Muxuu Caalamku Mugdi Usii Noqonayaa Sanadihii U Dambeeyey.?

0

Muddo sanada ah, dunida “waxaa ka sii lumayay ilayska”. Arrintaas waxa ay ka dhigan tahay in koonkayaga uu qorraxda ka soo gaarayo iftiin kooban, sida lagu sheegay daraasad cusub oo uu bishii Sibteembar daabacay wargeyska Geophysical Research Letters ee ka tirsan ururka Juquraafiga Mareykanka ee AGU.

Cilmibaarayaasha daraasaddan, oo ka kala socday Mareykanka iyo Spain, ayaa arrintaas sheegay kaddib markii ay faaqideen oo ay dhinacyo badan ka rogrogeen iftiinka dhulka ka soo gaara dayaxa, kaas oo la uruurinayay 20-kii sanadood ee la soo dhaafay iyadoo la adeegsanayo dayaxgacmeedyo iyo qalabka solarka ee wax lagula socdo oo yaal California.

Saynisyahannada ayaa weli waxa ay rajaynayaan inay ogaadaan sababaha uu ilayska uga sii yaraanayo koonka, hasayeeshee aragtiyo ayey arrintaasi ka haystaan.

Halkan ayaanan kuugu soo gudbinaynaa aragtiyahaasi waxa ay yihiin iyo cawaaqibka ay ku keeni karaan dunida.

Waa maxay “Albedo”?

Sida guud ahaan la ogyahayba ilayska waa iftiin ka soo baxa goob oo meesha uu qabto ma ahanee dhinaca kale si wanaagsan u iftiimiya halka meelaha qaarna ay iftiinkaasi laqaan.

Sidaas oo kale ayaa dhacda marka ay isqabtaan iftiinka qorraxda iyo koonka.

Maeneo ye ye mwangaza duniani kama yale ya kaskazini hutoa mwangaza duniani

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Gobollada mugdiga ah ee koonkan ayaa waxa ay liqaan iftiinka iyo kulaylka xiddigtayada, halka gobollada iftiimaya sida kuwa daruuraha leh ay iftiin ku soo celiyaan dhulka.

Iftiinka ka soo baxaya qorraxda ee soo gaaraya dhulka misana dib u laabanaya ayaa waxaa loo yaqaan “Albedo”, celcelis ahaanna waa 30% ilayska qorraxda ee aynu helno.

In ka badan 20 sanadood, waxaa hoos u dhacayay ilayskaasi ama Albedo-daasi.

“Dunida haatan mitirkii isku wareegsanba waxaa soo gaaraya iftiin ka yar midkii soo gaari jiray 20 sanadood ka hor. Arrintaasi waxa ay u dhigantaa hoos u dhac gaaraya 0.5% oo ku yimid ilayska adduunka,” ayuu sheegay ururka AGU.

Hoos u dhaca ku yimid iftiinka adduunka ayaa waxaa inta badan la ogaaday saddexdii sanadood ee la soo dhaafay.

“Hoos u dhaca Albedo-da ayaan aad uga walaacnay markaannu eegnay xogta saddexdii sanadood ee la soo dhaafay kaddib 17 sanadood oo ay albedo-du maqnayd,” ayuu yiri Philip Goode, oo ah cilmibaare ka tirsan Mac-hadka Tiknolojiyadda ee New Jersey ee waddanka Mareykanka, kaas oo horkacayay daraasaddan cusub.

Hasayeeshee maxaa sababaya hoos u dhacan?

Sababaha suuragalka ah

Qoraayaasha daraasaddan ayaanan saddexdii sanadood ee la soo dhaafay soo helin wax isbaddel ah oo ku yimid ilayska qorraxda, marka iftiinka hoos u dhacay ee dhulka soo gaaraayo lama xiriiro xiddigaha, hasayeeshee arrintaasi waxa ay saamaysay koonka.

Wanasayansi wanadai kupungua kwa mawingu katika eneo la mashariki mwa Pacific

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sababta ay saynisyahannada ogaadeen ayaa ah in dhulka uu isbaddel wayn ka jiray marka la eego heerka daruuraha qeyba ka mid ah gobolka Badwaynta Pacific-ga, ayuu yiri Enric Pallé, oo ka mid ah dadka qoray daraasadda kaas oo ah cilmibaare ka tirsan mac-hadka Instituto de Astrofísica de Canarias (IAC), sidoo kalana ka tirsan waaxda Fiisikiska ee Jaamacadda Laguna ee waddanka Spain, ayaa sidaasi ku sheegay wareysi uu siiyay BBC Mundo.

Daruuro dhowr ah ayaa haatan lagu arki karaa bariga Badwaynta Pacific-ga, ee xeebaha ka baxsan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, sida lagu sheegay xog la helay barnaamijka Earth- Cloud-Cloud Radiant Energy System (CERES), ee NASA.

Wanasayansi walihesabu mwanga kutoka katika jua ambao anaangaza katika mwezi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Saamaynta

Saynisyahannada ayaa daraasadda waxa sababay iftiinka hoos u sii dhacaya ee koonka, waxa ay ku ogaadeen in ilayska iyo kulaylka qorraxda ee gaara koonka ee ay aheyd in dhulka uu xagsado aanay dhicin, sidaas daraadeed waxa ay saamaysay heerkulka.

“Waxaa cad in Albedo uu yahay wax lala xiriiriyo barashada cimilada arrintaas oo ah mid joogta ah, balse aanay ahayn mid aan marwalba baari karo sababtoo ah waxa ay aad u saamayn doontaa awooddayada aan ku saadaalin karno isbadelka cimillada hadda illaa 20-ka sanadood,” ayuu yiri. 30-ka illaa 50-ka sanadood ee soo socda,” ayuu ku daray Enric Pallé.

“Xaaladaha cimillada caalamka waxa ay isugu jiraan heerkulka sii kordhaya iyo mid hoos u dhacaya,” ayuu yiri cilmibaaraha.

Si si buuxdo loo helo farqiga Albedo, “waa inaynu sii wadnaa sanadaha soo socda baaritaanka ku aaddan isbadelka arrimahaas, oo aynu barto mustaqbalka fog haddii aynu la xiriirin karno isbadelka cimillada ama inaan xaqiiqsanno in arrintan aanay ahayn wax si caadi ah u dhacay,” ayuu yiri Pallé.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here