Maxaa Hindiya ku qasbaya horumarinta diyaaradaha drones-ka ee ay ku hawllan tahay?

0
.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hindiya ayaa isku dayaysa in ay kordhiso awooddeeda ciidan iyada oo isticmaalaysa curintooda ku aaddan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno drone-ka, xilli ay adeegsanayso ikhtiraac gudaha ah iyo iibsi shisheeye, halka dhanka kalena weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa iyaga, Shiinaha iyo Pakistan oo deris la ah.

Bandhigii ugu dambeeyay ee tignolajiyadeed ee qalabkan, Machadka Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Difaaca Hindiya (DRDO), ayaa soo bandhigay ‘tiro badan oo Drone ah’, bishii Noofambar 17. Kuwaas oo dhammaantood noocyada aan duuliyaha lahayn, waxayna gaadhayeen tiro gaareysa 25 xabbo.

Sida laga soo xigtay Hindustan Times, abaabulkii ugu horreryay ee diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, waxaa sameeyay militariga Hindiya bishii Janaayo ee sanadkan.

Ka dib 75 diyaaradood oo waddani ah, laguna sameeyey dalkaas ayaa isku mar la bilaabay tijaabintooda. Diyaaradahaan ayaa sidoo kale fuliyay howlgalo kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarro.

War qoraal ah oo lagu faafiyey Twitter-ka ka dib bandhiggoodii Noofambar 17, DRDO waxay ku sheegtay “in ay ku shaqaynayaan tijnoljiyadda casriga ah, si ay kor ugu qaadaan awoodda ay leeyihiin ciidankooda millitariga.”

Si kastaba ha ahaatee, xulafada ay Hindiya la samaysanaysy dalal ay ka mid yihiin Israa’iil iyo Maraykanka, sannadihii u dambeeyay, ayaa muujinaysa in Hindiya ujeedkeeda ugu weyni yahay helidda awooddii ay ku burburin lahayd cadawgeeda iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Marka la eego xaaladda amni ee deegaanka ka jirtay, sanadihii u dambeeyay, waxay sidoo kale noqdeen diyaaradahaas wax ay Hindiya si dhab ah ugu baahan taha.

Xilli ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, DRDO ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarka ay ciidamada cirka Hindiya ka geysteen Pakistan, bishii Febraayo 2019, uu waxtar badan yeelan lahaa haddii sidoo kale la isticmaali lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

In muddo ah, Hindiya waxa ay isku dayaysay in ay u adeegsato weeraradeeda ay fuliyaan diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, marka laga soo tago kuwa sirdoon ee ay fuliyaan.

Dhanka kale, casharradii laga bartay dagaalkii u dhexeeyay Azarbayjan iyo Armeniya ee sannadkii hore ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay baahida ay Hindiya u qabto aaladdan.

Khubarada militeriga iyo kuwa difaaca ee caalamka ayaa isku raacay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qeyb weyn ka ahaayeen guusha Asarbayjan ay ka gaadhay dagaalkaas.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warrantay dagaalkaas xilligii uu socday in hoggaanka ciidamada dalkaas ay isha ku hayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la adeegsnayey, gaar ahaan Azarbijaan oo u isticmaalaysay si baaxad leh.

तुर्की का ड्रोन

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tirada ugu badan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Asarbayjaan ayaa ku sugan Israa’iil iyo Turkiga. Hindiya waxay horey u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil iyada oo u adeegsanaysa hawlaheeda basaaska.

Suxufiga iyo falanqeeyaha dhanka difaaca eeShekhar Gupta, ayaa maqaal uu soo saaray kaga digay in dalka ay dariska yihiin ee Pakistan, laga yaabo inay Turkiga ka iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, maadaama hoggaanka siyaasadda ee labada dal uu aad ugu dhow yahay dalkaas.

Sida ay sheegayaan wararku, bishii Ogosto ee sannadkan, shirkadda Hindiya ee DCM Shriram, ayaa boqolkiiba 30 ka heshay shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Zyron Dynamics.

Wadashaqeynta labada shirkadood ee gaarka loo leeyahay ayaa la rumeysan yahay in ay dalacsiisay dowladda Hindiya, waxaana markii heshiiska lagu saxiixay Istanbul goobjoog ka ahaa safiirka Hindiya ee dalkaas Sanjay Panda.

Waxaa sidoo kale lagu iftiimiyay warbixinnada warbaahinta in DCM Shriram iyo shirkadaha kale ee Zen Technology, ay ka faa’iideysan karaan siyaasadda cusub ee Drones-ka ee Dowladda Hindiya.

Ndege ya kivita ya Uturuki isiyo na rubani

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ujeedada siyaasadda cusub ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah in Hindiya laga dhigo xudunta horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn marka la gaadho 2030.

Siyaasaddan, shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa la siin doonaa jawi ku habboon horumarinta iyo cilmi baadhista tignoolajiyada diyaaradahaas.

Sanadihii la soo dhaafay, dowladda Hindiya waxay xoojisay dadaalkeeda ku aaddan abaabulka weerar gardaro ah oo lagu qaado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Predator iyo Reaper ee Mareykanka.

Xaaladdan oo kale, Hindiya waxaa laga yaabaa inay hesho 20 nooc oo ah kuwa loo yaqaan Sky Guardian iyo 10 kale oo ah Sea Guardian, iyo weliba MQ-9 Reaper oo ka yimaadda dhanka Maraykanka.

Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanka uu Hindiya siin doono diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasay 3 bilyan oo dollar.

Sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray Dainik Jagran, Hindiya ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay dalbato diyaaradahan, bisha December ee sannadkan.

Dhanka kale, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday India Today, waxaa sidoo kale bilaabanaya hannaan lagu geynayo dalkeeda nooca loo yaqaan Heron drone oo ay sameeyaan Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here