‘Ninkayga ayaa i dilay’, waa barnaamij laga matelay dumar dhintay

0

Waxa loo yaqaano Garaadka macmalka ah, ayaa waxey bud dhig u noqdeen iftiiminta qisooyinka dhimashada shan haween ah, iyada oo la adeegsanayo fikir hal abuur cusub ah, kuwaasoo lagu badbaadinayo mustaqbalka haweenka ay dhibaatada kasoo gaari karto aqalladooda.

Sawiro laga qaadey haweenkan geeriyoodey intii ay noolaayeen, ayaa lasoo bandhigay, iyadoo noloshooda kaga sheekeynaya codkooda, oo ay matalayaan jilaayaal, iyada oo muuqaalka loo ekeysiinayo sidii in haweenka geeriyooday laftooda ay hadlayaan, kana sheekeynayaan qaabkii loo dilay.

Arrintan oo loogu talogalay wacyigalin, ayaa waxa muuqaaladan ka sheekeynayaan qaabkii uu u dhacay dilka iyo dacadiyada ka dhaca guryaha iyo qaabka looga badbaadi karo.

Cudurka safmarka ee Covid19, ayaa kusoo kordhiyey hab nololeedkii bulshada dunida dhibaatooyin fara badan, gaar ahaan xad gudubyada ka dhaca guryaha.

Kolkii hore, guryuhu waxey ahaayeen goob dadka u ah hoy ay kaga nabad galaan halista ka jirta banaanada, iyo meel ay kaga nastaan daalka shaqada.iyo hawlaha kale, laakiin taasi uma ahan qof waliba.

Hey’ad u dhaq dhaqaaqda dadka ay dhibaatada kasoo gaarto gudaha aqalada, ayaa sheegtay in dhibaatooyinka ka dhex dhaca guryaha ay kordheen 60% marka laga bilaabo bisha April ee sanadka 2020-ka, illaa iyo bisha February ee sanadan 2021-ka.

Qaarkood ayaa ku qeexay arrintani halis cusub oo si deg deg ah ugu dhex faafeysa bulshada, ee aaney aheyn oo kaliya xaaladda cudurka safmarka ee Covid19.

Dhibaatadani ma ahan mid ku kooban dalka Ingiriiska, iyadoo sidoo kale dhibaatooyin ay ka jiraan Israa’iil. Xadgudubyada ka dhex dhaca lamaanaha is qaba ee Israa’iil, ayaa iyana si weyn kor ugu kacey.

Waxaa jirta olole ka dhan dhibaatooyinkan, kaasoo laga bilaabay Israa’iil, iyadoo fursad lagu siinayey dadka ay haleeshay dhibaatadan, oo aan waligood codkooda la maqlin.

Matthew Kershaw, oo ah ku xigeenka shirkadda teknolojiyadda ee D-ID, ayaa sheegay iney tababareen kumanaan qof, kuwaasoo la barey sida loo kala saaro muuqaalada saxda iyo kuwa macmalka, si ay dhibaatooyinka u baahiyaan.

Dilka Michal Sela oo ka dhacey Israa’iil, ayaa keenay anfariir weyn, kaasoo dhacey sanadki 2019-ka, taasoo ninkeeda uu ku hor diley gabadheeda, isagoo isticmaalaya mindi.

Dhibaatada lasoo daristay gabadhani ma ahan mid iyada oo kaliya ku kooban. Sidoo kale, halistan waxey si joogta ah uga dhex dhacdaa aqalada iyo kuwa is qaba.

Waxay BBC-da la hadashey gabadh la dhalatey haweeneydan ninkeeda uu ku diley Israa’iil, si ay baraarujin ugu sameyso dadka kale, oo aaney ugu dhicin wixii ku dhacey walaasheed.

Waxay carabka ku adkeysay isticmaalka teknolojiyadda, si loo badbaadiyo mustaqbalka dhibanayaasha ay halisi soo food saarto.

Lili Ben Ami, oo hormuud ka ah hey’adda Michal Sela, ayaa aad uga qooqameysay sababta aaney walaasheed ugu sheegin dhibaatada heysata, taasoo markii danbe galaafatey nolosheeda.

Lili Ben, ayaa dhimashada walaasheed kadib yagleesay hey’addani kolkii danbe, iyadoo wacad ku martey iney caawineyso dhammaan xubnaha ay kasoo gaarto dhibaato aqalladooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here