Maxay U Adagtahay In Dadka Qaar Ay Farxad Helaan?

0

Baaritaanada la xiriira mowduucaan ayaa sii xoogaysanayay sannadihii la soo dhaafay iyada oo ay ugu wacan tahay ​​cilmi-nafsiga togan. Isla mar ahaantaana, heerarka walaaca, niyad-jabka, iyo dhaawaca uu qofka isku geysanayo ayaa adduunka kor u sii kacaya.

Marka aan ka hadlayno cilmi-nafsiga togan, aan dib u eegno maqaal 2005-tii la daabacay kaas oo beddelay habka aan u aragno farxaddeena.

Daraasada ayaa shaaca ka qaaday in 50% dadka farxadooda ay ku xiran tahay Hidde-sidayaasha, boqolkiiba tobbanna waxay ku xiran tahay xaaladdooda halka 40% ay ku xiran tahay dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan.

Muddo tobanaan sano ah cilmi-baarayaashu waxay darsayeen isticmaalka mataanaha waxayna ogaadeen inay yihiin hidde-sideyaal sharxaya sida farxaddooda ay u kala duwan tahay qiyaas ahaan 40 ilaa 50 boqolkiiba.

Tani waa hab lagu eegayo hidaha iyo deegaanka dadka ee aasaaska xiriirka qoyska waana sababta mataanaha halkan loogu isticmaalayo.

Dhibaatadu waxay tahay, waxay u maleeyeen in mataanaha ku nool deegaan isku mid ah markii ay korayeen, ay faexaddooda kala duwantahay.

Iyadoo laga jawaabayo dhaleeceynta maqaalkii 2005, isla qorayaasha ayaa qoray maqaal kale sanadka 2019 kaas oo si kala duwan u qeexay saameynta hiddaha ee farxaddeena, iyagoo aqoonsanaya isdhexgalka ka dhexeeya hidde-sideyaashayada iyo deegaankeena.

Dabeecadda iyo waxbarashada

Dabeecadda iyo barbaarintu waa isku xidhan yihiin.

Hidde-sidayaasha waxay saameeyaan dabeecadda dadka ka caawisa inay doortaan deegaankooda. Tusaale ahaan hiddo-sidaha u gudbiya waalidku waxay caawiyaan carruurta inay sameeystaan kooxo saaxiibo ah.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tusaale ahaan, hooyooyinka u nugul xanaaqa xilliga uurka, waxaa beddela hidda-sidaha ilmahooda oo ka qayb qaata isbeddelada kiimikada ee saameeya koritaanka ilmaha.

Sidaa darteed, dhallaanku qaar waxay ku dhashaan xanuunno ay ka mid yihiin cudurrada ku dhaca wadnaha.

Tani waa sababta laba qof oo ku koray isku deegaan ay dabeecadahooda u kala duwnaan karaan.

Qaar kale waxay wax ku biiriyaan deegaanka waxaana laga yaabaa inay beddelaan maskaxdooda, shucuurtooda, iyo dhaqankooda si togan ama si khaldan. Isbeddelladani waxay sidoo kale jiri karaan waqti dheer.

Laakin ma jiro cilmi nafsi wanaagsan oo qof walba caawiya sababtoo ah waxaan ku kala duwanaanahay Hidda Sidaha ama DNA. Taas macnaheedu ayaa ah in aynu leenahay heerar kala duwan oo ah wanaagga iyo nolosha.

Sidoo kale farxadda dadku waxay ku xiran tahay deegaankooda. Tani waxaa lagu salayay dabacsanaantooda.

,

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xiriirka ka dhaxeeya farxadda iyo deegaanka

Dadka qaar ayaa si adag u halgama si ay u hormariyaan wanaagooda marka loo eego dadka kale taasi waxa uu macnehedu yahay inay ahaayeen kuwa aan muddo dheer faraxsanayn sidaa darteed waxaa aad u adag inay waligood helaan farxad aad u sarreysa.

Farqiga u dhexeeya ayaa ah in kuwa awoodda u leh inay la qabsadaan deegaankooda ay hagaajin karaan fayoobidooda oo ay xitaa qaadi karaan tallaabooyin dheeraad ah haddii ay doortaan qaab nololeed caafimaad leh oo ay ku noolaadaan deegaan sare u qaadaya farxaddooda.

Waxa kale oo muhiim ah go’aannada aynu ka qaadanno halka aynu ku nool nahay, cidda aynu la nool nahay iyo sida aynu u noolaano, dhammaan kuwaasi waxay saamaynayaan farxaddayada iyo farxadda jiilasha dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here