Siddeedii Daqiiqo Ee Aan Sigtay….Waxa Qoray Farxaan Maxamed Jimcaale

0
Facebook messenger ayay iga soo wacday – “Farxaan, walaal ka warran magaalada Muqdisho xaalkeeda?” ayay i weydiisay, waa gabar aannu asxaab nahay oo deggan magaalada Bristol oo UK ah, laakiin markaasi ay ila hadleyso (31 July 2016) ku sugneyd Nairobi – Waxaan markiiba ugu jawaabay Muqdisho waa nabad, waa nabad – xalay lix saac oo habeennimo (12:00) ayaan hotelkeyga ku soo laabtay – kaalay iska arag – asxaabtayda ayaa magaalada ii kaxeeyay igana soo celiyeen, kadib markii aan nabad kusoo casheynay oo aan ku caweynay – markii ay intaa afkayga ka soo baxday, ayaa waxaa dhacay QARAX xooggan oo gilgilay qolkii hotelka ee aan ku jiray. Waxaan fahmi waayay waxa dhacay waxa ay ahaayeen, sababtoo ah waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan maqlo qarax abid, markiiba waxaa billowday xabbad….waxaa xigi doonaa 8 daqiiqo oo aan qalbigeyga ka go’in.
𝗚𝗼𝗴𝗼𝗹𝗱𝗵𝗶𝗴
Shan sano ayaa maanta laga joogaa qisada qaraxan (aan idinla wadaagi doono) oo ah mid ka mid ah, tusaalana u ah qaraxyada sida joogtada uga dhaca Soomaaliya, basle midkan goobjoog ayaan ka ahaa – Intii ku dhimatay Allaha u naxariistee, waxay noqotay xusuus aan qalbigayga ka go’in – taas ayaana keentay in maanta oo ay ku began tahay 5 sano kadib maalintaas aan idinla wadaago qisadan.
Waxaa suurtagal ah dadka qaarkii inay is weydiiyaan sababta keentay inaan maanta wax ka qoro, yeelkadeede, waxaan is leeyahay dhawr sababood ayaa keenay, middase ugu muhiimsan, ayaa ah in ay tahay dhacdo ama taariikh, isla markaana ay habboon tahay in la diiwaangeliyo – bulshadana lala wadaago.
𝗤𝗮𝘆𝗯𝘁𝗮 𝗞𝗼𝗼𝘄𝗮𝗮𝗱
Waxay ahayd subax abbaarihii tobankii barqanimo, waa maalin Axad ah, maalintii ugu dambeysay ee bisha July 2016, waa maalin maanta laga joogo 5 sano oo buuxda – subaxaas qorshuhu wuxuu ahaa inaan ka soo dego garoonka dayaaradaha ee Heathrow ee London oo aan ka maqnaa muddo laba toddobaad ah, oo aan shaqo iyo fasax gaaban ku joogay Nairobi, Naivasha, Beledweyne iyo Muqdisho – balse xag Alle ayaanu qorshahaasi noqonin sidii loo dejiyay, Subaxan aan ka sheekeynayo waxaan joogaa magaalada Muqdisho weli waxaan ku dhex jiray qolkii aan ka soo toosay ee aan ka degenna hotelka magaalada. Waxaan ku dhex quraacday qolka, oo aan canjeero iyo beer ku cunay qolka dhexdiisa, meel aan u socday ma jirin, marka laga reebo in aan ballansaneyn xilliga qadada mid ka mid ahaa asxaateyda. Markaa waxaan iska dhex joogay qolka – waxaan daaray ama shitay telefishinka oo aan doonayay inaan bal xoogaa iska sii daawado oo aan wakhtiga ku dilo barnaamijyada ay sii deynayaan telefishinada kala duwan ee Soomaaliyeed.
Xoogaa markii aan daawanayay telefishinka ayaa, iPad dhinacayga yaalay oo sariirta gees ka saarnaa, kuna xirnaa internet-ka ama (wifi) hotelka ayaa dhawaaqay – waan soo qabtay oo eegay, waxaa la iga soo wacayaa Facebook messenger, waxaa isoo wacaya gabar aan asxaab nahay oo deggan UK, maalmahaas waxay Facebook ku aragtay muuqaallo qurux badnaa oo aan ku galay Muqdisho, sidaas ayay ku ogaatay inaan caasimadda joogo, ayna iisoo wacday, markii aan isa salaannay kadib – ayay igu tiri “waan kuu jeeda oo waddankaagii ayaad ku baashaaleysa – Allaha kugu nabad yeelo ee walaalow, aniga carruurtii ayaan ka soo kaxeeyay England oo aan keenay Nairobi, waxaanan doonayaa inaan Muqdisho soo dejiyo, ee bal iiga warran magaalada xaalkeedu waa sidee?”
Waxaan markiiba ugu jawaabay abaayo Muqdisho waa nabad, waa nabad – xalay lix saac oo habeennimo (12:00) ayaan hotelkeyga ku soo laabtay – kaalay iska arag – asxaabtayda ayaa magaalada ii kaxeeyay oo isoo wareejiyay, iguna soo celiyay hotelka, kadib markii aan nabad kusoo casheynay oo aan ku caweynay goobo kala duwan (goobaha aan habeenkaas tagay waxaa ka mid ahaa goobo ku cusbaa magaalada oo lagu iibiyo ama laga helo cunto aan horey magaalada looga aqoon) – markii ay intaa afkayga ka soo baxday, (Muqdisho Waa Nabad) ayaa waxaa dhacay QARAX xooggan oo gilgilay qolkii hotelka ee aan ku jiray.
Waxaan fahmi waayay waxa dhacay sababtoo ah waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan maqlo qarax, markiiba waxaa billowday xabbad – rasaas aan kala go’ lahayn oo nooc waliba u dhaceysa. iPad-kii ayaan sariirta isaga dul tuuray, walaalay bal sug iyo anigo oo booday ayaa ku xigtay. Markiiba waxaan aaday albaabka bal si aan u hubiyo inuu xiran yahay – furihii baan ku sii wareejiyay, waxaan isku boobsiiyay surwaal katabaanka saarnaa. Gabadhii weli waxay ka dhex hadleysaa iPad-kii oo sarriirta saaran, laakiin walaaley sug baan ku hayaa, iyadiina waxay leedahay “Maxaa dhacay? Maxaa dhacay?” qolkii ayaan ku dhex wareegeysanayaa, waxaan aaday dhinaca fadhiga uu yiillay si aan u hubiyo daaqad halkaasi ku beegneyd bal inaan ka bixi karo haddii xaalku sii xumaado ama aan ka boodi karo. Markii aan furay hal dhinac oo daaqadda ayaa – waxaan maqlay cod dumar oo leh “Alla ba’ayeey Alla hoogayeey” wuxuu ahaa codkaasi mid ka imanayay dhinaca dambe ee goobta baabuurta la dhigto ee hotelka.
Waxaan iska xiray daaqaddii, laakiin codkaasi dhiillada leh ee aan maqlay, wuxuu sii xoojiyay dareenkii aan qabay 60-kii ilbiriqsi ee u dambeeyay oo ahaa in la isa soo galay oo weerar nagu socdo. Waxaan is iri daaqadan wey kugu yartahay oo kama bixi kartide bal maad eegtid iyana midda musqusha, iyadiina waaba ay ka sii yar tahay. Anigoo yaabban, wax aan sameeyo garan la’ ayaa dib dhinacii albaabka u soo laabtay.
Masxkaxdeyda waxa ka guuxaya boqol arrimood oo kala duwan iyo waxa dhici doona, tolow miyaa albaabkan la soo garaaci doonaa? Miyaa la soo jebin doonaa? Mise rasaas baa lagu soo furi doonaa? Intaa iyo wax ka badanba anigoo ka fakiraya ayaa waxaa markiiba soo dhacay telefonkaygii gacanta oo aanan ogeyn in codku u shidnaa, balse way ii wanaagsaneyd in la isoo Waco oo aan ogaado – sababtoo ah tallooyinka xagga amniga ee la I siiyay ayaa ahaa in xaaladdaasi oo kale marka ay ku qabsato in telefonka codka la iska xiro, sababtoo ah wuxuu kuu soo jiidayaa dhibaato. Qofka isoo wacayay wuxuu ahaa wiil iga yar oo walaalkay ah oo joogay magaalada, wuxuu ahaa khabaar moog doonayay inuu iska key bariidiyo, laakiin hadalba kama sugine – cod aanan hadda sifeyn karin sida uu ahaa, ayaan ku iri walaalow xabbadbaa korkeyga ka dhaceysee ha isoo wicin mar kale – waxaana damiyay telefonkii…
𝗟𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗼 𝗤𝗮𝘆𝗯𝘁𝗮 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here