Maxaa ka dhashay booqashadii Erdogan ee Soomaaliya 10 sano ka hor maanta oo kale?

0

Maanta oo kale 10 sanadood ka hor madaxweynaha Turkiga Reccep Tayib Erdogan ayaa noqday hogaamiyhii ugu horreeyay ee booqasho Soomaaliya ku taga, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka halakeeyay. Booqashadii 2011, Erdoğan wuxuu ku dhawaaqay in Turkigu uu Soomaaliya ka dhisayo safaarad ka caawisa qaybinta gargaarka.

Abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa ku dhufutay Soomaaliya, Erdoganna gurmad iyo gargaar ayuu u fidiyay. Xilligaas, Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysay abaartii ugu xumeyd ee soo marta qarniyo iyadoo Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluul ka jirto qaybo ka mid ah dalka markii ugu horreysay tan iyo 1991-1992.

Erdogan iyo xaaskiisa

XIGASHADA SAWIRKA, AFP

Balse faragelinta Turkiga markii hore waxay ahayd mid bani’aadamnimo oo keliya.

“Tobankii sano ee la soo dhaafay, howlgalka Turkiga ee Soomaaliya wuxuu si wanaagsan ugu adeegay xiriirka labada dhinac, Soomaaliyana waxay ka faa’iideysanaysaa mashaariicda gargaarka ee Turkiga si ay gacan uga geysato ka-hortagga macaluusha iyo inay sare u sii qaaddo geeddi-socodka dib-u-dhiska colaadaha kadib.” Sida ay daabacday xarunta Cilmi-Baarista ee TRT.

“Maamulka soo socda ee Soomaaliya waxay u badan tahay inuu sii wado dariiqa hadda jira, Turkiguna wuxuu sidii wadi doonaa taageeridda Soomaalida dhexdeeda. Dhinaca kale, Soomaaliya waxay si weyn u saamaysay astaanta Turkiga oo ah quwad dhexe oo doonaysa inay kordhiso la shaqaynta Afrika.”

10 sanadood kaddib maxaa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaaliya Turkiga ka faa’iidday?

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, waxa uu xilligaas ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen iyo weliba wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya, waxa uuna ka mid ahaa madaxdii magaalada Muqdisho kula kulmay Erdogan.

“Soomaaliya iyo Turkiga Taarikh iyo xiriiir fog baa ka dhaxeeya waxaana xilligaasi adduunka oo dhan ka dhaa-dhaacsanaa in Soomaaliya ay tahay meel aan la tagi karin oo khatarteeda badantahay marka booqashadii madaxweyne Erdogan waxyaaba badan ayay inoo furtay oo waxaa markii dambe yimid dalalkii kale oo dhan waxaan isbadal ku dhacay Soomaaliya haddii ay noqon lahayd siysaadda ama dhinacyada kale ee hormarka,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

1: Tabarka Ciidamada

Ciidanka Haramcad

Turkiga ayaa tabar u fiidiya Ciidamada Soomaaliya oo gudaha iyo dibadaba ah, waxayna soo saaraan ciidamo tayo leh oo ka mid yihiin Ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay xerada TURKSOM tan iyo sanadkii 2017, kadib heshiis milateri oo ay kala saxiixdeen labada waddan.

Turkiga ayaa rajeynaya in Soomaaliya uu u tababaro illaa 15 kun oo askari, si ciidamada xoogga dalka ay ula wareegaan ammaanka waddanka ay colaaddu ragaadisay.

Ujeedka laga leeyahay ciidamadaas ayaa ah in ay sugidda ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo lagu waday in sanadkan 2021 ay billaabaan qorshaha ay uga baxayaan dalka.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa ah khatarta amni ee ugu weyn ee xilligan haysata Soomaaliya, waxaana ururkaas uu doonayaa in dalka uu ka hirgeliyo dowad ku dhaqanta Shareecada Islaamka qaabka ay iyagu u rabaan.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegaya in tabarka ciidamada uu yahay waxyaabaha ugu muhiiimsan ay Soomaaliya Turkiga ka faa’iidday.

“Waxaan dhihi karaa waa qodobka ugu muhiimsan sababtoo marka laga soo tago ciidamada sida gaarka loo tabaro wuxuu dalka ka sameeyey xarun tabar oo ah xaruntii ugu weynayd uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan dalkiisa marka waxay kaalin weyn ka qaateen dib habeynta ciidamadeena.”

2: Isbitaallo

Marka laga soo tago tabarka ciidamada, Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka hirgeliyay xarumo caafimaad oo tayo leh oo uu ka mid yahay isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfeer.

3: Dib u dhiska waddooyinka

Turkiga door weyn ka cayaaray dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha waxaan ka mid ah waddooyinka qaar oo dayactir lagu sameeyay iyo laami la saaray waxaana ugu muhiimsan waddada weyn ee isku xirya Afgooye iyo caasimadda Muqdisho.

4: Gargaarka Bini’aadanimo

.

Waa tallaabadii iyo Iriddii ugu horreeysay ee uu Turkiga ku soo galo Soomaaliya waxayna aad u caawiyeen dadkii ay saameeysay abaartii ba’anayd ee ku dhufutay Soomaaliya.

5: Deeqda waxbarasho

Marka laga hadlayo deeqaha waxbarsaho ee uu Turkiga Siiyo ardayda Soomaalida, aad ayay u farabadan yihiin oo kummanaan arday ayaa ka faa’iideysta waxbarshada Turkiga loogu qaado.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka hirgeliyay jaamacado, iskuulo, tababaro xirfadeed, iyo xarumaha luqadaha.

“Umad meesha laga caawiyo waa aqoonta, ciidanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha intaba waa ay inaga caawiyeen Turkiga marka abaalkooda mid la gudi karo ma ahan,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here