Suldaanka Guud Ee Bariga Burco Iyo Maxamuud Xaashi Oo Khadka Telefoonka Ku Wadda Hadlay

0

Suldaanka Guud Ee Bariga Burco Iyo Maxamuud Xaashi Oo Khadka Telefoonka Ku Wadda Hadlay | Maxaa Ka Jirra In Madaxweyne Biixi La Xidhiidhay Xaashi?

Suldaanka guud ee bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa khadka telefoonka ku wadda xidhiidhay, sida ilo wareedyo u xaqiijiyeen Irmaan News

Suldaanka, ayaa siyaasiga Maxamuud Xaashi, ka warraystay waxyaabaha ka jirra xidhiidhka madaxweyne Biixi, la sameeyay, wuxuuna u xaqiijiyay in arrintaasi jirto isla markaana ay ka wadda hadleen kulan ay isugu imanayaan Hargaysa

Suldaanka Guud ee Bariga Burco, ayaa u sheegay Maxamuud Xaashi, inuu dalka Yimaado isla markaana arrimaha iska arkaan isaga oo u sheegay in mowqif midaysan laga yeesho waxyaabaha masiiriga ah ee reerka

Xogaha Irmaan News, heshay, ayaa xaqiijinaya in Maxamuud Xaashi, madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilanyo Iyo Suldaanka Guud, ay ku wadda balansan Yihiin Hargaysa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here