Qaramada Midoobay Oo War Ka soo saartay Sababta Loo Xidhay Xarun ay ku Lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Codsi kaga yimid Dowladda Soomaaliya awgiis, ayay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xidhay xarunteeda halwgallada rakaabka (ee loo yaqaano MOVCON) ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga billaabo 24ka Diseembar 2021.

Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hayโ€™adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay.

Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaana ka xunnahay in amarkan xiritaaanka si degdeg ah oo lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wadatashi hore oo ku filan laga samaynin.

Waxaan sida oo kale ugaย  xunahay in xidhitaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loogu sameeyo baadhitaan. Wadahadallo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lala yeesho madaxda Dowladda Federaalka.

Qaramada Midoobay waxaa weli ka goโ€™an wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay jiraan carqaladahan ka dhan ah hawlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here