Midowga Musharraxiinta iyo Masiirka Doorashada!

0

Midowga Musharraxiinta iyo Masiirka Doorashada!

Farmaajo ayaa 4 sano oo uu ninka Dalka ugu sarreeya ahaa awood walba oo dhaqaale, ciidan iyo tasiilaad kalena gacantiisa ku jireen wuxuu iska dhaadhicinayay in dhowrka nin ee halkan taagan [musharraxiinta] ay yihiin haad geed waayay oo cirka iska heehaabaya, warkoodana waxaa loo arkayay tororog aanan meel tagayn. Kuwa beenta iyo buunbuuninta u qaabilsan odayga Villa Somalia ku jirana iyagoo waxa ay qaabeyn jireen sheeko-baraleey uu nuxurkeedu yahay “musharraxiintu waa rag hadal uun ku filan oo aanan is hortaagi karin qorshaha Farmaajo.

Awoodda dhabta ahna waxay ag taallaa asaga”.

Wixii ka horreeyay 25 April 2021 masiirka iyo go’aanka doorashada waxaa laga tuugtuugayay Farmaajo. Maamulgobaleedyaduna waxay u qaybsanaayeen qaar uu isagu jeebka gashtay iyo kuwa uu jallaafo ku wado oo inay u jabaan wax yar u jira. Wax kale iska daaye, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay gaareen heer ay imaatinka Xamar waswaas ka qaadaan, ama ay hub intii ay heli karaan hore u soo uruursadaan, tiiyoo aysan xitaa ku dhiirran jirin inay soo dhaafaan goobaha ay iyagu amni ahaan u doorteen in la dejiyo. Cidda sidaas oo dhan looga baqaayayna wuxuu ahaa Farmaajo.

Ninkii kibirka is biday ee iyadoo “aan tashanno” lagu baryayo shirkii ka baxay oo inta buugga doorashada laabay iskiis u cimri-dheereystay ayay Deni iyo Madoobe iyaga oo quus jooga maalin cad Xamar uga dhaqaaqeen. Galabtaas ay magaalada sagootiyeenna waxay rajobeel ka joogeen xaalka Dalka, shakina iiga ma jiro inay aamineen in Farmaajo oo aanay cid qabata Xamar ka soo bixin aanay iyaguna meelahooda ku nabadgali doonin. Ogowna markaasba mashruuca Farmaajo ee furfurka, faduulinta iyo fidno-abuurka ah deegaannada ay raggaan ka taliyaan sannado ayuu ka sii socday, oo mar walboo awood muuqata uu odaygu Xamar ku yeesho waxaa niyad ahaan u xoogeysanayay kuwa afkaarihiisa xambaarsan ee goballada gacantiisa ka baxsan jooga.

Ugu dambeyn, wixii la wada ogaa ayaa dhacay. Ninkii isku bogay ee is boqrayna waxaa cagta dhulka u dhigay wiilal hubeysan oo afkaarta ay ka duulayeen ay ahayd wixii muddo ka hor warqadaha ku qornaa oo Hotel Jazeera laga akhrin jiray, laakiin ay taageerayaasha Farmaajo ku sheegi jireen “hadaltiro iyo huuhaa aanan meelna gaareyn”. Farmaajihii shirarka dhowrka ah ee wadatashiga loo bixiyay talo ku diidayna wuxuu sandulle ku aqbalay in doorasho heshiis lagu yahay ay dhacdo. Markaas ayaana ugu horreysay qabsoomidda shirar wada-tashi oo si dhab ah loo tashado, maxaa yeelay dadkii shalay qaar la cabiidsado iyo kuwa la colaadiyo ahaa ayaa iyagoo dulleysi iyo daandaansi ka madaxbannaan shir isugu yimid.

Taariikhdaas dheer waxaan u dul marayaa si aan runta ay illoobeen ama iska indhotirayaan u xasuusiyo beenhawaaslayaal beryahaan isku sheegaya in awoodda keliya ee doorashada iyo sida ay noqonayso go’aan ka gaari karta ay tahay tan maamullada, halka musharraxiinta midoobayna lagu sheegayo masaakiin meel ku aruursan oo muran uun ku fac ah.

Doorasho aanan heshiis lagu ahayn hortiin jire ayaa waayay ee hurdada ka kaca.

Maxamed Xasan Dhaalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here