Maxaad ka taqaana deeganka libaaxa iyo aadanaha ay sida nabadda ah ugu wada nool yihin.?

0

Dhaqanka qowmiyada Masai, gaar ahaan ragga waxay raganimadooda dhameystirmaysaa marka uu dilo libaax, balse, haatan dhaqankaasi ayaa ah mid Meesha laga saaray, waxaana sabab u ah qorshe kaymaha Kenya lagu ilaalinayo taas oo horseeday in qowmiyadda Maasai iyo libaaxyada ay si nabad ah ugu wada noolan karan dhulka kaymaha ah.

Meiteranga Kamunu Saitoti, waxaa uu xusuustaa in uu aad ugu hami weynaa sidii uu u dilii lahaa libaaxyada.

Markii uu ahaa wiil yar, waxaa uu ku koray dhul weynaha ay deganyihin qowmiyadiisa Maasai ee koonfurta Kenya, waxaa uuna sheegayaa in libaaxyada ay meel walba joogi jireen.

Kaynta Amboseli, waxay caan ku tahay Maroodiga, Libaaxyada iyo bidhaanta buurta Kilimanjaro oo dhanka Koonfuurta kaga beegan halka ay deganayeen. Libaaxyada iyo duurjoogta kale waxay si nabad ah ugu gaaf wareegi jireen goobta ay deganayeen Saitoti.

Dhulka qowmiyada Maasai ay deganyihin ayaa ah mid juqraafi ahaan u dhaw amaba qarka ku haya kaymaha Kenya.

Tusaale ahaan Kaynta Amboseli, waxaa ku nool Maroodiga, lo’gesi, Waraabaha iyo Libaaxyo. Qowmiayadda Maasai waxay kaynta ku dhaqdaan xoolahooda, waxayna gabaad isugu jiraan libaaxa oo xoolahooda cuna marka uu fursad ku helo.

Arrintaas weli waa mid ka jirto inta badan miyiga Afrika. Libaaxyada iyo duurjoogta kale ayaa dadka kula nool kaymo aan deer ama xayndaab lahayn. Noloshana aad bay ugu adkaatay labadaba dhinac ee waa duurjoogta iyo aadanaha.

Qowmiyada Maasai iyo libaaxyada waxay dhulkan wadaagayeen qarniyo badan.

Dadka Maasaida waxay isu arkaan inay leyihiin asataanta libaaxyada – waxay isu arkan inay yihiin dad gob ah, oo aad maqamkooda u sarreeyo, islamarkaasina adag.

Markii uu Saitoti aadka u da’yaraa, xubnaha qoyskiisa waxay uga sheekeeyeen sheekooyiin aan caadi ahayn oo ugaadhsiga libaaxyada iyo sida ay u dhaqmaan marka ay la kulmeen libaax.

Wax badan ayaa isaga laga filayay: qoyskiisa oo kaliya, aabbihiis iyo adeeradiis waxay dileen illaa 15 libaax.

Saitoti wuxuu dilay libaaxiisii ugu horreeyey isagoo 19 sano jir ah, wuxuuna ku dilay meel ciriiri ah oo geedo badan. Wuxuu sheegay in uu muddo gaadayay, ka dibna markii ay is arkeen, wuxuu waran dheer ku dhuftay ka horba inta uusan libaaxa ku soo boodin, sidaa ayuuna ku dhintay libaaxii.

Ugaarsiga libaaxyada Maasai wuxuu ahaa dagaal u dhexeeyay geeri iyo nolol – waa laba dhinac oo cadawad weyn ay ka dhexeyso.

Ma ahan ugaarsi abaalmarin lagu helayo, balse waxay ugu yeeraan ugaadhsiga isboortiga ah. Meel ayay si qarsoodi ah ugu sugayaan libaaxa markaas ka dibna dabin ayaa loo dhigaya, ka dibna waxaa lagu toogta hub aad u xoog badan.

In Libaaxa waran lagu dilo, oo dagaal gacan ah loola tago waxay u baahan tahay geesinnimo weyn. Balse Ugaarsiga libaaxa ee Maasai aad buu u yaraa, taas oo hoos u dhigtay tirada libaaxyada la dilay.

Kaynta Amboseli waxay caan ku tahay Maroodiga iyo muqaalka buurta Kilimanjaro

XIGASHADA SAWIRKA,DIANA ROBINSON PHOTOGRAPHY/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Kaynta Amboseli waxay caan ku tahay Maroodiga iyo muqaalka buurta Kilimanjaro

Sanado ka dib markii uu dilay libaaxii ugu horreeyay, Saitoti wuxuu haddana dilay afar libaax oo kale. Wuxuu ka mid ahaa ragga ugu fiicnaa ee jiilkiisa ee libaaxyada dili karay, dadkiisa waxay u aqoonsadeen in uu yahay geesi.

Dadka qowmiyadda Maasai si fudud uma rumaysan karaan duni libaaxyo la’aan ah, mana rabaan in ay ku noolaadan duni libaax la’aan ah.

“Haddii aysan dhulka Maasai lahayn libaaxyo, waxay ka dhigan tahay wax xun,” ayuu yiri Saitoti.

“Cabaadka iyo dhawaaqa libaaxa wuxuu calaamad u yahay farxadda duurka, iyo nasiibka wanaagsan.”

Mudo ka dib waxwalbo waa ay isbedelen

Tirada dadka ku nool Dooxada Amboseli ayaa si xawli ah u sii kordhaysay tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Sannadkii 2006-dii waxay gaartay heer aad u sarreeya, xilligaas oo 100-kii libaaxba ay ku ag noolaayeen 35,000 Maasai ah iyo laba milyan oo xoolo ah.

Sidaa darteed, dhul yar ayaa u soo haray libaaxyada iyo ugaadhsiga duurjoogta ah.

Libaaxyada waxay bilaabeen in ay ugaadhsadaan xoolaha qowmiyada Maasai si aan hore loo arag, dadka Maasai-na waxay iyaguna bilaabeen inay dilan libaaxyada, oo waxay ahayd talaabo aargoosi ah.

Sannadkii 2006-di, qowmiyada Maasai waxay waran ama sun ku dileen illaa 42 libaax. Arrintaas waxay horseeday isbeddel dhaqameed aasaasi ah, waxayna ku hanjabeen in ay ciribtiri doonaan libaaxyada Amboseli.

Qowmiyada Maasai ee Ku nool Kanyta Amboseli

XIGASHADA SAWIRKA,PHILLIP J BRIGGS/LION GUARDIANS

Qoraalka sawirka,Qowmiyada Maasai ee Ku nool Kanyta Amboseli

Ka dib markii uu dilay libaaxiisii afaraad 2006-dii, Saitoti waxaa la dhigay xabsi, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan 70,000 oo shilinka Kenya ah (qiyaastii £ 465); in kasta oo uu baahsan yahay, dilka libaaxa iyo ugaadhsiga kale oo dhan, sharci-darro ayuu ka yahay dalka Kenya, tan iyo sannadkii 1977-dii.

Wax yar ka dib markii Saitoti xabsiga laga sii daayay, qaar ka mid ah lo’diisii ayaa la waayay. Isaga oo ku qanacsan in libaax cunay ayuu ka daba tagay, waxaa uuna biaabay in uu baadi-goobo laba libaax.

Saacado ka dib, wuxuu arkay libaax geed hoostiisa jiifa oo dhergay, wuxuuna u dhowaaday ilaa hal ama laba mitir. Wuxuu waran kaga dhuftay xabadka.

Isagoo raadinaya caddayn ah in libaaxu dilay lo’diisa. Saitoti wuxuu caloosha ka soo daadiyay libaaxa. Markii uu arkayna libaaxa calooshisa waxaa uu ku quus qaatay in uusan dilay uusanna cunin lo’diisa.

Dadka Masaai waa xoolo dhaqato

XIGASHADA SAWIRKA,HADYNYAH/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,
Dadka Masaai waa xoolo dhaqato

Sidaas awgeed Saitoti waxaa uu sheegay in dhawac culus nafsadiisa soo gaaray, waxaa uuna raggi la socday u sheegay in uu dilay xayawaan aan waxba galabsanin. Waxaa uu sheegay in dhaqanka Maasai uu yahay in markii libaaxa la dilo, la soo qaado madaxa iyo maqaarkiisa.

Balse wuxuu maalintaas go’aansaday in uu gurigiisa ku laabto isagoo aan u dabaaldegeynin dilka libaaxayada balse ka murugeysan waxaa uu sameyay.

Isla wakhtigan ayay ahayd markii Saitoti uu maqlay barnaamij lagu badbaadinayo libaaxyada oo ka bilowday aagga uu ku noola.

Aasaaskiisa wuxuu ahaa mid fudud: dagaalyahanno dhallinyaro ah oo Maasai ah, kuwaas oo mar dilay libaax, ayaa noqday ilaaliyeyaaasha libaaxyada iyo bulshooyinka Maasai labadaba.

Barnaamijkan waxaa uu kala shaqeeyay Dr Leela Hazzah iyo Dr Stephanie Dolrenry oo labadoodaba aad ugu howlan arrimaha deeganka.

Libaaxyada ku nool kaynta Amboseli

XIGASHADA SAWIRKA,ADOGSLIFEPHOTO/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,
Libaaxyada ku nool kaynta Amboseli

Sanado ka dib, Dolrenry waxay xusuusata markii ugu horeysay oo ay la kulantay Saitoti. “Deeganka waan ku cusbayn waxaan la kulannay saitoti, wajigiisana waxaa ka muuqday furfurnaan, dhab ayayna ka ahayd in uu libaaxa badbaadiyo.”

“Leela oo aad u faraxsan ayaa agtayda fadhiday, waxayna ii sheegtay in uu ka mid yahay dadka laayay libaaxyadu”, ayay sheegtay Dr Dolrenry.

Labaduba waxay ogaayeen in guusha barnaamijka ay ku xirnaan doonto in la helo dagaalyahan Maasai ah oo bulshada magac ku leh iyo kuwa libaaxyada laayay sida Saitoti oo kale oo hoggaamiya badbaadinta.

Uma baahnayn in uu dadka qanciyo, oo wuxuu durbadiiba billaabay raadinta libaaxyada si uu ula socdo una ilaaliyo.

Dagaalyahannada sida Saitoti ayaa mar soo bandhigay khibraddooda ku aaddan raadinta libaaxyada si ay u dilaan, maantana shaqadooda waa in ay ilaaliyaan Libaaxyada, waxay raadiyan lo’dii lunto iyo xitaa dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo ku jahwareeray duurka, waxayna uga digeen dadka kale in ay ka fogaadaan meelaha ay libaaxyada joogaan.

“Ka hortagga ugaadhsiga libaaxyada ayaa aad u adag marka loo eego libaaxyada xitaa,” ayuu yiri Saitoti, markii uu khibrad u lahaa samaynta labadaba.

Maanta deegaanka Amboseli waxay ku naaloonaysa wada noolanshaha libaaxa iyo aadanaha kuwaas oo markii horaba ay ka dhexaysay cadaawad wayn, waxaana sare u kacday tirada libaaxyada iyadoo kuwi dili jiray ay hadda iyagu ilaalinayan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here