Maxaa ka taqaanaa laba siyaasi ee sida weyn ugu howlan xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

0

Kadib kulan saacado badan qaatay oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa natiijo la’aan ku soo idlaaday.

Hadaba waa kuwee siyaasiyiinta arrinkan sida weyn ugu howlan?

Waan-waanta oo maalmihii u dambeeyay socotay ayaa waxa hormuud ka ahaa madaxda mamaul goballeedyada Koofur galbeed iyo Galmudug kuwaas oo ku dadaalayay in xal laga gaaro khilaafkaan iyo xiisadda ka dhalatay hase yeeshee waxay u muuqataa in aaney wali ka gaarin natiijo la taaban karo,.

Labada siyaasi madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-Qoor” iyo dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed “Laftagareen” ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka hoggaamiyeyaasha uu aad usii xoogeystay.

Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen

  • Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970
  • Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.
  • Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar
  • Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda
  • Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha.
  • Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.
  • Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-Qoor”

  • Wuxuu ku dhashay magaalada Hobyo, sanadka marka uu ahaa 10-kii Oktober 1968-kii.
  • Ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Galmudug, wuxuu ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dadweynaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.
  • Qabashada xilka madaxweynenimo waa markii ugu horreysay oo Kaariye uu xafiis ku dhex yeesho dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa khilaafka u dhaxeeya wuxuu aad usoo shaac baxay isbuucii la soo dhaafay kaas oo ku sooaaday xilli lagu dadaalayay inay qabsoonto doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Arrimaha ay isku qabteen Farmaajo iyo Rooble waxaa saldhig u ah:

  • Qaabka loo wajahay kiiska ku saabsan Ikraan Tahliil, oo xubin ka ahayd sirdoonka Soomaaliya
  • Shaqo ka joojinta agaasimihii hay’adda Nabad sugidda, Fahad Yaasiin
  • Xil ka qaadista wasiirkii amniga gudaha oo wasaaraddiisa loo magacaabay qof kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here