Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Magacaabay Guddiga Wada Hadalka TPLF

0

Raysal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Ethiopia Abiy ahmed cali ayaa markii ugu horeysay magacaabay guddi cusub oo xukuumadiisa ku meteli doonta wada hadalada ay la furayaan kooxda TPLF ee ka arrimisi deegaanka Tigreega ee ku yaala waqooyiga dalka Ethiopia.

Guddigan cusub ayaa waxa uu hogaamin doona Raysal Wasaare ku xigeenka Dalkaasi, Demeke Mekonnen kuwaas oo haysta toban ilaa 15 maalmood oo ay kaga baaraan degayaan waxyaabaha aasaasiga u ah wada xaajoodka ay la furayaan dhinaca kale ee tplf.

Waxa ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee uu raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali uu si rasmi ah u shaaciyo in ay wada hadalo la fureen dhinaca tplf, waxaanay ku soo beegmaysaa xilli maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay wada xaajoodka labada dhinac dhex mari doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here