“Sida ciidamada cirka Afghanistaan ay Taalibaan ugu gacan geliyeen dalka”

0

“Cidna kuma fikirin inuu dalka Afghanistaan sidan fudud u burburayo.”

Khalid Payenda, oo ah wasiirki ugu dambeeyey ee dowladdii Afghanistaan inta ay Taalibaaniyiintu talada dalkaasi la wareegin, ayaa xaaladda sidaa ku tilmaamay.

Wareysi uu BBC-da siiyey oo uu dib ugu milicsanayo wixi dhacay bishii August wuxuu kaga warramay waxa uu u arko iney fashiliyeen dowladdi jirtay ee gacan saarka la lahayd dowladda Mareykanka.

Labada khalad ee ugu waaweyn ee fashilka dowladda soo dedejiyey wuxuu ku sheegay in la dhisayey ciidan u eg kuwa Mareykanka balse aan ahayn iyo saldhig adag oo ciidanka cirka ah iyo ciidanka la dhisay oo aan lahayn awood ay uga hortagaan awoodda iyo xeeladaha ay Taalibaaniyiintu ku dagaallamaan looga hortago.

Waxaana la yaab lahaa ayuu yiri “300,000 oo askari oo la sheegayey in Afghanistaan loo dhisay iney jirin.”

Wuxuuna aaminsan yahay ciidankaasi iney ahaayeen ciidan hawada ku jiro oo aan la arkin.

“Weligeen ciidan intaas le’eg Afghanistaan ma yeelanin, si ay wax u jiraanna waxay ahayd in la weydiiyo maamulka dowladda inta askari uu dalku lahaa kharasha ahaan iyo mushaaraadka ku bixi jiray, tirada ciidanka ee la sheegayna waxay ahaayeen kuwa sii kordhayey” ayuu yiri.

Payend waxaa kale uu sheegay magacda askarta iney ku dareen magacyo dad aan joogin, waxaana la qaadanayay mushaaraadkooda.

Wuxuuna sheegay qayaas ahaan ciidamada Afghanistaan tiradooda rasmiga ah iney u dhaxeyso 40,000-50,000 wixi intaa ka soo harana iney been abuur yihiin.

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

“Waxaa kaloo jiray kuwo ciidanka ka baxay iyo askartii lagu dilay dagaalka oo aan tiradooda la garaneyn, sababtoo ah taliyeyaasha qaar ayaa qarsaday kaararkii bangiga ee mushaaraadka ciidanka lagu bixinayey.

Tiro aan saxneyn

Ciidamada Taalibaan ayaa bishii August la wareegay talada dalka Afghanistaan, kaddib marki ay ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku sugnaa 20 sano ay ka baxeen.

Ciidamada ururka Taalibaan oo lagu qayaasay tiradooda iney u dhaxeyso 60,000-70,000, ayaa la rumeysan yahay tirada ciidamada rasmiga ah uu dalka Afghanistaan lahaa iney tiradaasi aad uga hooseyso.

Warbixin 2016-kii uu soo saaray taliyaha ciidamada Mareykanka (Sigar) ayaa lagu sheegay sida ay Mareykanka iyo xulafadiisa Afgaanistaan u ogyihiin tirada saxda ah ee askarta iyo saraakiisha booliiska Afghaanistaan jooga, inta diyaarka u ah iney adeeg bixiyaan iyo xaqiiqada awooddooda shaqo. .

Balse warbixin uu Sigar dhawaan soo saaray wuxuu walaac ka muujiyey saameynta musuqmaasuqa iyo hubanti la’aanta tirooyinka rasmiga ah ee milatariga ee la heli karo.

askar

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Musuqmaasuqa ayaa ah mid baahsan

Payenda xilka iska casilay waxyar ka hor inta ay Talibaaniyiintu Afghanistaan qabsanna dalka ka baxay wuxuu sheegay tirada ciidamada Afghanistaan inta la sheegay iney ka yar tahay lafteeda ay tahay niyadjab.

“Ciidamo aad u badanna mushaaraadkooda iyo xaqi ay lahaayeenba ma heli jirin oo waxaa mararka qaar dhici jirtay iney ciidamada qaarkood mushaar la’aan shaqeeyaan” ayuu yiri.

Wuxuu sida oo kale sheegay iney jireen madax ama mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo taageerayey ururka Taalibaan kuwaasoo mushaar ka qaadanayey Taalibaan marki dambana dagaal la’aan taalibaaniyiinta isugu dhiibay.

“Dareenka dadka oo dhan ayaa ahaa: ‘Waxba kama bedeli karno xaaladda musuqmaasuqa, sidaas ayeyna u shaqeeyaan sharci-dejinta iyo guddoomiyayaasha gobollada. Tani waa waxa qof kasta uu sheegi karo.”

Waxa uu sheegay in meelo kala duwan uu ka jiro musuq maasuq, oo ay ku kaceen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo laaluush ka qaata Taalibaan iyo taageerayaashooda.

“Waxaa jiray nin siyaasi ah oo ii yimi oo igu yidhi:- Hadda ayaanu ka soo baxnay doorashadii, waxaanan ku bixiyay hal milyan oo dollar xubnaha saaxiibada ah si ay guul uga gaadhaan baarlamaanka,” ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu muujiyay sida uu u aaminsan yahay in madaxweynihii hore Ashraf Ghani uu ugu lug lahaa musuqmaasuq.

Isagoo ka jawaabaya eedeymaha musuq-maasuqa ee loo soo jeediyay wasaaradda maaliyadda ee uu isagu mas’uulka ka ahaa, Payenda wuxuu sheegay iney xaqiiqa ahaan arrimuhu aysan wanaagsanayn, balse kiiskan musuqa maya. “

Wasiirkan hore ayaa u arka ajaaniibta reer galbeedka in ay si uun mas’uul uga yihiin jabka dowladda Afhganistaan soo gaaray, inkastoo uu wareysigiisa uu ku tilmaamay ku lug lahaanshaha Qaramada Midoobay iyo NATO iyada qaranka Afghanistaan ee jira ay mudnaanta siineyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here