Muxuu Ka Yidhi Xildhibaan Yuusuf Xasan in Xaafadda Islii Hub Lagu iibiyo?

0
Xildhibaan Yusuf Xasan

XIGASHADA SAWIRKA,.

Xildhibaanka degmada Kamakunji oo ay xaafadda islii ka mid tahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dadka reer Islii ay ka carroodeen hadal uu warbaahinta dalkani Kenya dhawaan ka sheegay Sanatarka ismaamulka deegaanka Kiambu oo ahaa in xaafadda Islii ay khatar ku tahay amniga dalka isla markaana lagu iibiyo hub oo waliba ay dadku hub haystaan.

Isu soo bax looga soo horjeeda hadalka Sanatar Kimani Wamatangi ayaa shalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi uu BBC-da u sheegay in edayntaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin isaga oo ugu baaqay siyaasiga hadalku ka soo yeeray inuu raali galin ka bixiyo haddii ay taa dhici waydana wuxuu ku goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan.

“Waxaan isugu soo baxnay in aan muujino inaan nahay dad nabadda jecel ganacsata ah waddanka dhaqaalihiisa iyo siyaasadiisana qayb weyn ka ciyaaraya martina aanna halkaan ku ahayn”ayuu yiri Xildhibaanka deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Sanatarka waraan ka sheegay warbaahinta ay ka dalbadeen inuu raali galin degdeg ah ka bixiyo hadalka ka soo yeeray ee la xiriira in dukaamada xaafadda islii lagu iibiyo hub.”Waxaan ka codsanay ninkaas Sanatarka ah inuu si degdeg ah raalin galin uga bixiyo edayntaasi beenta ah ee uu xaafadda Islii ka sheegay ayuu hadalkiisa raaciyay.

Senatorka ayaa hadalkan ka jeediyay mid ka mid ah talefishinnada ka so baxa Kenya, Ctizien TV oo uu uga qeybgalay barnaamij looga hadlayay ammaanka dalka.

ISLII

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qoraalka sawirka,

Mar wax laga waydiiyay Xildhibaanka Kamakunji sababta ku kallifi karta inuu eedayntaan u jeediyo xaafadda islii Sanatarka ismaamulka Kiambu ayaa waxaa uu sheegay inuusan garaneynin sababta arrintaa keeni karta hase-yeshee waxa uu intaa ku daray inay jiraan dad aaminsan fikrado khaldan oo la xiriira in dadka Soomaaliyeed ay ku lug leeyihiin falal isugu jira burcadnimo, argagixisnimo iyo musuq-maasuq. Wuxuu kaloo sheegay in dadka qaarkood ay ka xunyihiin horumarka dhanka ganacsiga ay ka sameeyeen dadka Soomaalida ah.

BBC-da ayaa waydiisay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi haddii ay hubiyeen hadalka Sanatarka oo iyagu baaritaan ku sameeyen waxa ka jira in xaafadda hub lagu iibiyo iyo in kale waxaana uu jawaabtiisa u dhigay qaabkaan: “haddii hadalkaasi dhab yahay waxay ahayd inuu Sanatarku maadaama uu yahay nin mas’uul ah inuu booliska la socdsiiyo si ay u soo galaan xaafadda oo markaa baaritaan ugu sameeyaan”.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Wuxuu sheegay in baarlamaanka ay gayn doonaan codsi ku aaddan in siyaasiga hadalka sheegay uu soo bandhigo warka uu baahiyay halka uu ka yimid.

Sanatar Kimani Wamatangi kama uusan hadlin arrintani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here