Maxay Salka Ku Hayaan Danta Maraykanku Uu Ka Leeyahay Ethiopia?

0
Danaha Maraykanka ee Ethiopia waa kuwo aad u waaweyn  Salka waxa ay ku hayaan isirada ammaanka, dhaqaalaha iyo isaraatiijiyadda. Si uu u ilaashado danihiisaa, waa inuu dheelitir ku sameeyo jilayaasha ugu waaweyn siyaasada gudaha dalka Ethiopia.
Haddii uu dhan kaliya la jiro, wey la go’i kartaa. Amharada waa inuu ku dheelitiro Tigreega. Tigreega waa inuu ku dheelitiro Amharada. Oromada waa inuu ku dheelitiro Amharada.
Sidoo kale, Amharada waa inuu ku dheelitiro Tigreega. Arrintan ayay salka ku haysa taageeradiisii dadbanayd ee kacdoonkii Oromada.
Arrintan ayay salka ku haysaa taageeradiisa Tigreega ee immika. In Tigreega saamayntiisa siyaasad ay meesha ka baxdaa dheeliweyn bay keeni kartaa sugidda danaha Maraykanka.
Maraykanku arrinta Ethiopia muddo xadhiga ayuu giijinayay si uu sii jirritaanka TPLF ugu dheelitiro danihiisa Ethiopia iyo gobbolka. Waxa filashadiisu ay tahay oo uu rejo ka qabaa in Abiy uu xadhiga debcin doono.
Ma rabbo in meeshuba isla hallaagsanto. Waxa caddayn u ah September ayuu Biden, Madaxweynaha Maraykanku soo saaray “Executive Order” cunaqabatayn ah uu soo saaray si Abiy loo cabsi geliyo. Waxa qariib ahayd in Executive Order-ku aanu lahayn jilayaal cad iyo bartilmaameed ah midna.
Maanta Jeffrey Feltman waxa uu joogaa Addis Ababa. Waxa uu dareemayaa in xadhigii ay giijinayeen uu go’id ku dhow yahay. Fahankaygii, Miyirsi hadda ayay ugu dhowdahay dhankooda.
Dhanka kale, khatar badani waxa ay ka soo kordhaysa faragelinta Eritrea ee la sheegayo inay Ethiopia kula dagaalamayaan TPLF mar kale. Arrintaasi fursad ayay siinaysaa Maraykanka si uu hawlgalo uga sameeyo deegaankaas.
Abdifataah A. Ileeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here