“Soltelco Waxaanu Ku Nacnay Sida Uu Ugu Takri Falay Cashuurtii Ummada” Ganacsade Axmed Maxamed

0
“Abdirahman Soltelco shakhsiyan umaanu necbayn, waxba naga dhaxayn, laakiin waxaanu ku nacnay siduu ugu takri falay cashuurtii ummada islamarkaana uu hantidii dawlada hoose ugu isticmaalay shirkado gaara oo isaga iyo danlay ay ku wada shaqaysato oo qandaraasyo ku qaadato, Abdikarim Ahmed Mooge sidaas si leeg, waxaanu kula xisaabtami doonaa wax qabadkiisa iyo fulinta balamihii uu qaaday, shakhsiyan anigu waxaan siinayaa muddo 2 Sanno ah oo aan eegi doono siduu wax uga qabto 10 arrimood oo xasaasiya oo siday u kala hooreeyaan u kala muhiimsan.
1. MEC management Engineering: Shirkadan waxa shuraako ku ah Soltelco iyo danlay kale, muddo dhowr sanno ah ayay hadda shaqaynaysay, agabkii dhismaha dawlada hoose ee Hargeisa shirkadani ku qaataadaa qandaraasyo dhisme, tusaale, qandaraasyada ay qaateen waxa kamida dhismaha Berbera corridor.
2. Geosol – Inuu kala diro shirkada Geosol oo ah shirkad Soltelco iyo rag qurbe Joog u badani shuraako ku yihiin, shirkadani waxay la wareegtay shaqadii waaxda qorshaynta iyo diwaangalinta dhulka ee dawlada hoose ee Hargeisa, waxay dadka reer Hargeisa ee dhulkooda qorshaysanaya ka qaadaa lacago badan oo magacyo kala duwan leh, waxay xafiisyo ku leedahay dhamaan degmooyinka Hargeisa, haatan waxay qorshaynayaan inay la wareegaan shaqadii waaxda ardiyada.
3. Qumaneyaasha- Waa koox ka kooban afmiishaaro, wariyeyaal, abwaano madax-kutiyoobay, iyo dad baraha bulshada isticmaala, tiradooda waxa lagu sheegay 250 ilaa 300 oo qof, maaha shaqaale rasmiya oo dawlada hoose u shaqeeya, waa dad uu Soltelco u isticmaali jiray jaho wareerinta bulshada si uu xafiiska dawlada hoose ee uu ka dhigtay hantida gaarka ah aan loogu fahmin.
4. Shirkadaha Xashiishka – Waxa jira shirkado xashiish oo badankooda uu Soltelco shareholder ka yahay, shirkadahani xashiishka waxay ku qaadaan lacag, hal ku dhigoodu kii lacagta bixiyana waa laga qaadayaa, ka aan bixina isaga lee waaye, dadka danyarta u badan ee reer Hargeisa lacagahaa iskama bixin karaan, markaa intay xashiishka qaadaan uun bay Wadooyinka dhigaan ama marka roob da’o daadka soo raaciyaan, shirkadahaasi waa sababta Hargeisi u noqotay xero xashiish, Abdikarim inuu wax ka qabto ayaan rajaynayaa.
5. Joomitirada iyo kormeereyaasha: Labadan kooxood ee kamida shaqaalaha dawlada hoose waa nimanka inay maanta Hargeysi noqoto magaalo bilaa qorshe iska balaadhanaysa sababay, Wado kasta oo la xidhayo iyo dhisme kasta oo si qaloocan loo dhisayo waa nimanka fasaxa, in wax laga qabtaa waa muhiim.
6. Gudoomiye dagmeedyada: Waa deep state-ka dawladaha hoose ee Hargeisa, dagaal midaysan iyo minjo xaabin ayaad kala kulmi doontaa,
7. Ardiyada: Hargeysa 70% dadku ma bixiyaan cashuuraha ardiyada, nidaamkii lagaga soo ururin lahaa waa in la abuuro, waliba waxaan ku talin lahaa in la diyaariyo computerised system lagu diwaangaliyo guryaha.
8. Cashuuraha liisamada ganacsatada: Waxaan ka mid ahay dadka leh Liisamada ganacsiyada yar yar, Musiibooyinka maamulkii Soltelco naga haystay waxa kamid ahaa, wuxuu soo dirayaa nin Qaad takhsiinsan oo ku odhanaya cashuurtii Liisanka ganacsiga Numberka Zaadkayga iigu shub, ma jirin haba yaratee system
9. Nidaam maamul (Admin structure) dawlada hoose ee Hargeisa ma leh nidaam maamul oo dhisan oo kala sarayn leh, in nidaam maamul la sameeyaa waa ahmiyada ugu muhiimsan.
10. Wadooyinka iyo Biyomareenada:
Hawlaha yaalaa intan kuma koobna, laakiin intani waa inta ugu muhiimsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here