SIDANI MA QUMANA W/Q; Mustafe Shaybe

0

Warkani haddii uu jiro ma gunimo iyo liidasho ka wayn ayaa jirta, inaynu ka faano af-keenii iyo luuqadeenii Soomaaliga ahayd. May tahli kari waayin inay intan oo Soomaali ku qoran xagga sare mariyaan, luuqadaha qalaadna hoos dhigaan.

Dadka ay wax u sheegayaan waxna u tilmaamayaan ma reer Yurubaa miyaanay Soomaali ahayn? Waxani waa dulinimo dhiigeena raacday oo aad moodid macal kuwii lagu tabcay ee dhawr iyo tobanka sano, wax baranaayay inaanay fahmin qiimaha dalkiisa iyo afkiisu leeyahay.

Arintani waxay u baahantahay in haddii sidaa loo soo gudbiyay ay tahay, Maayir Mooge uu degdeg wax uga qabto waxna uga badalo. Qiyamka iyo sharafta dadka iyo dalkana uu dhawro.

Weliba waxaa Ka maqan astaan qaaliya oo ah, in lagu muujiyo sawiro dad raacaya baska. Luuqadaha meesha ku qoran qofka aan fahmayni markiiba waxa uu garanaysaa, sawirada baska iyo dadka raacaya inay meeshu tahay halkii loo istaagaayay gawaadhida.

Qoraaga: Mustafe Shaybe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here