Muxuu yahay doorka ilmo Diyaano ee ciidamada PSF?

0

Isimadii maalmahan ba u fadhiyey xallinta khilaafkii keenay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii bishii hore, ayaa xalay soo saaray qodobo talo soo jeedin ah oo ay u direen xukuumadda Puntland.

Qodobadaas talo soo jeedinta oo ay isimadu qabaan in lagu xallin karo khilaafkii shaqaaqadaa keenay waxaa kamid ah, in hay’adda PSF ay sii ahaato sideedii hore isla markaana uu agaasime usii ahaado Sarreeyo Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi.

Isimada waxay sidoo kale sheegeen in in gogol dib u heshiisiineed ay u dhigayaan madaxweynaha Puntland iyo saraakiisha PSF si loo xalliyo khilaafka.

Go’aamada ay soo saareen isimada ayaa ka dambeeyay, kadib markii bishii lasoo dhaafay uu dagaal uu Boosaaso ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta.

Doorka ilma Diyaano ee PSF

Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

Ciidamada PSF oo xiligaasi la oran jiray PIS ayaa waxaa markii ugu horreysay agaasime ka noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Cusmaan Diyaano ayaa waxaa uu xilligaas noqday ku xigeenka agaasimaha hay’adda PIS ee imika loo bixiyay PSF.

ciidamada PSF

XIGASHADA SAWIRKA,PSF

Qoraalka sawirka,ciidamada PSF

Cabdi Faarax Juxe oo horey u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, xil wasiirnimana kasoo qabtay Puntland ayaa sheegaya in Cusmaan Diyaan uu door wyayn ku lahaa asaaska iyo howlgalinta hay’adda PSF.

“Hay’adan guddoomiyihii ugu horeeyay nin ina Adan Bidaar la oran jiray ayuu ahaa xilligii Cabdulahi Yuusuf ayay ahayd Cusmaan Diyaano markaas ku xigeen ayuu u ahaa” ayuu yiri Mudane Juxaa.

Juxaa ayaa sheegay in Cusmaan Diyaano xilka hay’adda PSF loo dhiibay xili uu khilaaf ka dhex dhashay Cabdulahi Yuusuf iyo Cadde Muuse.

“Mar dambe oo Cabdulahi iyo Cadde isku dhici jireen ayaa Cusnmaa Diyaano loo dhiibay (AHU) oo hay’adda madax looga dhigay,” ayuu yiri Mr Juxe.

Cabdi Faarax Juxe

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,Cabdi Faarax Juxe

Cabdi Faarax Juxe ayaa sheegay in Cusmaan Diyaano oo ah aabaha dhalay siyaasiga Asad Cusmaan Diyaano iyo Maxamuud Cusmaan Diyaano uu ahaa nin si aad ah loo ixtiraamo.

Waxaa uu Cusmaan Diyaano sidoo kale ahaa sida u Juxa sheegay dadkii hormuudka u ahaa Jabhaddii la oran jiray SSDF.

“Cusmaan Diyaano nin odey ah oo muxtarim ah ayuu ahaa oo urarkii SSDF la oran jiray xitaa qeyb ka ahaa,” ayuu yiri Mr Jux.

Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in reer Diyaano ay door muhiim ah ku leeyihiin hay’adda PSF.

“Ilmo diyaano door muhiim ah oo ilaa aabahood soo taxnaa ayay ku leeyihiin hay’adda oo shaqo ah oo ays oo shaqeeyeen ay kala dhaxleen si kasbata ha u dhacdeen,”. ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid .

Cusmaan Diyaano, aabaha dhalay Asad iyo Maxamuud

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Qoraalka sawirka,Cusmaan Diyaano, aabaha dhalay Asad iyo Maxamuud

Inti uu agaasimaha ka ahaa hay’adda PSF Cusmaan Cabdulahi iyaano ayaa waxaa uu khilaaf ka dhex qarxay isaga iyo madaxwaynihii Puntland ee xilligaasi Cabdiraxmaan Faroole.

.

XIGASHADA SAWIRKA,PSF

Qoraalka sawirka,

Korneel Cabdiwaaxid ayaa sheegay in intii uu Cusmaan Cabdulahi Diyaano xilka hayay ay wiilashiisa ay la shaqeynayeen aabahood.

“Wiilasha Cusmaan gacan yarayaal ayay u ahaayeen wayna shaqeyn jireen waliba Asad waxaa uu joogay qeyb ciidamada militariga,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid.

Markii uu meesha ka baxay Cusmaan Cabdulahi Diyaano ayaa waxaa mar kale hogaanka hay’adda PSF qabtay wiilka u dhalay ee Asad Cusmaan Cabdulahi Diyaano.

Waxaa xiligii uu Asad xilka qabanayay madaxwayne ka ahaa Puntland Cabdiraxmaaan Faroole.

Asad Cusmaan Cabdulahi Diyaano ayaa waxaa uu ku biiray siyaasadda Puntland isaga sidaasi xilka ku wareejiyay.

Asad ayaa 2018 u tartamay xilka madaxwaynanimada Puntlan islamarkana kaalinta labad soo galay iyada oo uu xilka madaxwaynanimada ku guuleystay Saciid Cabdulahi Dani oo imika ah madaxwaynaha Puntland.

Markii uu Asad meesha ka baxay ayaa waxaa marka kale hoggaanka hay’adda PSF qabtay shaqsi ka tirsan reer Diyaano.

Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaa Maxamuud Cusmaan Diyaano u magacaabay agaasimaha hay’adda PSF.

Saamaynta Asad ee PSF

24tii bishii Nofeembar, 2021-dii ayuu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wareegto uu soo saaray xilka kaga qaaday agaasimihii PSF-ta Maxauud Cusmaan Diyaano, balse saacado kama soo wareegin markii bogga rasmiga ah ee PSF ee Facebook lasoo dhigay war saxaafadeed si qayaxan loogu diidayo digreetadaas, halkaas xaaladda ay cirka isku sii shareertay.

Markii waanwaanta la galay, cidda warbaahinta kasoo muuqanaysay ee odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmaysay waxa uu ahaa Asad Diyaano, inkasta oo hadal rasmi ah oo uu warbaahinta sheegay aysan jirin.

Maxamuud Diyaano isaga wax hadal oo uu warbaahinta siiyay ma jirto, mana jiraan sawirro badan oo laga hayo, waxaana la sheegay in inta badan keliya uu xiriirka ku samaynayay dhanka bogga PSF-ta iyo ciwaan uu ku leeyahay Facebook oo magaciisa ku qoran.

Asad waxa uu madax ka yahay urur siyaasadeedka Mideeyo oo dhowaan ka mid ah ururadii kusoo baxay doorashadii dowladaha hoose ee Qardho, Ayl iyo Ufeyn, iyada oo uu ururkani ka horeeyay ururka Kaah ee madaxweyne Deni uu madaxda ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here