Maxay Oromada weli faquuq u dareemayaan xitaa haddii wiilkoodii R/wasare laga dhigay?

0

Markii uu Abiy Axmed noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya seddex sano ka hor, bulshada Oromada waxay dareemeen in silsiladihii ugu dambeeyay ee ku xirnaa la jebiyey.

Wuxuu ka mid ahaa iyaga – wuxuu fahmay carada qowmiyada ugu tirada badan dalka ee horseeday banaanbaxyo waa weyn oo horseeday is casilaadii hogaamiyihii isaga ka horeeyay.

Wuxuu ogaa sababta ay gacmahooda isu dhaafsadaan calaamaddaas oo caan ka noqotay ciyaarihii Olombikada Rio markii orodyahankii maaradoonka ahaa ee Feyisa Lilesa uu gacmihiisa kor u taagay markii uu dhamaynayay taas oo farrin gudbinaysay.

Feyisa Lilesa uu gacmihiisa kor u taagay markii uu dhamaynayay orodka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Feyisa Lilesa uu gacmihiisa kor u taagay markii uu dhamaynayay orodka

“Dad badan waxay u arkeen [Abiy] inuu yahay Masiixi cusub,” ayuu yidhi Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha mucaaradka Oromo Federalist Congress (OFC).

Dadka Oromada ah waxay dareemeen inay yihiin muwaadiniinta heerka labaad ah oo dalkooda ku nool.

Inta badan dadka Oromada ah waxay ku nool yihiin gobolka Oromiya, maadaama dalku u qaybsan yahay gobollo ku saleysan qowmiyado. Haddana Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, oo ay gebi ahaanba ku wareegsan tahay Oromiya, qaar ka mid ah Oromada ayaa sheegaya in laga caroodo marka ay ku hadlaan luuqadda Oromada gaar ahaan meelaha fagaaraha ah, iyo xitaa gudaha basaska.

Jaahwareerkani wuxuu cod ka helay jiilka “qubee”, oo macnaheedu yahay “alifbeet” Afaan Oromoo kuwaas oo tixraac loo baray afkooda hooyo markii ugu horeysay, taas oo ahayd siyaasad lagu soo kordhiyay dugsiyada dalka guud ahaan horaantii 1990-meeyadii kadib dhicitaankii ee xukunkii Marxist.

“Markii ay Oromada aqoonta leh ay bilaabeen in ay isbarbar dhigaan taariikhdooda iyo taariikhaha kale sida tan Koonfur Afrika, waxay ogaadeen in jagada liidata ee ay u magacaabeen nidaamku ay tahay mid aan loo dulqaadan karin,” ayuu yidhi Faysal Rooble oo ka socda machadka daraasaadka iyo arrimaha Geeska Afrika ee fadhigiisu yahay Maraykanka.

‘Tacaddiyada la buunbuuniyey’

Waxay barteen sida casriga ah ee Itoobiya loogu aasaasay boqortooyadii Menelik II iyada oo loo maray hab gumaysi – iyo sida dhulkoodu u lumay.

Laakiin dhammaan Itoobiyaanku isku si uma wada arkaan.

Menychle Meseret, oo ah aqoonyahan ka tirsan jaamacada Gonder ayaa sheegay in sheegashooyin badan oo ku saabsan naxariis darada Menelik ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn loona buun buuniyay iyadoo laga leeyahay dano siyaasadeed.

Boqor Menelik II

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Inta badan taariikhda Itoobiya ma qoraan taariikhyahanno tababbaran, ee waxaa qoray siyaasiyiin – Tusaale ahaan sheegashada ah in shan milyan oo Oromo ah uu dilay boqor Menelik , “ayuu yidhi.

“Xitaa markaad eegto tiradaasi, shan milyan oo qof kuma nooleen Itoobiya xilligaas.”

Hase yeeshee Oromadu waxay aaminsan yihiin in lagala dagaalamay dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba, taas oo uu Mr Faysal dusha kaga tuuray madaxda sare ee boqortooyada isagoo sheegay inay haysay “ilbaxnimo la’aan”, aragtidaas oo socotey afar iyo tobankii sano ee boqortooyada Haile Selaisse xukunka hayey, ilaa xukunka laga tuuray 1974.

Jiilka alifbeetada ayaa ka dhiidhiyay arintan isla markaana qaatay aqoonsigooda dhaqameed – waxay doonayaan in luuqadooda loo aqoonsado inay tahay mid ka mid ah luuqadaha shaqada ee dalka, waxay rabaan inay xasilooni ku dareemaan magaalada Addis Ababa, oo ay ugu yeeraan Finfinnee, isla markaana ra’yiba ku yeeshee maamulkeeda iyo koritaankeedaba.

Kalsoonidan cusub ee la helay waxaa soo koobay Hachalu Hundessa, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed wuxuu isu badalay xidig muusig oo heesihiisu ay sii kicinayeen banaanbaxyada Oromada.

Haween Oromo ah oo xiran dharka dhaqanka Oromada

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Haween Oromo ah oo xiran dharka dhaqanka Oromada

Ka dib markii uu Abiy Axmad uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay Itoobiya ee ka dhashay qowmiyadda Oromada ah waxaa lagu soo dhaweeyay farxad, isbadal ayaana dhacay.

Bandhigyada Oromada ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa, xafladda mahadnaqa ee Oromada ee Irreecha ayaa ka dhacday caasimadda markii ugu horreysay. Maxaabiista siyaasadeed iyo shakhsiyaadka mucaaradka ah ayaa la sii daayay , waxaa aad loo soo dhaweeyay maalqabeenka caanka ah ee warbaahinta Oromada Jawar Mohammed.

Geesi ayaa la dilay

Jiilka alifbeetada, geesigooda ayaa la dilay – waxay u horseedey mowjado kacdoonno qowmiyadeed ah, oo ay ku dhinteen dad ka badan 160 qof. sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay Jawaar Maxamed oo ilaa hadda wajahaya eedeymo argagixisanimo iyo hurin rabshado.

Hachalu Hundessa

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Hachalu Hundessa

“Dawlad kasta oo dimoqraadi ah waa inay xornimo siiso shacabka balse hadan waa inay sharciga xoojiso markii ay la kulanto arrimo noocaas ah.” ayuu yidhi Mr Menychle.

Hase yeeshe, saameyntii ka dhalatay ayaa keentay in Mr Jawar iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) ay qaadacaan doorashada guud ee isbuuca soo socda.

Booskeenii siyaasadeed wuu sii yaraanayay marba marka ka sii dambeeysa. Tusaale ahaan sanadkii hore waxaan lahayn 206 xafiis oo ku yaala guud ahaan Oromiya hadana waxaan leenahay oo kaliya seddex xafiis, ayuu yiri Prof Merera oo katirsan xafiiska OFC.

Xisbiga Barwaaqo Mr Abiy (PP) wax tartan dhab ah kuma lahaan doono Oromiya. Kani waa xisbigii uu aasaasay ka dib markii uu kala diray Jabhadii Itobiya ee kacaanka (EPRDF), oo ay ku bahoobeen afar qowmiyadeed oo la aasaasay 1988 si loola dagaallamo taliskii Markis.

Waxaa xukumayay in kabadan labaatan sano Tigreega, oo ah qiyaastii 7% bulshada Itoobiya waa qodob kale oo kamid ahaa mudaaharaadkii Oromada ee xukunka ku keenay Abiy Axmed.

‘Wadajir’

Mr Abiy fikradiisu waxay ahaa in la helo xisbi kala jinsiyad duwan – wadanku wuxuu leeyahay in kabadan 80 qowmiyadeed – laakiin midnimo ujeedadeedu tahay xalinta khilaafaadka qowmiyadeed.

Aragtidani waxay ku jirtaa buugiisa Medemer, oo la daabacay xilligii la bilaabay barnaamijka PP, oo ah eray af-Amxaari ah oo loo turjumi karo “isu imaatin”.

line

Oromada qiyaas ahaan waa 40 milyan marka loo barbardhigo 115-ka milyan ee Itoobiya.

line

“Ku baaqida midnimada iyo wadajirka waa wax fiican,” ayuu yidhi Mr Menychle, “maxaa yeelay hadaad aragto maanta Itoobiya, qowmiyadaha ayaa loo kala qeeybiyay ilaa halka ugu sarreysa, halkaas oo dadku ku dhimanayaan, iyagoo leh:” Ma tihid mid naga mid ah. “

Si kastaba ha noqotee, Mr Abiy wuxu udub dhexaad u ah u ahaa go’aankiisa inuu aasaaso xisbiga PP, ayuu yidhi Mr Faysal, isagoo kaashanaya xulafada Oromada ee isaga ku khilaafsan sida Lemma Megersa.

Mr Lemma ayaa isaga u magacaabay ra’iisul wasaaraha, laakiin waxaa laga ceyriyay sanadkii hore wasiirka difaaca isagoo dhaleeceeyay aasaaska PP.

Mr Faysal wuxuu oggol yahay in xisbiga PP uu albaabada u furay kooxo badan, laakiin wuxuu sheegay inay noqon karto waddo lagu soo rogo “xukun kaligiis-talis ah” – taas oo ah waxa siyaasiyiinta oromada ah ee jecel nidaamka baahsan ee federaalka cabsi gelisay.

“Wiilal xariifiin ah ayaa la wareegay,” ayuu yiri Prof Merera, isaga oo si maldahan u sheegaya sida uu u arko in Mr Abiy uu uga weecday balanqaadyadii loo sameeyay dhalinyarada Oromiya isla markaana ay la socdaan qowmiyadaha Amxaarada.

Faysal wuxuu si bareer ah u yiri: “Abiy wuxuu xaqiiqsaday in Amxaaradu gacanta ku hayso awoodda aqooneed, warbaahinta, iyo dimoqraadiyadda… wuxuu ogaaday inuu sida kaliya ee uu ku xakamayn karo Itoobiya ay tahay inuu la jaanqaado fikirka Amxaarada.”

The life-size waxwork of Haile Selassie at the Imperial Palace - October 2019

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Sawirka qaab farshaxan ahanta loo sameeyay ee Haile Selassie

Prof Merera, wuxuu ku doodayaa in ra’iisul wasaaruhu sinnaba ugu danaynayn Oromada markay ttimaaddo PP ama luqadda.

“Dowlada sidoo kale waxay ka shaqeyneysaa arintan luuqada – hadii tani ay tahay dalabka luqadda Oromada ay noqoto luqad shaqo, dhibaato ma noqon doonto.”

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya EHRC oo xiriir la leh dowlada ayaa si cad u canbaareeyay xadgudubyada ka socda gobolka Tigray, halkaasoo dagaalku ka qarxay bishii Nofeembar, iyo xadgudubyada ka socda Oromiya – oo dhawaan cambaareysay xukun dil ah oo lagu fuliyay wiil dhalinyaro ah oo looga shakiyay inuu yahay jabhad, oo ah eedeyn ay qoyskiisa beeninayaan.

‘Seef laba afle ah’

Kacdoonka jabhadda ee galbeedka iyo koonfurta Oromiya iyo rabshaddii xigtay ee uu Mr Abiy soo dhaxgelay si uu dhaleecayo qof kasta. Gobahaaasi kama dhici doonto doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo 21 bisha Juun sababo la xiriira Internetka oo ka go’an.

Map of Ethiopia, showing Oromia

“Waxaa nalagu dilay seef laba af leh,” mid kamid ah dadka ku nool galbeedka Oromiya ayaa u sheegay BBC Afaan Oromoo, taasoo la micno ah in dad rayid ah ay dileen labada jabhadood ee Oromo Liberation Army (OLA) iyo ciidamada amniga.

Mr Menychle ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha, oo ku guuleystay biladda nabadda ee Nobel-ka 2019, aad ayuu ugu deg degay 2018 martiqaadka kooxaha sida OLA iyada oo aan marka hore la aqbalin shuruudaha soo laabashadooda, gaar ahaan kuwa hubeysan.

Kadib markii Jabhadda OLA ay timid, wadahadaladii hub ka dhigista iyo ku biirida ciidamada amaanka ayaa burburay, waxaana sare u sii kayay kalsooni darada ku aaddan aragtida Mr Abiy ee Oromiya.

Prof Merera wuxuu ka baqayaa in doorashadan aysan keenin doonin nabad waarta iyo xasillooni – taasoo wax u dhimeysa jiilka alifbeetada.

“Dal nabada ka jira wuxuu helaa dowlad wanaag, dhanka kalena horumar dhaqaale oo macna leh, dhalinyaradeena waxay kusii qulqulayaan Yemen, waxey kusii qulqulayaan South Africa, waxay kusii qulqulayaan Yurub kadibna naftooda ayay waayaan.”

“Dhallinyaradu waxay si gaar ah u doonayaan isbeddel dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here