Sidee Ayay Taalibaanku Dib Ugu Qabsadeen Kala Badh Dalka Afqaanistaan?

0

Kooxda sii xoogeysanaysa ee Taaliban ayaa la wareegtay dhul badan oo ka tirsan dalka Afqaanistaan labadii bilood ee la soo dhaafay, tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001.

20-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa aad isu badalayay khariidada gacan ku haynta qeybaha kala geddisan ee dalkaasi Afqaanistaan. Halkan, waxaan ku soo bandhigi doonaa sawirrada khariidadda gacan ku haynta dhulka dalkaasi ee is bedbeddelaysa iyo sida loo kala haysto deegaannada dalkaasi.

Waxay u muuqataa in Taalibaanku ay todobaadyadii la soo dhaafay heleen dhiirigelin weyn kaddib markii uu billowday ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkaasi Afqaanistaan, waxa ayna ciidamada dowladda dib uga qabsadeen degmooyin badan.

Daraasad ay sameysay BBC-da qeybteeda dalka Afqaanistaan ayaa muujinaysa in mintidiinta Taalibaan ay haatan ku xooggan yihiin guud ahaan dalkaasi Afqaanistaan, oo ay ku jiraan gobollada waqooyiga, waqooyi-bari iyo gobollada dhexe sida Qazni iyo Maydaan Wardak. Sidoo kale, waxay ku sii siqayaan magaalooyinka waa weyn ee sida Kunduz, Herat, Kandahar iyo Lashkar Gah.

khariidad

Gacan ku hayn waxaan ula jeednaa degmooyinka xarumihii maamulka, kuwa booliska iyo dhammaan xarumaha kale ee dowladda ay ka taliyaan ururka Taalibaan

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa gaashaan-buurta Nato iyo xulafadooda gobolka ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii 2001-dii ururka Taalibaan ka tuuray xukunka. Ururukani ayaa gabaad siinayay Cusaama Bin Laadin iyo shakhsiyaad kale oo ka tirsan ururka Al-Qaacida oo lala xiriirinayo weerarradii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Haseyeeshee inkasta oo ciidamo caalami ah ay gobolka joogeen, balaayiin dollar oo taageero ahna lagu bixinayay iyo tababaro la siinayay ciidamada dawladda Afqaanistaan, haddana Taalibaanku ayaa dib isu soo abaabulay oo si tartiib tartiib ah dib ula wareegayay dhulka ku yaal miyiga fog.

Meelaha ugu muhiimsan ee ay saameynta weyn ku yeesheen waxay ahaayeen agagaarka deegaannadii ay horey ugu xoogganaayeen ee koonfurta iyo koonfur-galbeed -gobollada waqooyiga Helmand, Kandahar, Uruzgan, iyo Zabul. Sidoo kale waxay la wareegeen oo ay saameyn weyn ku yeesheen buuraha koofurta Faryab ee waqooyi-galbeed iyo buuraha Badakhshan ee woqooyi-bari dalkaasi.

Daraasad ay BBC-du sameysay sanadkii 2017 ayaa muujinayay in Taalibaanku ay si buuxda gacanta ugu hayaan degmooyin dhowr ah. Balse daraasaddaasi ayaa sidoo kale muujinaysay in ay sidoo kale ka hawlgalaan meelo kale oo badan oo dalkaasi ka mid ah, arrintaa oo muujinaysa in awooddooda ay sii xoogeysanayso si ka duwan sidii hore.

khariidad

Qiyaastii 15 milyan oo qof oo ah kala bar dadka ku nool dalkaasi Afqaanistaan – ayaa lagu soo warramayaa in ay ku nool yihiin aagag ay maamusho Taalibaan ama ay si caadi ah u joogaan isla markaana ay ka geystaan weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda.

Miyay Taalibaanku u babac dhigayaan dowladda?

In kasta oo Taalibaanku ay haatan gacanta ku hayaan dhul ka badan intii ay haysteen tan iyo sanadkii 2001, xaaladda dalkaasi ayaa ah mid aan cago buuxa ku taagnayn.

Dowladda ayaa lagu khasbay in ay ka tagto oo ay isaga cararto qaar ka mid ah xarumaha maamulka degmooyinka, kaddib markii ay u adkeysan weyday cadaadiska xooggan ee kaga imanayay Taalibaan. Deegaananda qaar ayaa xoog loogala wareegay.

Meelaha qaar ee ay dowladdu awood u yeelatay in ay dib u soo abaabusho ciidamadeeda ama ay soo ururiso maleeshiyaadka deegaanka, ayay dib u qabsatay deegaannadii ka baxay gacanteeda – ama dagaallo ayaa wali ka soconaya deegaannadaasi. In kasta oo ciidamadii ugu badnaa ee Mareykan ah ay dalkaasi Afqaanistaan ka baxeen bishii Juun ee sanadkan, in yar oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku haray caasimadda Kabul, waxaana maalmihii la soo dhaafay ciidamada cirka ee Mareykanku ay qaadayeen duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah fariisimaha mintidiinta Taalibaan.

khariidad

Ciidamada dowladda Afqaanistaan ayaa inta badan gacanta ku haya magaalooyinka iyo degmooyinka ku yaal dhulka bannaan ama dooxooyinka wabiyada – meelahaasi oo ah halka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee dadku ku nool.

Deegaannada ay Taalibaanku ku xoogan yihiin ayaa ah meelaha aysan dadku badnayn.

khariidad

Dowlada ayaa sheegtay in ay ciidamo gurmad ah u dirtay dhammaan magaalooyinka waa weyn ee halista ka wajahayo kooxda Taalibaan, waxaana Bandow habeenkii oo dhan ah ay ku soo rogtay guud ahaan dalkaasi, si looga hortago Taalibaanku in ay soo weeraraan magaalooyinka waa weyn.

In kasta oo Taalibaanku ay u muuqdaan in ay ku sii siqayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Herat iyo Kandahar, haddana weli uma aysan suurtagelin in ay middoodna qabsadaan. Dhulka ballaaran ee ay horey u qabsadeen ayaa xoojinaya gorgortankooga siyaasadeed marka la fadhiyo miiska wadahadalka, waxa ayna sidoo kale ka helayaan dakhli badan oo canshuur ahaan ay u helayaan iyo hantida dowadda ee ay dagaalka ku bililiqeystaan.

Tiro aad u badan oo dad rayid ah ayaa lagu diley colaadda dalkaasi lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

Qaramada Midoobey ayaa Taalibaan iyo kooxaha kale ee dowladda ka soo horjeeda ku eedeysay dhimashada inta 1,600 oo qof oo rayid ah.

Colaadda ayaa sidoo kale ku khasabtay dad badan in ay ka qaxaan guryahooda – ilaa 300,000 oo qof ayaa ku barakacay coladda tan iyo bilowgii sanadka.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in barakaca cusub ee ka socda gobollada Badakhshan, Kunduz, Balkh, Baghlan iyo Takhar uu imaanayo xilli Taalibaanku ay qabsanayaan dhul baaxad leh oo ku yaal dhanka miyiga.

Dadka qaar ayaa waxay u qaxeen tuulooyinka ama degmooyinka deriska la ah, waxa ayna dib ugu soo noqdaan guryahooda maalmo kaddib marka ay colaadda dhinac u dhacdo, qaar kalena waxay in muddo ah sii ahaadaan barakacayaal. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in weerarrada Taalibaan ay sidoo kale ku khasbeen qaxootiga reer Afqaanistaan iyo ciidamada dowladda in ay u gudbaan dhanka xadka dalka Tajikistan.

People forced to leave their homes wait for a border crossing to open

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Taalibaanku ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay gacanta ku hayaan tiro ka mid ah marinnada waa weyn ee xudduudaha dalkaasi, kuwaa oo ay ku jiraan Spin Boldak, oo ah marin weyn oo laga galo dalka Pakistan.

Canshuuraha laga qaado badeecadaha wadanka ka soo galaya am aka gudbaya marinnada ay Taalibaanku xukumaan waxaa hadda uruuriya kooxda Taalibaan – inkasta oo cadadka saxda ah ee canshuurta ay qaataan aanay caddeyn maadaama ganacsigu uu hoos u dhacay sababo la xiriira dagaalka.

Balse marinka Islam Qala oo ku yaal xadka dalka Afqaanistaan uu la wadaago dalka deriska ah ee Iran ayaa tusaale ahaan bishiiba waxaa ka soo bixi karaya dakhli ka badan20 milyan oo doolar.

Hakadka ku yimid isu socodka baayacmushtariga isaga kala goosha xudduudaha ayaa saameyn weyn ku yeeshay qiimaha badeecadaha daruuriga ahi ee suuqyada yaal, gaar ahaan shidaalka iyo cuntada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here