Somaliland & saamaynta geeska afrika! Waxa qoray @Hanad A Yuusuf

0

 

Tan iyo bilawgii 2018 waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyo heer qaradeed ah iyada oo madaxda dawladaha Geesku ku mashquulsanayeen is xulafaysi ku dhisan danaha Geeska iyo kan Gobalka oo u muuqda ku xasaasi ah waqti xaadirkan.

Dalalka gobolkeenan qaar kamid ah ayaa waxa ka curtay is beddello mawtu qafle ah oo aan ahayn ku la filaayay wakhtiyadan ay dhaceen.

Dalka Sudan ayaa xukunka laga tuuray Madaxwayne Al-Bashiir kii horjoogaha ka ahaa in ka badan Rubuc qarniga. Marka laga yimaaddo in dalkiisa uu ku xukumayay gacan militari oo bir inta badan mudadaaa, hadana waxa sii holciyay waxa uu ahaa sixir barar muddo isa soo tarayay oo ugu danbayn waxa galaaftay korukac ku yimi qiimaha furinka.

Dalwaynaha Ethiopia ayaa isna si lama filaan ah u yeeshay Raisalwasare cusub oo la yimi siyaasad ku dhisan damaciisa oo heer qaaradeed ah, taasina waxa ay dabka ku shiday in uu Gobolku galo xaalad ka duwan tii hore waxaana bilaabmay Dadaalada iyo galaangalada diblumasiyadeed ee heer gobal oo aad caalamku idhaha ugu hayo.

JSL oo ah Qaran 30 jirsaday gugan waxay u ahayd Jaanis lama ilaawaan ah waxayna bandhigyo heer qaradeed ah jamhuuriyaddu ka ibo furtay dalalka Gobolka ku yaala. Somaliland oo kaashanaysa khubarada iyo xeel-dheerayaasha diblumasiyadeed ee ay leedahay ayaa xidhiidho taaba gal ah la yaalatay qaybo badan oo ka mid ah dawladaha Gobolka ku yaala.

Hargaysa; Caasimada JSL aya waxa booqasho heer qaradeed ah ku yimi wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirada arimaha Dibadda ee dalalka Eritrea, Maali iyo Wasiirka Maaliyada ee Ethiopia. Waxa kale oo iyana xusid mudan in ay hargaysa soo caga dhigteen Diblomaasiyiin sar sare oo ka socda Dalalka Uganda iyo Masar.

Is bedellada kala duwan ee Gobalka oo ku dhisan dano iyo damaca qaybo ka mid ah dalalka Geeska afrika iyada oo Somaliland dhugmo wayn u leh waxa ay kulan Fool ka fool ah isku hor fadhiisteen dawlada aynu dariska nahay ee Somalia. Kulankan labada dawladood ku wada hadleen oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa iyaguna door wayn ka ciyaarayay dawladaha aynu dariska nahay ee Jabuuti iyo Ethiopia. JSL madaxdeeda oo uu hor kacaayo madaxwaynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo bandhigay badheedhaheena ku aaddan
Muhiimada ay inoo leedahay in aan xidhiidh wanaagsan oo darisnimo, islaamnimo Iyo iskaashi nagala dhexeeyo dawladaha Gobalka oo isku dhan! Madaxwaynaha JSL iyo Xubnaha kale ee ka qayb galay kulankan labada dawladood ayaa u cadeeyay caalamka in la joogo waqtigii JSL ay Faraqa u sii dayn lahayeen Dhigooda Somalia, lana gaadhay xilligii Dalalka Gobolku ka badheedhi lahayeen madax banaanida JSL oo ku aas aasan rabitaan shacbi oo salkeedu yahay Afti dadwayne .

Somaliland oo ujeeda culaysyada heer Gobol ee ka taagan Geeska oo ah kuwo culayskooda leh, waxa ay dawladaha caalamka iyo kuwa Geeska afrika ba u bandhigtay Muuqaalka Dimuqraadiyad 20 jirsatay oo ah Doorashooyin is barkan kuna qabsoomay nabadgalyo iyada oo ay xusid mudan tahay in Doorashooyinka JSL oo dhamaantood ahaa kuwo taarikhiya in ay Doorashooyinkani guulo waawayn ka gadheen xisbiyada mucaaaradka JSL .

JSL waxa ay bandhigyada ugu waawayn ee heer gobol ka dhigtay gudaha ururka midawga Africa oo loollan adag loogu jiray hanashada kursiga cusub ee Wakiilka Midawga Africa u qaabilsanaan doona arimaha Geeska, jagadaasi oo uu hantay saaxiib dhaw oo ay leedahay JSL hore na usoo ahaa madaxwaynaha Dalka Nigeria Mr Obasanjo oo booqasho rasmi ah ku yimi Caasimada JSL ee hargaysa .

Waqti xaadirkan Somaliland waxa ay waajahaysaa arrimaha is bedelka heer gobal oo ah kuwo saamayn buuxda ku yeelanaya JSL iyo shacbigeedaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here