira ayuu Mike gaaray ujeeddadiisa, wuxuuna hantay shahaadadiisa ugu horreysa ee ‘Dan’.

Dan waa darajada xirfaddan ee laga isticmaalo Japan, Kuuriya ama meelaha kale ee lagu barto lagdinta karate-ga, waxaana lagu qiimeeyaa awoodda qofka.

Way jiraan dad isaga ka da’ weyn oo heysta suunka madow balse waxay ku guuleysteen xilli ay tobannaan sano ka yaraayeen da’da uu hadda yahay. Ma jiro qof kasoo jeeda Scotland oo suunkan ku helay 70-meeyo sano.

Mike Mitchell iyo macallinkiisa

XIGASHADA SAWIRKA,MIKE MITCHELL

Qoraalka sawirka,Mike Mitchell iyo macallinkiisa

Mike waxa uu leeyahay saddex carruur ah oo uu isagu dhalay iyo labo uu awoowe u yahay. Waxa uu ku nool yahay Headington, East Luthian, waxaana la daggan xaaskiisa, Gloria, oo 52 jir ah.

Wuxuu sheegay in tartamadii hore ee uu kasoo qayb gali jiray “uu ku bixin jiray dadaal badan si uu isu muujiyo”.

“Laakiin waxba iima suurtagali ilaa aan ugu dambeyn ka helay suunkeyga madow,” ayuu yiri.

“Muddo dheer ayaa dagaallamayay si aan u caddeeyo awooddeyda. Ma aqaanno sababta aan waxan u sameynayay, balse hadda waxay ila tahay inay dhiirrigelin u noqon doonto qoyskeyga anigana aan farxad ka helayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mike xaaskiisa iyo carruurta uu awowga u yahay

XIGASHADA SAWIRKA,MIKE MITCHELL

Qoraalka sawirka,Mike xaaskiisa iyo carruurta uu awowga u yahay

Mike 70-ka ayuu ku jiray markii uu billaabayay loollanka adag ee loo galo suunka caddeyska ah iyo midka madow.

“Markii aan u tartamayay suunka madow, hal mar ayaan dhulka ku dhacay neefta ayaana igu dhagtay.

“Waligey sidaasoo kale neefta iima dhibin ilaa yaraanteydii, laakiin taas ayaa dhacday markaas. Lugtii aan koray usoo tuurayay ayuu iga haraantiyay wiilkii ila tartamayay waxaana ku dhacay dhulka. Sidaas ayuu tartankii ku dhammaaday maalintaas.

“Dhacdadaas kaddib waxaan billaabay inaan baddalo qaabka aan u dagaallamo.”

Markii uu Mike bishii lasoo dhaafay ka qayb galayay tartanka suunka madow, waxaa loo sheegay in aan loo oggolaan karin tartankaas.

“Waxay ka walwalayeen inuu wadnaha i istaago ama aan si aad ah u xanuunsado da’deyda weyn awgeed.”

Hase ahaatee, wuxuu baryay macallinkiisa si loogu fasaxo inuu ka qayb galo dagaalka waxaana loo oggolaaday inuu la dagaallamo qof dhallinyaro ah oo jira kalabarka da’diisa.

Mike wuxuu sheegay in qaabka uu u dagaallamo uu wax badan iska baddalay tan iyo markii ay neefta ku dhegtay uuna dhulka ku dhacay.

MIKE MITCHELL

XIGASHADA SAWIRKA,MIKE MITCHELL

Marka uu qof kusoo weeraro, waa inaad si dabiici ah dib u gurasho u sameyso, balse haddii aad horay u dhaqaaqdo marka uu labolabeynayo qofka kula loollamaya, wax ayay kuu tari kartaa.

“Sidaas awgeed markii uu horay usoo dhaqaaqay, waan kusoo booday waxaana haleelay ka hor inta uusan iiga hormarin. Sidaas ayaan sameeyay labo jeer oo kale.

“Waxay ila tahay in wixii uu ka cabsanayay inaan ku sameeyo ay ku dhaceen.

Markii uu tartankii dhammaaday Mike waxaa la guddoonsiiyay suunka madow, waxaana lagu tilmaamay qof aan caadi ahayn.

Hadda waxa uu qorsheynayaa inuu labada sano ee soo socota u tababarto si uu ugu guuleysto darajadiisa labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here