Sooyaalka Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan-Ganey.

0

Xasan Ganey

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA AHMED

Hordhac

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi oo ku magacdheer “Xasan-Ganey”, kolka uu magaciisa dhegeheenna soo gaadho, waxa kolkaba maskaxdeenna ku soo dhaca heeso badan oo caan ka ah geyiga Soomaalida oo ay ka mid yihiin: Sayla, Haadba Haad Kici, Gobeey Liicoo Ha Jabin iyo qaar kale.

Abwaan Xasan-Ganey heeso keli ah kuma xasuusan karno ee, taa waxaa dheer riwaayado taariikhda galay oo masraxa Soomaalida ruxay: Dab Jacayl Kari Waa, Jinni iyo Jacayl, Musiibadu Adduunyada Iyadaa u Macallin ah, baa ka mid ah ruwaayadihiisa.

Intaa waxaa dheer in Xasan-Ganey ka mid ahaa maansa-yahannadii ka qaybqaatay silsiladdii Deelley (1979-1980), isaga oo ku darsaday tix magaceedu ahaa ‘Ka Dartaye Ma Dibi Baa?’

Xasan-Ganey keliya ma aha abwaan maansooda isla markaana riwaayadaha sameeya, ee waxaa kale oo uu ahaa jilaa riwaayadihiisa ka dhex muuqda oo kaalin ku leh.

Suugaanta Xasan-Ganey waxa ay hodan ku tahay dhaqanka Soomaalida taas oo laga dheehan karo nooca shaqsiyaddiisa iyo sida uu u yahay qof dhaqanka Soomaaliga iyo diinta Islaamku ku weyn yihiin.

In kasta oo maansadiisa dhinacii la jalleecaba hodan ka tahay, haddana tix kasta oo uu tiriyay waxaa laga dhex dhandhansanayaa hibo uu abwaanka gaar u leeyahay oo gooni u ah, taas oo ku salaysan xeeldheeri af, mid dhaqan, mid kaftan, iyo madaddaalo iyo murti aad u qaayo sarreeysa.

Xasan waxa uu leeyahay hal-abuur ashqaraar ah kaas oo maansooyinkiisa qaar marka aad akhriyayso ama dhegaysanayso aad galayso duni kale oo ka duwan tan aynu joogno.

Marar kale waxa aad moodaysaa in uu casharro kugu barayo maansada dhexdeeda. Tusaale ahaan, heesta ‘Caashaqa ha baayicin’ oo Xasan-Ganey curiyay, oo ay wada qaadaan Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo Khaliif Magool, haddii aad u fiirsato, dacalka aad ka istaagtaba casharro nololeed ayaa ku duugan:

Xalaytaba cawayskii,

Canabeey daruuruu,

Cimidh bay ahaayeen,

Caawana laguma oga,

Wakhtigii ku ciiliyo,

Cisigiyo wanaagguna,

Ways daba carraabaan

Waxaa kuu caddayn kara,

Caamiyaha indhaa iyo,

Ma ogtahay curyaankaba,

Cago looma waayine

Caynkaa wax loo yidhi

Kuwa cararayee ladan,

Inay ku cibro qaataan,

Caashaqa ha baayicin!

Kolka aynu ka warramayno tixda Xasan-Ganey, gef bay innagu noqonaysaa in aynu xusuusan wayno tabtii uu Xasan maansadiisa ugu soo gudbiyay wanaagga diinteenna iyo wacnaanta Rasuulkeennii suubbanaa. Ta ay beydadkan hoose ku jiraan baa ugu caansan tixaha Xasan ee Nebi Ammaanka ah:

Rasuulkii billaayee,

Barakada lahaayoow,

Beri samaad adduunyadu,

U barwaaqo weyntoo,

Afarteedi baallood,

Qurux soo bandhigayaan

Yaraantiisii iyo Bilawgii Suugaantiisa

Xasan Ganey

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA AHMED

Xasan-Ganey waxa uu sannadkii 1947-kii ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar oo ka tirsan gobolka Saaxil, Soomaalilaan. Xasan qoys hodan ku ah suugaanta iyo hal-abuurka ayuu ka dhashay.

Aabbihii Xaaji Cabdillaahi waxa uu ahaa maansayahan, hooyadii Dhool way buraanburi jirtay, toddoba wiil oo ay dhaleenna shan ka mid ah ayaa maansoon jiray.

Isaga oo yar ayuu Xasan ka soo wareegay miyiga Buulaxaar ee uu ku dhashay, waxaanu yimid magaalada Berbera halkaas oo uu shaqo ka bilaabay.

Sida uu Xasan sheegay waxa uu ka shaqeyn jiray huteel ku yaalla Berbera. Markii dambe Xasan waxa uu u soo wareegay magaalada Hargaysa waxaanu ka shaqeyn jiray huteelkii la odhan jiray ‘Union-ka’. Xasan markii xigay wuxuu noqday ganacsade oo isaga ayaa ganacsiyo yaryar ku lahaa Xero Dhifta Hargaysa.

Bishii Feebarwari 6-deedii, sannadkii 1967, ayuu ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Xasan suugaantiisa xilliyadaas ayay bilaabantay waxayse si fiican u hana-qaaday toddobaataneeyadii, gaar ahaan markii uu ka tirsanaa ciidankii Janan Da’uud.

Abwaan Xasan-Ganey 1971, ayuu ku biiray kooxdii la odhan jiray Janan Daa’uud ee ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Isla sannadkaas ayuuna curiyay heestiisii ugu horraysay ee muusig loo tumo oo la odhan jiray ‘Caashaqu Shib Maygu Riday’ oo uu laxanka saaray Axmed Nuur Jaangoo (IHUN), waxaana luuqdeeda baxsan ku qaadday Sacaada Allaale;

Shilba aniga oon qabin

Shalay aragtidaadii

Caashaqu shafkaygii

Hawl yari shuq ma u yidhi!

Xasan waa guri-danbays, isagaana u yar walaalaha uu la dhashay. Xasan waxa uu yeeshay laba xaas; Cadar Axmed Kaahin oo ay kala tageen una leh laba wiil (Guuleed Xasan X. Cabdillaahi iyo Cabdillaahi Xasan X. Cabdillaahi) iyo Maryan Cali Axmed oo ay hadda wada joogaan.

Labada wiil ee uu Xasan dhalayba way maansoodaan waxaa se maansooyinkiisa iyo suugaantiisu caan yihiin Cabdillaahi Xasan.

(Sawir Cabdilaahi ah; Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey, mid ka mid ah wiilasha Abwaan Xasan)

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA AHMED

Riwaayadihii Abwaanka

Sannadkii 1973, waxa uu Xasan-Ganey sameeyay riwaayaddii suugaantiisa iyo magaciisuba ku soo shaacbaxeen ee ‘Dab Jacayl Kari Waa’.

Riwaayaddaas oo ahayd mid halbuurkeeda aad u sarreeyo, marka laga tago waxa kale oo uu abwaanku leeyahay toddoba riwaayadood oo kale kuwaas oo kala ah sidan;

  • Jinni iyo Jacay, 1975-kii
  • Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga, 1977-kii
  • Galbeed Waa La Xoreeyee Waarsaa Gaagixisay, 1978-kii
  • Bidaari Sibiq bay Kugu Gashaa, 1980-kii
  • Musiibadu Adduunyadu iyadaa U macalin ah, 1983-kii
  • Daajiyaaba ka maal, 1987-kii
  • Dhaqankeena iyo Dhaliisha Casriga ah, 2000.

Silsiladdii Deelleey

Abwaan Xasan waxa uu ka qaybqaatay silsiladdii caanka ahayd ee ‘Deelley’ ee ujeeddadu ahayd far kuu fiiqista taliskii keli-teliska ahaa Maxamed Siyaad Barre, taas oo uu bilaabay AHUN Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’.

Silsiladdan Xasan waxa uu ku lahaa maanso la odhan jirtay ‘Ka dartaye ma dibi baa?’ oo sida uu Boobe Yuusuf Ducaale ku sheegay buuggiisa ‘Deelley; Saadaal Rumoowday’ ahayd maansadii ugu quruxda badnayd silsiladda. Maansada waxa ereyadeedii ka mid ahaa:

Rabboow diinta waasici,

Gobonimooy hannaga dumin,

Soomaaliyeey Duub,

Noqo ul iyo diirkeed,

Dalka kii xumeeyoow,

Deg-degoo ha noolaan

Heesaha Xasan-Ganey ee caanka noqday

1. Sayla

Xasan markaynu maqalno heesaha markaaba maskaxdeena ku soo dhaca ayay ka mid tahay Sayli.

Sayla waa mid ka mid ah heesaha ugu dhumucda wayn marka aynu eegayno sifaynta dhaqanka, hiddaha iyo deegaanka Soomaalida.

Heestan waxa si wada jir ah u qaada Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed;

Sayloo guyaal badan,

Soo baxa kaliishii,

Seelseelna loo degay,

Sannad geelu badi dhalay,

Oo sidigtii Laalays,

Nirguhu aanay socod baran,

Reeraha sintoodiyo,

Kaymo saar leh loo dhigay,

Oo igadh mid yari sabo,

Maqaar lagu salaaxay,

Saameeshay gaawaha,

Oo baarqab soohani,

Isagoo ah laba-sabar,

Soofeeyey micidoo,

Ka sanqadhiyey doobtii,

Salaaddiina roorsaday,

Ugabkii u saniyo,

Surmo dheer la tiigsaday,

Saqdii dhexena roob helay,

Subixii bariisada,

Sidoodaan jalleecada,

Saxansaxo udgoon badan,

Sanka kuula raacaa!

2. Yabaal

Heestan waxay soo baxday 1975-kii waana hees jacayl ah. Waxa ku luuqaysa Khadra Daahir Cige.

Adigaan ku yeeshoo,

Kuna yeelan waayoo,

Adiguna yuhuuntii,

Yacaygeedii dumisaye,

Anna waxaan yaxoobaa

Weli yuururaa meel,

Shimbiruhu ka yaaceen

3. Haadba Haad Kici

Heestani waxa ay soo baxday 1981-kii waxaanu abwaanku sheegay in uu u hibeeyay xaaskiisa. waxaa qaada fannaanka Xasan Aadan Samatar.

Halaalac iyo muuqii

Indhuhu waxay u haystaan

Dayaxoo hoggiisii,

Ka soo baxay hal baarkeed

Shucaacuu higsanaayee,

Maaday hor taagnaa?!

4. Weligeed Adduunyada

Heesaha kale ee illaa maanta aan liicin waxaa ka mid ah heesta ‘Weligeed Adduunyada’ oo ay qaaddo fannaanadda Aamina Cabdillaahi Xirsi. Laxanka heestan waxa saaray Cabdiraxmaan Cismaan oo ku magacdheeraa ‘Cabdirxmaan Dheere’.

Weligeed adduunyada,

Wakhtigaa qof saacida,

Midna waayahaa xidha;

Labadaas waxaan hayn

Horaa looga waayoo

Waa nin iyo waagii

5. Laqanyada Jacaylka

Innaga oo aan ka geyoonayn heesihii tirada badan ee Xasa-Ganey, bal aynu haddana jalleecno heesta ‘Laqanyada Jacaylka’ ee ay si wadajir ah ugu luuqeeyaan Sahra Axmed iyo Cabdi Cali Bacalwaan. Laxanka heestan waxa saaray Axmed Nuur Jaango:

Laqanyada Jacaylkiyo

Lurta caashaq kululaa

Ruuxaad u lahatayoo

Kugu laaday ba’anaa!

Suugaanta iyo Sooyaalka Abwaan Xasan-Ganey laguma soo koobi karo qoraal iyo laba toona.

Xasan halabuurkiisa waxa uu baal dahab ah kaga jiraa guud ahaan suugaanta iyo masrixiyadda Soomaalida. Riwaayad kasta iyo maanso kasta oo uu curiyay waxa ay leedahay miisaankeeda iyo murtideeda gaarka ah.

Xasan illaa hadda waxa laga qoray hal buug kaas oo suugaantiisa badankeeda lagu uruuriyay. Buugga waxa la yidhaa Badmacaan, waxaa qoray Maxamed Axmed Xasan ‘Qodax’, waxaana tifaftiray Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’.

(Warbixintan waxaa qortay Muna Axmed Cumar)

Tixraacyo;

Qodax, Maxamed Axmed Xasan. Badmacaan: Murtidii iyo Middii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey). Sagaljet, 2015.

Waraysi; Xasan Xaaji Cabdillaahi ‘Xasan-Ganey’. Hargeysa, 2021

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here