Maxaa filinka cusub ee Akshey Kumar looga mamnuucay dalalkan?

0

Dhowr bilood kaddib oo adduunku uu u dhaxeeyay bandowga iyo xayiraadaha coronavirus, milkiilayaasha tiyaatarrada dunida ayaa nafis dareemay kaddib markii jilaaga Akshay Kumar uu soo bandhigay filinka ‘Bellbottom’ 19-kii bishan August.

Balse ‘Bellbottom’, oo dunida laga daawaday, ayaa waxaa mamnuucay saddex dal oo Khaliijka ka tirsan. Filinka ayaan loo oggolaan in laga daawado shaashadaha Sacuudiga, Kuwait iyo Qadar.

Madhu Bhojwani, Jackky Bhagnani, Vashu Bhagnani iyo Nikhil Advani ayaa soo saareyaal ka ah filinka ‘Bell Bottom’.

Iyadoo ka hadleysay mamnuucidda ‘Bellbottom’ laga mamnuucay saddexdan dal, ayaa soo saare Madhu Bhojwani waxay tiri, “Go’aanka an inaan filinka la sii deyn waa arrin u gaar ah dal walba. Waxaynu sameynay filin ka hadlaya dhacdooyin dhab ah. Haddii dal uu go’aan gaaro, markaas waa danahooda. Waxba kama oran karno arrintan.”

Komal Nahta oo arrimaha ganacsiga falanqeeya ayaa yiri, “Sababta aan filinka looga oggolaan dalalkan sadedxda ah waa mid ku saabsan waxa uu ka hadlayo.”

Madhu Bhojwani ayaa sheegtay inaysan ka jawaabi karin arrintaas.

Kumar

XIGASHADA SAWIRKA, TWITTER/AKSHAYKUMAR

Sababta manuucitaanka filinka

Dhab ahaantii filinku wuxuu ku saleysan yahay afduub diyaaradeed.

Waxaa la sheegay in sheekada filinka laga sameeyay diyaarad la afduubtay sanadkii 1984. Diyaaradda oo mid rakaab ahayd ayaa laga keenay Lahore waxaana la geeyay Dubai.

Sida laga soo xigtay dhacdada runta ah ee sanadkii 1984, wasiirkii gaashaandhigga Imaaraatka Carabta ee xilligaas, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, ayaa si shakhsi ah u xalliyay arrinta, afduubayaashana waxaa xirtay dowladda Imaaraatka.

Balse waxaa filinka lagu xusay in keliya saraakiisha Hindiya ay fuliyeen howlgalka qarsoodiga ah. Sababtan darteed, waxaa la rumeysan yahay in xaqiiqooyinka lagu beddelay filinkan. Si kastaba, wax warbixin rasmi ah lagama soo saarin sababta ka dambeysa mamnuucidda filinka.

Kumar

XIGASHADA SAWIRKA, TWITTER/AKSHAYKUMAR

Filinku ma uusan helin furitaan fiican

Shineemooyinka adduunka ayaa haatan waxay keliya qaadaan ilaa boqolkiiba 50 inta xaddigoodu yahay. Saameynta arrintan ayaa laga dareemay dhaqaalaha laga sameeyay filinka.

Keliya boqolkiiba 30 dakhliga filinka ayaa ka yimid gobolka Maharashtra ee Hindiya, balse sababo la xiriira xiritaanka hoolalka shineemooyinka Maharashtra, ayaa sameyn ku yeeshay dhaqaalaha filinka.

Kumar

XIGASHADA SAWIRKA, TWITTER/AKSHAYKUMAR

‘Iftiinka rajada bellbottom’

Balse soo saare Madhu Bhojwani kama xuma dakhliga yar ee laga helay filinka.

Waxay tiri, “Waxaan ku faraxsannahay inaan helnay fursadda ah keliya boqolkiiba 50 filinkuna waa mid ku guuleystay ujeeddadiisa. Waxaynu awoodnay inay dadka keenno tiyaatarrada.”

Madhu Bhojwani ayaa intaas raacisay, “Filinkan dartiis, milkiilayaasha tiyaatarrada, dadweynaha, kaaliyeyaasha iyo dhammaan dadka ku shaqada leh bahda aflaanta waxay muujiyeen iftiin rajo ah. Qof walba waxaa lagu dhiirri geliyay inay aad muhiim u tahay in la furo tiyaatar.”

Marka laga soo tago Akshay Kumar, Lara Dutta, Vaani Kapoor iyo Huma Qureshi ayaa door muhiim ah ka cayaaray filinkan ‘Bell Bottom’ halka filinku uu agaasime ka ahaa Ranjit Tiwari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here