Shaki Baddan Oo Ku Gedaaman Kiiska AHU Ikraan Tahliil?

0
.

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Guddigii loo xilsaaray baarista Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ayaa soo saaray natiijo hordhac u ah baaritaankii ay sameeyeen, waxaana la sheegay in baaritaan lagu sameeyay dhinacydii lagu tuhunsanaa kiiska Ikraan.

Xeer ilaaliyaha ciidamada Qalabka sida oo akhriyay natiijada horudhaca ayaa sheegay in caddeynta ay hayaan ay muujineyso in Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta hay’adda Nisa.

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax ayaa natiijada ku tilmaantay mid caddaalad darro oo aysan aqbaleyn.

Dhowr su’aalood ayaa ku gadaaman kiiska Ikran oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaliya, waxaana kamid ah:

Sidee loo dilay?

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil balse ma aysan sheegin wax caddeyn oo ku saabsan sida ay gacanta ugu gashay Shabaab.

Shabaab waxay dhankooda sheegeen inaysan dilin Ikraan ayna la fajaceen marka ay maqleen dilka gabadhaas iyo in iyaga loo sarinaya.

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey oo ah xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay booqdeen xafiiska hay’adda nabad-sugidda iyo sirdonka qaranka ayna dib u eegeen kamarooyiinka amaanka ee CCTV loo yaqaano.

“Intii ana baarista kiiska ku guda jirnay guddiga uma soo bixin wax cadeyn ah haba yaraatee oo muujinaya in maqanad Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta gacmaha saraakiisha hay’adda Nisa,” ayuu yiri Mr Kameey.

“Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga,” ayay tidhi gabadha hooyadeed.

Baaritaanka kiiska oo dhameystiran, goormaa la soo gudbin doonaa?

Inkasta dowladda ay soo saartay natiijo horudhac ah oo ku aadan kiiska Ikraan, weli kama aysan hadlin goorta la soo saarayo baaritaanka kiiska oo dhameystiran.

Qoyska Ikran waxay codsnayaan in caddaalladda ay helaan.

“Waa in umadda Soomaaliyeed oo dhan u jeedo kiiska, waa in maxkamadda furanto si tallaabo tallaabo loogu dhageysto kiiska” ayay tiri hooyada dhashay Ikraan.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay ilaa 26 bishii June Sanadkan.

Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabab Afduubteen ka dib-na ay dileen.

Balse Al-shabab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan

Ikran Tahliil

XIGASHADA SAWIRKA,.

Geeri iyo nolol

Ilaa hadda geeri iyo nolol laguma sheegin Ikraan Tahliil, waxaa kaliya ah ee dowladda laga hayo ayaa in Ikraan ay afduubteen Al Shabaab isla markaana ay dileen.

Natiijadii horudhaca ay xaley lasoo saaray waxaa lagu sheegay in guddiga uu la wareegay isla markaana uu hayo ‘gal baariska ay soo gudbisay hay’adda Nisa oo sheegaya in Ikraan Tahliil Faarax ay afduubteen Al Shabaab’

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab, waxay ka codsatay dowladda in gabadheeda meel loogu sheego nolol ama geeri.

Sidee Al-Shabaab ugu gacan gashay?

Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Shabaab inay qafaasheen dilka gabadha balse kama aysan hadlin sida ay gacanta ugu gashay kooxdaas.

Shabaab waxay dhankooda sheegeen in aysan waxbo ka ogeyn xaaladda gabadhii maqneyd isla markaana aysan ka dambeyn dilka Ikran.

Qoraalka kasoo baxay Al Shabaab waxaa lagu yiri: “Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA.

“La yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay,” sidaas waxaa sheegay mas’uul u hadlay Alshabaab ka soo xigatay barta Somali Memo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here