Sidee qofku u fahmi karaa xilli hore calaamadaha wadno xanuunka?

0

Nolasha kumanaan qof ayaa la badbaadin karaa haddii ay dadku ogaan lahaayen calaamadaha Wadno xanuunka xlli hore sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee dalka Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo NHS.

Dhaqaatiirta ayaa doonaya inay shacabku oggaadaan caalamadaha inta badan la arko marka wadno xanuun uu jiro sida dhididka iyo shaf-xanuunk iyadoo ay muhiimna tahay lagulana taliyay bulshada inay wacaan dhaqaatiirta marka ay dareemaan caalamadaha aan horrey ku soo sheegnay.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo afti la qaaday ay muujinayso in wax ka yar kala bar dadku ay yaqaanaan sida loo waco ama loo garaaco Numberka gargaarka degdega ah (999). In ka badan 80,000 oo qof ayaa Cusbitaalka loo dhigaa wadno xanuun sanad kasta dalka UK.

Sida guud 10-kii qofba todobo ka mid ah ayaa qaba wadno xanuun taa oo hadda la sheegayo inay korartayba.

Waaxda caafimaadka ee NHS ayaa bilaabaya olale 14-ka bishaan kaa oo soconaya ilaa 31 bisha Maarso waxaana ujeedku yahay in bulshada loo sheego inay la xiriiraan numberka 999 haddii ay isu arkaan calaamadaha ay ka midka yihiin dhididdka iyo ciriiri laga dareemo dhanka xabadka ama shafka.

Ra’yi aruurin la sameeyay oo arrintaa wax looga waydiiyay dad gaaraya 2,000 oo qof ayaa lagu oggaaday in kaliya 41% ay ogyihiin in dhididku uu ka mid yahay calaamadaha xilliga hore la dareemo xilliga wadno xanuunka halka 27% oo kaliya ay iyaguna sheegaan madaxnuun iyo tabar darro inay ka mid yihiin calaamadaha ay isku arkaan wakhti hore xilliga wadno xanuunka.

Prof Stephen Powis, oo ka tirsan qaybta caafimaadka Uk ee NHS ahna agaasimaha waaxda caafimaadka ayaa sheegay in laga hortagi karo waxyeellada wadno xanuunka isla markaana lala tacaali karo dadka haddii xilli hore la ogaado ayna la socodsiiyaan dhaqaatiirta haddii ay isku arkaan calaamadaha muhiimka ay tahay in la ogaado.

“Nasiib darro, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga waxay sababaan afar meelood meel dhimashada guud ahaan dalka, waxaana u aqoonsannay mid ka mid ah meelaha ugu weyn ee aan ku badbaadin karno nolosha tobanka sano ee soo socda.” Ayuu yiri Prof Powis

Wuxuu intaa ku daray in qofku uu is moogaysiin karo calaamadaha haddii aanu isku arkin xanuun daran hase yeeshe wuxuu xoojiyay inay haboontahay in dhaqaatiirta lala xiriiro oo qofku xaaladdaaddiisa uu la socdo mar walba.

Olalahaan bilaabanaya ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay sidoo kale in sare loo qaado wacyiga dadka ee la xiriira wadno istaagga iyo wadno xanuunka oo aan mararka qara isku mid ahayn. Caadiyan dadka u dhinta wadno istaagga waxay geeriyoodaan daqiiqado gudahood haddii aaney hlin daaweyn xilliga ku haboon. Wad

Calaamadaha wadna xanuunka waxaa ka mid ah

  • Xabad xanuun – dareen cadaadis,dhanka dhiigga ah culeys, ciriiri dhanka laabta ahXanuunka qaybaha kale ee jirka – waxa aad dareemi kartaa sida in xanuunku ka soo bilaabmayo laabtaada ilaa gacmahaaga sida caadiga ah gacanta bidix way saamaysaa, laakiin waxay sidoo kale saameyntaas noqon kartaa labada gacmood daanka, qoorta, lafdhabarta iyo caloosha.Dareen dawakh ama wareer ah DhididNeefta oo ku yaraata qofkaQufac ama neefsasho; Inkasta oo xanuunka laabta uu inta badan aad u daran yahay, dadka qaarkiis waxaa laga yaabaa inay dareemaan xanuun yar oo kaliya, oo la mid ah awood la’aanta dheefshiidka cuntada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here