Shiinuhu carabta ma u bedeli kara reer galbeedka. ?!

0
maraykanku wuxuu qabsaday siyaasadda carabta ka dib doorkii uu ka qayb qaatay dagaalkii lagu xoreynayey dalka kuwait sannadkii 1991 -kii, washington waxay noqotay wixi ka danbeyey marka caasimadda siyasada carabta.
dadka siyasada aduunka indha indheeya qaarkood waxay rumeysan yihiin in hogaaminti mareykanka ee aduunka ay marba hoos u sii dhacaysay intii uu joogay dalalka carabta halka dhanka kalena ay soo if baxaysay awooda shiinaha ay sii kordhaysay danaha shiinaha ee adduunka kale.May be an image of 2 people and people standing
taariikh ahaan shiinuhu door muhiim ah kuma yeelan siyaasadda bariga dhexe tan iyo markii la aasaasay tariikhdiisa casriga ah sanadkii 1949 -kii kaalintiisuna waxay ahayd in uu siiso keliya taageero niyadeed dalalka carabta dhibtiisana ka haysato.
halka dalalka reer galbeedku ay dagaal kula jireen dalalka carabta gaar ahaan doorkoodi abuurista iyo daryeelka israa’iil ay ku gacan siiyeen dalalka ingiriiska, faransiiska iyo mareykanku.May be an image of 2 people and people standing
iyada oo ay sida tahay hadana dalalka carabtu waxay doorteen inay u dhowaadaan garab iyo gashaana u noqdaan reer galbeedka, laakiin waxa laga yaabaa in aysan u adkaysan karin hada carabtu waxay arkeen oo ah horumarka deg degga ah ee uu shiinuhu sameyey intii ay iyagu reer galbeedka hoos joogeen taasoo niyad ahaan saamayn ku yeelan doonta masiirka dalalka carabta.
shiinuhu uma baahnayn saliid iyo gaas carbeed ilaa markii la gadhay sanadkii 1993kii, markaas oo isticmaalkiisa tamarta uu ka batay mugga wax soo saarkiisa markii ugu horreysay tariikhdiisa, shiinuhuna wuxuu ku guulaystay horumarkiisa labaatankii sano ee la soo dhaafay wuxuuna u socday si mucjiso ah dhammaan tallaabooyinkiisa kobaca dhaqaalaha,May be an image of 2 people, people standing, outdoors and text
waana marka laga hadlayo in uu malaayiin qoys ka saaray saboolnimo oo ba’an una gudbiyey dabaqadaha dhexe, waxana uu ku guulaysatay horumarkiisa dhanka farsamasda technolegyda iyo wax soo saarka.
shiinuhu wuxuu maal gelino badan ku samyey dalal ku yaala bariga dhexe isaga oo aan wax kharash ka qaadin dalalkaas si uu u ilaashado damaciisa ganacsi halka uu maraykanku u gobolka ka fulinanayey maalingelin milatari shiinuhuna la leexday mashriicdiisi.
xaddiga is weydaarsiga ganacsiga ee u dhexeeya shiinaha iyo waddamada carabta aya sannadka 2020 wuxuu gaadhay in ka badan 240 bilyan oo dollar sida lagu sheegay xog ururin la sameyey.
marka laga tago ganacsiga shiinuhu la leeyahay dalalka carabta,
qaabka shiinuhu wax bixiyo waa amaah maalgashi ah si loogu hirgeliyo mashaariic waaweyn oo ah dhanka kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayna socdo dulsaar dhexdhexaadi ahi isla markaana u rabo in dib loo siiyo dhaqaalaha mustaqbalka hadii la bixin wayaana waxa uu mudo la wareegaya mashruuci uu dhisay. halka kaalmada reer galbeedku ay siyaan dalalka carabta ay gaadho dhowr bilyan sanad walba meel ay marto oo ay ka muqatana la aqoon.
shiinuhu weli siyaasad gobolka kuma lug yeelan bijiin waxay ku guulaysatay in ay isu dheelitirto xidhiidhka ay la leedahay warshadaha farsamada israa’iil iyo danaha ay bijiin ka leedahay ilaha tamarta carabta, waxayna sidoo kale bijiin isu dheeli tirtay xidhiidhka wanaagsanaa ee ay la leedahay dalalka carabta gaar ahaan sacuudiga iyo iran dhinaca kale kuwaas oo col wayn ah.
markii maraykanku cunaqabataynta ku soo rogay mas’uuliyiintii shiinaha u dhashay sababtuna ahayd doorkii ay ku layaheen xadgudubyada baahsan ee ay ka gaysten gobolka xinjiang halkaas oo warbixinno kala duwan oo laga diiwaangeliyey mujinayeen xadgudubyada baahsan ee shiinuhu ku hayo 23 milyan ee diinta islaamka haysta, hadaba markaas dalalka carabta waxay doorteen in ay taageeraan mowqifka dowladda shiinaha ee xasuuqa muslimiinta iyaga oo eexsanaaya danahooda shiine.
taariikh ahaan shiinuhu wuxuu inta badan xooga saaray la macaamilka maamulada talada haya marka si toos ah mana maalgeliyo dhaqanka, tacliinta, warbaahinta, siyaasada, mana daneeyo xubnaha kale ee bulshada rayidka ah guud ahaanba. qaabka shiinahu marna ma aamino ngoyada ama hayadahaba.
dhanka kale shiinuhu marna muu soo dhaweynin kacdoonkii guga carabta, sababtuna waxay ahayd shiinuhuna guud ahaan ma daneeyo in uu fara geliyo siyaasadaha gudaha ee dalalka kale marka laga reebo hadii aanay saamayn ku yeelan doonin xidhiidhkiisa dhaqaale iyo ganacsi, sidaa darteed shiinuhu marna ma rabin dhicitaankii taliskii madaxweyne xusni mubaarak, muammar qadaafi ama cali cabdalla saalax dhamantoodba in ay joogan ayuu jecla. sidoo kale shiinuhu marna rabo inuu dhoofiyo qaab siyaasadeed maamul oo uu dal ku amro ama uu adduunka intiisa kale gaadhsiiyo fekerka.
bilowgii 2016 shiinuhu wuxuu garwaaqsaday in uu dejiyo qaab siyaasaded ku wajahan dalalka carabta si uu xoojiyo dhaqdhaqaaqiisa mustaqbal ee xidhiidhka ganacsi uu la leeyahay dawladaha carabta.
waxana uu soo saaray waqtiga war murtiyeed cinwaankiisu aha “siyaasadda shiinaha ee ku wajahan dalalka carabta” waxay ka tarjumaysay taasina sida hoggaanka shiinuhu u damacsan yahay in uu sameeyo iskaashiga ganacsi mustaqbal kaas oo u dhexeya shiinaha iyo carabta kuna salaysan mabaadi faa’iidado u leh labada dhinacba kana fog faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ama siyaasadda dalalka.
dukumentiga waxaa ku jiray nooca xidhiidhka shiinuhu rabo waxana ka mid aha iskaashi siyaasaded, amni, dhaqaale, ganacsi, maaliyaded, warshadeed. isla mar ahaantaana carabtu ma laha ila hada aragti midaysan ama xitaa kala duwan oo ku salaysan xidhiidhka mustaqbalka ee shiinaha. shiinuhu wuxuu xoojinayaa joogitaankiisa juqraafiyeed ee u dhow dalalka carabta sida geeska africa, beijing waxay si rasmi ah saldhigga milatari marki ugu horreysay ka furtay meel ka baxsan xududeda kaas oo ay u dooratay dalka jabuuti oo ka mida dalalka carabta iyada oo indhaha ku haysa baabul mandabka badda cas kuna aaddan kanaalka suweys.
dhanka dugsi siyaasadeedka maraykanku wuxuu rumaysan yahay in awoodda milateri ee shiinuhu ay weli xaddidan tahay oo anay awoodin hada maamulida marin biyooda caalamiga ah isla jeerkana aanu jirin waddan kale oo aan ahayn iyaga oo ciyaari kara doorkan muhiimka ah ila hada. waxaa dhici karta in isbeddel ku yimaado arinka mustaqbalka dhow gaar ahaan ka dib markii beijing ay saldhiggeeda milatari ee ugu horreeya dibadda ka yagleeshay waddanka yar ee jabuuti oo laga soo galo badda cas. waxay ila tahay weli waa goor hore in la yiraahdo shiinuhu wuxuu ka saarayaa dalalka carabta iyo geeska africa saamaynta reer galbeedka si uu isagu u beddelo, in kasta oo ay jirto awoodda jilicsan ee shiinaha haddana saamayntiisu aad bay u xaddidan tahay ila hada sababo kala duwan awgood tan ugu muhiimsanina waa ku qanacsanaanta dalalkani kaga qanacsanyiihiin shiinaha la macaamilka reer yurub iyo ameerika.
tan waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay arrimo la xiriira luqadda iyo waxyaabo kale.
ama waxaa sabab u ah xidhiidh la’aanta carabta iyo shiinaha dhanka dhaqanka iyo hab –nololeedka, inaga iyo carabtuba wali ma oga nidaamka waxbarashada ee hogaaminaya shiinaha, si ka duwan ka reer galbeedka sidoo kale xata ma naqaano magacyada dadka saamaynta ku leh shiinaha, halka aynu wada naqaano dhiggooda reer galbeedka dhamantoodba. sidaa darted u janjeedhidena reer galbeedka ayaa laga yaabaa inay sii socoto mustaqbalka dhow, aqoonyahannadenu waxay ku hadlaan ingiriis iyo faransiiska, ugu danbayntii waxaa ila fiican in guud dalalka carabta iyo geeska africaba maalgashi dhab ah ku sameeyaan dugsiyada luqadda iyo dhaqanka shiinaha oo anay sugina natiijada xafiiltanka u dhexeeya beijing iyo washington balse waxad mooda in dalalka carabtu ku heshiiyeen in ay waligood ka ciyaaraan doorkiiled wakiiledka reer galbeedka iska daa in ay qorsheyaan ama diyaarin sidii ay uga qayb qadan lahayeen waxa soo socde.
waxa qoray: eng samaale mo somaali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here