Maxaa Usababa Indho Ka Qarsiga Xukumadihii Soo Maray Somaliland Ee Ku Saabsan Sugida Xuduudaha Bada Iyo Khayraadkooda.

0

Tan iyo taariikhdii dadka reer Somaliland xornimadoodda kala soo noqdeen midawgii jamhuuriyadii la isku odhan jirey jamhuuriyada somaliya ee ay ku midoobeen Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa ka dhexeeyay labada wadan khayraad aad ubaddan oo ay ugu muhiimsanaayeen dhulka, badda, cirka oo saddexdaaba ay kala lahayeen xuduuda wakhtigii isticmaarku kala haystay Somaliland iyo somaliya.m

Hadaba anigoo si kooban u eegaya una iftiiminaya xaqa ay Somaliland u leedahay inay xuduudaha badda iyo khayraadka ku jira xaqaq ay u leedahay iyo dhamaan shuruucda ka kaabaysa lahaanshaha iyo sugida xuduudaha badda iyo ilaalinta khayraadkooda.

Muwaadin adigoo wax korodhsanaya isku day inaad wax ka barato wax aad leedahay oo dhulka dhaafsiisan si aad u garan karto xaqa baddeed ee dadka reer Somaliland leeyahay iyo waxyaabaha kaaga waajibay.

Goorma loo baahday xadka badaha.

Xeer lagu dhaqo Badaha Adduunka in la sameeyo waxaa loo baahday kaddib markii la arkay in uusan shaqayn karin xeerkii badda ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaabo qarnigii 17aad ee ay sameeyeen Dutch-ka (Holland), kaas oo biyaha badda ee dal uu leeyahay ku xadidayey meel xeebta ka durugsan 3 nautical mile oo u dhigma (5.6 km) oo keliya. Biyaha badda ee intaas ka baxsan waxay ahaan jireen kuwo aan cidna lahayn (High Sea), oo aan cidna sheegan Karin. FG: 1 nautical mile (nm) = 1.850 kilometer (km).

Qarnigii 20aad ayaa dalal badan oo leh xeeb waxay muujiyey baahida ay u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ee ay dalalkaasi xaqa u leeyihiin, si ay u yeeshaan macdanta, Batroolka iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana u difaacdaan kalluunka, kana ilaaliyaan wasakhaynta ama dikhowga loo geysan karo ama in aan qashinka lagu duugin. Arrintaas baahideeda waxaa lagu aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii lagu qabtay magaalada Hague (Holland), laakiin kulankaas waxba la iskuma raacin.

Ilaa sannadihii 1950-maadkii waxay Qarammada Midoobey isku dayeysay in ay dalalka adduunka ku qanciso in ay isku raacaan sharci loo sameeyo badda adduunka. Shir-weynihii ugu horeeyey ee Qarammada Midoobey ee sida rasmiga looga hadlay xeer loo saameeyo Badaha Adduunka waxaa magaalada Geneva (Switzerland) lagu qabtay 29kii April 1958, shirkaas oo hordhac u ahaa afar kulan oo lagu samaynayey Xeerka Badaha. Sannadihii 1970-naadkii ayaa la qabtay shir-weynihii saddexaad ee Qarammada Midoobey ee xeer u samaynta badda. Shir-weynahaas kaddib, toban (10) sano ayey qaadatay in la nidaamiyo xeerka badaha, ayadoo la tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira iyo cidda yeelan doonta.

Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, kaddibna dhaqan geliyey. Laakiin sida aan arki doono waxaa jira dalal saxiixay balse aan weli dhaqan gelin, dalal diiddan qaybo ka mid ah xeerka badda iyo dalal aanba saxiixin. Waxaa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the Law of the Sea).

Arrinta ugu weyn ee xilligaas (1994) uu Xeerka Badaha Adduunku wax ka bedeley waxay ahayd  in la kordhiyey fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ay leeyihiin dalalka xeebaha leh, taas oo ahaan jirtey 3 nmi waxaa laga dhigay meel xeebta ka durugsan ilaa 12 nmi (22 km), waxaana qaybtaas loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dhulka dalka xeebta leh . Islamarkaas fogaan xeebta ka durugsan ilaa 24nmi waxaa loo tixgeliyey in ay tahay aag la qayb ah dalka xeebta leh (Contiguous Zone).

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas – toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah “toos ugu beegan xeebta“).

Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nm (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.

Hadaba halkee wax inoo joogaan qaran ahaan.

Dalalka jaarka la ah Somaliland iyo Somaliya dhamaantood waxay ku doodaan inaan somaliya iyo Somaliland toona aanay wax xuduud badeed ah isla markaana iyagu ay ku doodaan in dhamaan wixii waajib ahaa ee badeena inaga saarna ama la inooga baahna ay iyagu inoo qabtaan.Taas oo ah waxba kama jiraan sababtoo ah dalalka inala jaarka ah sida jabuuti, yemen waa dalalka ugu badan ee bililiqaysta badeeeheena intaa kuma ay joogine waxay ku dareen dilaalis ay inagu soo hogaamiyaan dalalka shisheeye.

Somaliland wax qorshe ah oo badaha iyo khayraadka ku jira uga yaal majiraan markaad eegto istaraajiyada dawlada iyo sharci dejinta dalkaba. Hadaba ma aqoon daraa? Akhristayaasha ayaan uga tegaya.

Badaha somaliand waay ka mid yihiin dhulka qahinka wershadah ka soo hadha lagu qubo waana waxyaabaha sababa in aan kaluuna wadankeena l jeclan marka wadamada shisheeye la gyanlagu waydinayo caafimaadkiisa cadaynisa.

War horta miyaan Soomaaliland baddeedu xadeysanayn?

Tan intii qaranimada somalinad la soo noqotay ma jirto gudi loo xilsaaray xudduudka bada ee Somaliland se waxa jira xeer kaluumaysiga oo la sameeyay isna laga tixraacay kii somaliya wakhtigii uu dalka xukumayay Maxamed X. Ibraahin CigaalXeerka. Isla xeerkaasi maaha mid la horgeeyay golaha barlamaanka.

Intaa wixii ka danbeeyay waxaad moodaa in wadanku galay xaalado siyaasadeed oo sababay in dhamaan dadkii wadanka joogay wada siyaasi noqdaan oo la waayo cid dan guud ee dalka ka hadlaysa.

Wasaaarad kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee Somaliland waa mid ay xadidan tahay waxay qabanayso marka loo eego shaqaalaha iyo budget aya hesho sanadkii.taas oo ay sabab utahay aqoon darada inaga haysa bada.

Suaasha jawaabta ubaahan ee ah miyaanay Somaliland badaheedu xadaysnayn waxaan ka sheegay ogaanshayga laakin jawaabtaa waxaan uga tagaya wasiirka kaluumaysiga iyo kahyaad bada e Somaliland?

 War horta wixii somaliya la isku odhan jirya ma lahayd xuduud badeed oo xadaysan?

Waxa jira xeer aya dabada ka riixaysay dawladii kacaanku balse lahaa god dalooloyin badan oo aan sax ahaan hadaba Si loo caddeeyo in ay badda Soomaaliya leedahay xuduudo sugan, waxaa boorka laga jafay Xeerka Badda iyo Dekedaha tirsigiisuna yahay 37 ee la xeeriyey 1972, xilli ay Dawladdii Kacaanku calan wallaynaysay, kaas oo si cad u muujinaya in dhul badeedka Soomaaliya ballac ahaan yahay 200nm.

Xeerka Lambar 37 ee aan kor ku soo sheegay wuxuu dhigayaa in dhul badeedka Soomaaliya ballac ahaan yahay 200nm, kana bilowda madhayaca heerkiisa hoose (meesha biyahu ka tagaan xeebta markii ay baddu caarido). Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in uusan Xeerku ka hadlayn soohdimo badeedka aan la wadaagno waddamada aan deriska nahay sida Kenya, Yemen iyo Jabuuti; lamana hayo khariidado ama dhigaallo qoraal ah oo muujinya xuduudahaasi baraha (coordinates) ay maraan ama jihooyinka ay abbaaraan. Sida qaalibka ah, marka waddan samaysto xad badeed cusub ama uu wax ka beddelo mid hore u jiray, waxuu u gudbiyaa macluumaadkaas Qarammada Midoobay (QM) oo iyana dhigta keydkeeda dukumentiyada. Ma cadda in khariidadahaas iyo qoraalladaas si ula kac ah looga saaray keydka dukumeentiyada ee QM iyo in aan markii horeba loo gudbin ama aan asalkaba la samayn.

Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in aysan taas micnaheedu ahayn in aan la aqoon meelaha ay xuduudaha baddeennu maraan marka laga hadlayo soohdimaha aan la wadaagno waddamada aan jaarka nahay ee aan kor ku sheegay; maadaama ay jiraan xeerar caalami ah oo qeexaya sida ay noqonayaan xadadka noocaas oo kale ah. Badanaa xad badeedku wuxuu raacaa qaabka iyo jihada uu u socdo xad birriyeedka kala qeybiya labada waddan ee deriska ah, haddii aysan jirin jasiirad(o) ku aaddan jihada uu markaas abaarayo xuduudkaasi oo labada waddan midkood leeyahay, taas oo keeni karta in xadkii laga leexiyo (duwo) jihadii uu markii hore usoday. Haddii labada wadan ay wadaagaan bad udhaxaysa sida inaga iyo yemen oo kale, isla markaasna ay badaasi ka yartahay balac ahaan 400nm oo ah balac labo wadan xuduud badeedkoodu wuxuu noqonaya in xariiq la mariyo kala badhka badood ee udhaxaysa (equidistance line)

Maxay ciidanka badu ilaaliyaan hadaan xadba jirin?

Ciidankeenu maaha ciidan suga xuduudka bada ee waa ciidan suga dhererka dhulka ee xudduka bada ee xeebaheenu ku teetsan yihiin,laakiin maaha maaha ciidan ilaaliya gudaha fog ee bada ee aynu xaqa uleenahay, mana jiro askari ciidan bada ah oo kuu sheegi kara xuduudka bada Somaliland ee aynu leedahay, sababtuna waa maaha askariga ee cid garaynaysa oo sheegi karta ma u istaagtay ayaan jirin taasina waa ayaan daro qarankan ubaahan inuu ka jawaabo si sharciga waafaqsan.

Qashin qubka badeena iyo boobka khayraadka badeena?

Hadaba Iyadoo laga war qabo inay boob lagu hayo khayraadka badeena oo ay markhaati buuxa ka tahay wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee somalilnad ayaa hadana waxa inoo raacay qashin qub aan loo aabo yeelayn sida hadhaaga qashinka warshadaha oo uu ku jiro hadhaaga qashinka nukliyeerka((radioactive waste)

Waxa laga baqo qabaa inay xaalado caafimaad daro ayaa soo food saran dadka ku dhaqan xeebaha Somaliland haddii aan wax laga qaban arimahaas aan ku ku soo xusnay.

Haddaba yaa qaabilsan oo lagala xidhidhi karaa xadaynta badaha aduunka?

Taariikhdu markay ahayd june 1996 ayay ahayd markii ugu horaysay ee qaramada midoobay ay si rasmi looga hadlo il sameeyo gudi soo diyaaruya sidii loo kordhin lahaa xuduudka badaha ee dalalku xaqa u leeyihiin dalalka leh xeebaha. Taas oo la kordhinayo masafada ahayd 200 nm in looga dhigo 350 nm(647.5km) iyadoo la tixraacayo xeer qaramada midoobay ee sharcuyada badaha ee hirgalay Nov 16 1994. Si hadaba hawshaas loo dhaqan geliyo waxa loo xilsaaray gudi.

March 13.1997 ayaa la doortay gudduga xadaynta badaha oo ka kooban 21 xubnood. Guddidaas oo loo bixiyay Commission on the limits of the continental shelf (CLCS) (Guddida xadaynta badaha). Guddida shantii sanaba hall mar ayaa la soo doortaa, gudidii ugu horaysay waxay shaqadoodii bilaabeen June 16.1997, waxaan la bedelay june 16 2002.

Hadaba hada waxa gacanta ku haya gudii xilka la wareegtay 2007 wakhtiguna kaga eegyahay 2012 waana gudiga u xilsaaran in ay falaqeeyaan oo go’aamiyaan xogta iyo macluumaad badaha ay dalaku ku soo wareejiyaan ee la xiriira xadayn aaga ganacsiga badaha ee dal yeelanayo.

Guddigaasi waxa qaramada ka codsadeen inay ubaahan yihiin kharshaad badan oo xaga farsamada cilmiga Juquraafiga. Guddiga Xadaynta Badaha waxa ay muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin kharash aad u farabadan, farsamo iyo aaladda computerka/Software lagu socodsiiyo hawsha xadaynta badaha, dalka koonfur afrika ayaa soo jeediyaya in dalalka soo koraya laga caawiyo xaga farsamada waana la aqbalay.  

Somaliland xaq ma u leedahay in ka qayb qaadato shuruucda caalamiga ah ee badaha

1982 adduunku isku raacay Cahdiga UNCLOS oo beddelay heshiisyo afar ah oo horey loo gaaray 1958. Cahdigaani wuxuu qeexayaa xuquuqda iyo masuuliyadaha ay waddamadu yeelanayaan ee ku aaddan isticmaalka badaha adduunka; wuxuu kaloo dejinayaa xeerarka hagaya ganacsiga, degaanka iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah ee badda. Wuxuu sidoo kale tilmaamayaa ilaa toddoba aag badeed oo baaxad ahaan kala weyn, intooda badinina ay hoos yimaadaan maamulka waddamada xeebaha leh. Xuquuqda, awoodaha iyo masuuliyadaha ay waddamadaasi ku leeyihiin aagaggaasi way kala badan yihiin, waxayna hadba ku xiran yihiin masaafada ay aagaggu u jiraan birriga oo marba markii badweynta la sii aado, saamayntii waddanku waa sii yaraataa. Bal aan tusaale u soo qaadano seddexda aag badeed ee ugu muhiimsan:

  1. a) Dhul Badeedka oo ah aagga kowaad ee barriga xiga, cabbirkiisuna yahay 12nm, waddanka xeebta lihi wuxuu ku leeyahay xuquuq iyo awoodo la mid ah kuwa uu ku leeyahay dhulkiisa barriga, haddii ay noqon lahayd hawada ka sarraysa, sagxadda badda iyo ciidda ka hoosaysa.
  1. b) Aagga ku Dheggan oo ah kan ku sii xiga dhul badeedka, cabbirkisuna yahay 24nm, waddanka xeebta lihi wuxuu isticmaali karaa awoodaha loo baahan yahay si uu uga hor tago xad gudub ka dhan ah arrimaha la xiriira canshuur bixinta (customs), maaliyadda (fiscal), socdaalka (immigration) iyo xeerarka khuseeya faya dhowrka ee ka jira waddankaas. Si maraakiibta looga ilaaliyo meelaha raadadka qaddiimiga ah ama walxaha taariikhiga ah leh, waddanka xeebta lihi wuxuu u qaadan karaa ka rarista allaabadaas laga rarayo meelahaas in ay tahay sharci darro haddii aan oggolaansho laga haysan wadan k axeebtaa leh.
  1. c) Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) cabbirkiisuna yahay 200nm, waddanka xeebta lihi wuxuu ku leeyahay:
  • Xuquuq qarannimo sida baarista, ka faa’ideysiga, dhowridda iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah, ha ahaado noole ama ma-noole laga helo sagxadda badda, ciidda hoose, ama biyaha dhexdooda, iyo sidoo kale hawlaha ku aaddan ka faa’ideysiga dhaqaalaha aaggaan sida soo saaridda tamar laga dhaliyo biyaha, xiiska ama dabaysha.
  • Awood maamul asaasidda iyo isticmaalka jasiirado macmal ah, rakibaado, dhismayaal, baaris cilmi badeed, iyo dhawridda iyo ilaalinta degaanka badda.
  • Xuquuqda iyo masuuliyadaha kale ee hoos yimaada shuruucda caalamiga ah.

Dalalka aan la ictiraafin ee leh baddaha siday u waajaheen xudduudaha iyo khayraadka baddahooda. Isha allah qoraalka kan xiga ayaan ku soo bandhigi doona ?

Waxa Qoray Aqoonyahan Jama Mohamed Abdi caateeeye (macaf)

Jaamac_cade@hotmail.com (Tel: 4444015)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here