Maxaan u cayili la’ahay?

0

Iyadoo aan ku jirno wakhti in badan oo ka mid ah bulshada caalamka ay isku dayayaan inay iska dhimaan cayilka ama buurnida sababo la xiriira qurux ay raadinayaan ama arrimo caafimaad dartood ayaa haddana dhanka kale waxaa jira dad iyaguna dadaal adag ugu jira sidii ay isku cayilin lahayen hase yeshee ku guul daraystay marar badan arrintaa.

Dhowr arrimood ayaana loo sababaynayaa in dadkaasi ay heli waayaan buurni, kuwaas oo ay ugu horreyso hidde-sidayaasha qofka, dheefshiidka arrin dabiici ah ama u dhalasho oo qofka ka dhaxlo xubno ka mid ah qoyskiisa.Sidoo kale wxaa jira cudurro qofka ka hor istaago inuu cayilo sida sonkorowga ama macaanka niyad jabaka isla hadalka ama walaaca iyo waxyaabo kale .

Haweenay dhaqtarad ah oo dhawaan qalin jabisay laguna magacaabo Vivian Gomes, da’deeduna tahay 27 -jir waa qof caato ah ama dhuuban waxaana la aaminsanyahay in aabaheed ay ka dhaxashay dhuubnida waaxana ku adkaatay inay kordhiso miisaanka jirkeeda

Balse maanta Dhirirkeedu waa 1.62 mitir, culeyska jirkeeduna waa 46 kiilo walina waxay halgan adag ugu jirtaa kordhinta miisaanka jirkeeda, iyadoo waliba dhaqaatiirtu siiyaan tallooyin ku saabsan dhanka jadwalka cuntooyinka ay isticmaasho.

Gabadhaan ayaa dhuubnida darteed wajhaday waxa ay dadka Soomaalidu u yaqaanaan dhago ka hadal iyo hadallo sarbeeb ah oo dadku ku oranayen tan iyo yaraanteedii. Waxayna sheegtay in wax kasta ay cuntay si ay mar uun u cayisho hase yeeshee wali cayilkii ay rabtay ma aysan gaarin natiijadiisii.

“Waa wax aana ku qanacsanayn oo aan ku noolaa tan iyo yaraanteydii,waxaana dareemaa qalbi jab marka aan dib u xasuusto kaftankii iyo hadalladii igu soo noqnoqan jiray ayay tiri”. Vivian Gomes,. oo ay ula jeedo waxyaabihii dadku ku dhihi jireen caatada darteed.

Xilliyadii carruurnimada iyo iskuulka xittaa waxay isku dayday Vivian Gomes wax kasta oo ay ku kordhin karto miisaanka jirkeeda iyadoo xilligaas xoogga saari jirtay cuntooyinka sida kuwa nafaqada leh iyo cuntooyin dheeraad ah oo ay qaadan jirtay.

Waxaase Xaaladdeeda sii adkeeyay markii xanuun ka haleeyay caloosha isla markaana ay dareentay calool bax (shuban) xanuunkaas wuxuu sii yareeyay miisaankii oo awalba walwal ku hayay.

“Cuntadaydu waxay noqotay mid aad u xaddidan, waana walaac aad u weyn oo ah inaan ka fikiro cunto kasta maalmaha aan shaqada ku jiro. Waxaan awoodi waayay in aan raaco dhammaan tilmaamaha dhaqaatiirtu ay isiiyen,” ayay tiri . Vivian Gomes.

Layliga jirka si loo helo kordhinta miisaanka

Tagista maalin kasta goobaha jimicsiga (gym-ka) waxay dadka qaar u arki karaan cayil raadis hase yeehee ujeedku wuxuu noqon karaa mararka qaar raadinta caafimaad iyo dheelitirnaan dhanka jirka ah .

Marka uu qofku cayilo ama buurto korararka dufanka ayaa la rumaysanyahay inuu u horseedi karo dhibaato caafimaad darro sida wadno xanuun sida ay sheegtay dhaqatarad ku takhakhustay cuddaradaan oo lagu magacaabo Clarissa Fujiwara kana tirsan urur ka shaqeeya arrimaha dhimista miisaanka jirka ee magaalada Sao Paulo, ee dalka Brazil.

Silvana Madeira, oo hadda da'deedu tahay 56 jir

XIGASHADA SAWIRKA,PERSONAL FILE

Qoraalka sawirka,Silvana Madeira, oo hadda da’deedu tahay 56 jir

Ma jirtaa cunto gaar ah oo lagu kordhiyo miisaanka?

Ma jiro liis gaar ah ama cuntooyin gooni ah ah oo ay tahay in la raaco si loo kordhiyo miisaanka. Haddiise la kordhiyo baruurta jirka waxaa dhanka kale kordhaya dhibaatada caafimaad darro.

“Waxa muujin kara farqiga waa tayada cuntada la isticmaalo iyo dhaqdhaqaaqa jirka ee la sameeyo,” ayaa tiri Marcella Garcez, oo ah agaasimaha iyo barafasoor ka tirsan urur ka shaqeeya nafaqada ee dalka Brazil.

Balse ka hor inta aan la qeexin cuntada, waxa ugu muhiimsan tallaabooyinka la qaadayo waa in meesha laga saaro jiritaanka cudurada suurtagalka ah. “Baaritaan caafimaad ayaa ka hortagi karo in dhibaato ka sii daran ay dhacdo midda laga cararayo iyada oo aan bukaanku ogeyn,” ayay tiri dhakhtarad Marcella Garcez.

Silvia Madeira, oo hadda 56 jir ah, waxay bilowday inay isku daydo inay jirkeeda u beddesho habka saxda ah: waxay raadsatay caawimo caafimaad iyadoo 19 jir ah si ay u fahamto sababta, Dhirirkeedu u yahay 1.63 mitir, miisaankeedun uga badan la’yahay 49 kiilo. Balse, iyada oo aysan gaarin wax dhibaato ah ayay qaadday tallaabooyin ah muhiim ah oo ay ku kordhinayso miisaanka jirkeeda. Waxay isticmaashay waxyaabo badan oo ay ku jiraan cabitaannada leh macdanta ukunta iyo cuntooyinka kale hase yeeshee sidii ay rabtay wax badan uma suurta galin oo ma gaarin natiijadii ay filaysay.

“Waxaan aaday dhaqtar aniga oo aan xitaa ogeyn khatarta aan la kulmi karo waxaan xafiiska uga tagay warqad si aan u soo iibsado cirbado” ayay tiri Silvana, oo muddo lix bilood kadib ah iska dhintay miisaanka jirkeeda .

Qofka oo si kookooban cuntada u cuno waa hab wanaagsan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Qofka oo si kookooban cuntada u cuno waa hab wanaagsan

Kordhinta miisaankaada qaab caafimaad leh waa suurtagal

Si loo helo miisaan caafimaad leh oo joogto ah, waxaa muhiim ah inaad hesho waddadii arrintaa loo mari lahaa oo ah in la sameeyo xulashooyin wanaagsan oo cunto ah isla markaana la beddelo qaar ka mid ah caadooyinka. Khubarada ay wareysatay BBC News Brazil waxay tilmaameen qaar ka mid ah tilmaamo aas-aasi u ah arrimahaas.

1. Cun caafimaad leh Tilmaamaha ugu horreeya waa in la cuno in ka badan inta aad isticmaasho Tan waxaa loola jeedaa waxyaabo aan dhibaato u keenaynin dheefshiidka iyo inuu helo qofka hab hagaagsan oo ku joogteyn karo waxyaabaha tayada wanaagsan .”Mid ka mid ah khaladaadka waaweyn ayaa ah inaad rabto inaad miisaanka ku kordhiso adigoo cunaya cuntooyinka shiilan, nacnaca iyo cuntooyinka kale . Xitaa haddii miisaankaagu hooseeyo, waxaa suurtogal ah inaad yeellato dufan badan ayna ku soo wajahaan khataro caafimaad.” ayay Garcez.

2. Cuntooyinka kookooban

Qofka waxaa laga yaabaa inuusan wax badan cunin haddana u durbo dhargo xittaa haddii uu wax yar cuno arrin. Haddaba cuntooyinka sida kookooban loo cuno inata lagu gudo jiro maalinta waa arrin wanaagsan oo miisaanka lagu kordhin karo adiga oo aan dareemin dharag.

3. Wakhtiga cuntada oo la saxo

Si qofku aanu u lumin miisaanka jirka waa inuu joogteeyaa wakhtiga cunista cuntada ee jirku la qabsaday tallaabadaas oo ka hortagi karta jaha wareer jirka ku yimaada.

“Miisaanka oo dhan hal mar ma fiicna inuu qofka ku kordho taa waxaa la mid ah ma wanaagsana inuu si degdeg hoos ugu dhaco. Qiyaasta caafimaad qabka ee qofka qaangaarka ah waa inuu korodho celcelis ahaan hal ama laba kiilo bishii, iyadoo arrintaa ku xirantahay cabirka jorka qofkaas oo aan xad ka bax ahayn ,” ayuu yiri qof ka mid ah dhaqaatiirta caafimaadka gaarahaanna dhanka miisaanka jirka.

Si guud dhaqaatiirtu waxay inta badan ku talinayaan inuu mar walba qofku cuno cunnooyin isu dheelitiran isla markaana aan qofka dhibaato u keenaynin haddii uu buurni raadinayo iyo haddii dhuubni raadinayaba. Waxaa kale oo tallooyinka khuburada caafimaadka ka mid ah sameynta jimcsiga si qofku uu noqdo mar walba qof caafimaadkiisu wanaagsanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here